Sign in to follow this  
General Duke

over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet

Recommended Posts

Nairobi:Xubno isugu jirey labada gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanku inuu kala qaybiyey xildhibaanada kuna tuntay qodobo ka mid ah axdiga

- Friday, April 01, 2005 at 19:04

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa maanta kulan isugu yimid magaalada Nairobi xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo gaarayay 162 xubnood oo isugu jira labada gole ee dawladda FKMG ah ,waxayna soo saareen qoraal ay saxaafadda ugu talagaleen oo ay ugu horrayn warbixin tilmaamaysa dhacdadii foosha xumayd ee 17kii Marso ka dhacday kulankii baarlamaanka ee Grand Regency Hotel.

 

Kulankaas oo guddoomiyaha baarlamaanka ay ku eedeeyeen inuu sheegay in go'aan laga soo saaray codayn ka dib qorshihii xukuumaddu wadatey ee ahayd keenitaanka ciidammo shisheeye o ka socda dalalka Afika iyo Jaamacadda Carabta ,iyagoo tilmaamay inuu guddoomiyuhu ka dhinac furay Mooshin kale oo ay ku tilmaameen inay sharci darro ahayd.

 

Xildhibaanada iyo Wasiiradii kulankii maanta fadhiyey ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka inuu sabab u ahaa gacan ka hadalkii goobtaas ka dhacay isagoo afkiisa kaga dhawaaqay erayo colaad hurin ah oo sida ay sheegeen uu ku boorriyey xildhibaanadii mooshinka keenay kelmad ahayd WAAR RAGGA ISKA CELIYA dabadeedna ay halkaas dhibaatadaasi ka dhacday.

 

Waxayna qoraalkooda ku sheegeen inay fajaciso ku noqotay ummadda Soomaaliyeed,Warbaahinta madaxa bannaan ee goobtaas ku sugnayd iyo beesha caalamkaba in 8:00 fiidnimo ee maalintaas dhibtu dhacday in guddoomiyuhu soo saaray qoraal taariikhdiisu ahayd 17-03-2005 summadiisuna ahayd TFP/1/241/05 oo uu ku sheegayo in baarlamaanku u codeeyey oo diidey qorshihii xukuumadda isagoo muujiyey inta diidey ,ogolaatay ama ka aamustay ,BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta ee uu qiyaas sameeyey.

 

Xubnahaan kulanka maanta isugu yimid ayaa waxay ku sheegeen in sida ay hadalka u dhigeen aanay waxba ka jirin qoraalkii uu guddoomiyuhu soo saaray taariikhdaas kore ee uu ku sheegay in baarlamaanku codeeyey,go'aanna gaarey.

 

Xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha inuu kala qaybiyey baarlamaanka oo qayb la saftay,isla markaana labo jeer guubaabiyey inay dagaallamaan xildhibaanadu oo dhiig dhexdooda ka daato,isagoo jebiyey qodobka 24aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka oo qeexaya in haddii buuqa xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal inuu shirka xiro.

 

Waxayna ugu baaqeen guddoomiyaha baarlamaanku inuu raali gelin qoraal ah ka bixiyo waa sida ay yiraahdeene qaladaadkaas isla markaan xilkiisa u guto si daacadnimo ah,sidoo kalana waxay u soo jeediyeen guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen inay si degdeg ah u dhammaystiraan dhismaha guddiyada maamulka .

 

Sidoo kalana waxay si gaar ah guddoomiyaha ugu baaqeen inuu door wanaagsan ka ciyaaro isfahamka iyo wadashaqaynta xildhibaanada iyo sidii ay mas'uuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen ,waxayna qoraalkooda ku xuseen in loo baahan yahay in la joojiyo dagaallo beeleedyada ka socda gobollada qaarkood.

 

Dhinaca kalana waxay taageereen go'aankii 18kii Maarso 2005ta ka soo baxay kulankii Wasiirada dalalka IGAD ee ka dhacay Nairobi oo ku saabsanaa in ciidammo nabadda taageera la keeno Soomaaliya,iyagoo sidoo kalana si buuxda u taageeray go'aankii 21kii Maarso 2005ta ee golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya kuna saabsanaa dib u guurista dawladda iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta xaaladda ammaan ee magaala madaxda dalka(Muqdisho)hagaagayso.

 

Xubnahaan ayaa qoraalkooda waxay ku canbaareeyeen duulaankii sida ay hadalka u dhigeen gardarada ahaa ee lagu qaaday magaalada Baydhabo iyagoo beesha caalamka iyo urur goboleedka IGADna uga mahadceliyey taageerada hagar la'aanta ah ee ay la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano Maanta Nairobi ka soo saaray Qoraal lid ku ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’iid ay ku qabteen magaalada Nairobi waxay ku sheegen inay taageersan yihiin go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in Dowladda ku hakato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.

 

Xildhibaanadaas ayaa waxay sheegen in kulan u socday muddo 2 Maalmood ah kadib isku afgarteen in la taageero Go’aankii Golaha wasiirada ahaa in Dowladda u guurto Baydhabo iyo Jowhar,sidoo kale Xildhibaanadaas ayaa waxay soo dhaweeyen in dalka soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka soomaaliya deriska la ah.

 

“Waxaan nahay 160 Xildhibaan, waxaan halakan ka sheegaynaa in shirkii Fadeexada ka dhashay oo 17 bishii hore Baarlamaanka ka dhex dhacay waxaa mas’uul ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadanâ€ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Xasan Abshir Faarax oo shirkaas Saxaafadeed ka hadlayay.

 

Xasan Abshir oo hadalkiisa u muuqday mid lagu weerarayo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa uu aad u difaacay siyaasadaha Madaxweynaha iyo mida Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

 

Dhawaaqa maanta ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa waxaa uu mar kale boorka ka jafayaa khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo arrintan keeni karto in mas’uuliyinta federaalka sii kala fogaadan.

 

Xildhibaanada maanta qoraalka soo saaray ayaa waxay gaashanka ku dhufteen wararka sheegayay in Baarlamaanka soomaalida u soo guuri doona magaalada Muqdisho,iyadoo maantana muqdisho laga sheegay in Baarlamaanka soomaalida tiro ka mid ah Axada dalka soo gaari doonan.

 

Xildhibaanadaas waxay kaloo sheegen inay mar walba u taagan yihiin badbaadinta shacabka Soomaaliyed,iyadoo ay saas tahay ayaa waxay soo bandhigeen khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba tirada kale ee Xildhibaanada ee Guddoomiyaha taageersan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^Sxb weli ma qusaan miya..?

Ok read this for a contradiction..I knew you will quote Allpukeland and Midnimo... :D

 

Xildhibaano iyo wasiro ka tirsan dowlada federaalka somalia oo ka soo horjeestay go’aankii barlamaanku uu ku gaaray in aan safka hore soomaaliya loo soo dirin.

 

Nairobi( Sh.M.Network) Kulan maanta ay iskugu yimaadeen ku dhawaad 60 , oo isugu jira xildhibaan iyo wasiiro ka tirsan dowlada federaalka Somalia oo kulankoodana uu ka dhacay magaalada Nairobi ayaa isku raacay in ay qalad ahayd go’aanki gudoomiyaha barlamaanka federaalka Somalia Shariif Xasan Shiikh uu ansixiyay ee ahaa in aan Somalia loo soo diri Karin ciidama ka socda wadamada deriska la ah, iyaga oo si cad oo aan leexad lahayd qaladkaasi mas’uuliyadeeda dusha ka saaray gudoomiyaha barlamaanka Somalia.

 

Wasiirka waxbarashada Somalia Cali C/laahi Cosoble, iyo wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Xasan Abshir Faarax, oo ka hadlay kulanka ayaa cambaareeyay go’aanka, waxana ay sheegeen in la isku keenayo madaxweynaha Ra’isul wasaaraha, iyo gudoomiyaha barlamaanka.

 

Waxana ay ugu baaqeen gudoomiyaha barlamaanka Somalia in uu dhexdhexaad ka noqdo siyaasada taagan oo aanu dhinac la safan, iyaga oo ku celceliyay in ay soo jeedinayaan in markale barlamaanku uu isku yimaado oo laga doodo arrintaasi.

 

Inkasta oo mas’uuliyiintaasi ay carabka ku dhufteen in kulankooga ay soo xaadireen in kabadan 150 isugu jra xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlada ayaa hadana suxufiyiinta kulanka lagu casuumay waxa ay soo warinayaan in ay tiriyeen 60 xubnood oo labadaasi gole isugu jira oo kulanka soo xaadiray.

 

Shabelle Media Network Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ Shabbele must be the only website able to count, much like the way Sharifka counts huh?

 

160 Xildhibaan oo ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanku inuu sabab u ahaa gacan ka hadalkii dhex maray xubnaha baarlamaanka

Posted to the Web Apr 01, 19:50

 

 

Nairobi:-kulan ay maanta isugu yimaadeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya caddadkoodu ahaa 162 xubnood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen kulankoodaas ka dib waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu mas'uul ka ahaa dhacdadii foosha xumayd ee 17kii bishii tagtay dhex martay baarlamaanka mar ay ka doodayeen mooshin xukuumaddu keentay oo ahaa in Soomaaliya ciidammo la keeno Afikaan iyo Carab isugu jira isagoo guddoomiyuhu sida ay sheegeen ka dhinac furay mooshin kale taasoo ay sharci darro ku tilmaameen,irdahana u furtay in dagaal ka dhex dhoco baarlamaanka dhexdiisa isagoo weliba ku tirtirsiiyey xildhibaanadii mooshinka ka soo horjeeda kan xukuumadda inay dagaallamaan kuna dhawaaqay oraah colaad muujin ah oo ahayd "WAAR RAGGA ISKA CELIYA".

 

Warsaxaafadeedkooda ayay ku sheegeen inay yaab ku noqotay iyaga iyo ummadda Soomaaliyeed,saxaafadda madaxa bannaan ee goobtaas ku sugnayd iyo dhammaan beesha caalamkaba in 8:00 fiidnimo ee habeenimadii maalinteeda dhibtu dhacday in afhayeenku soo saaray qoraal ku taariikhaysnaa 17-03-2005 summadiisuna ahayd TFP/1/241/05 ,kaasoo uu ku sheegayay in baarlamaanku codeeyey isagoo ku muujiyey inta diidey ,ogolaatay ama ka aamustay ,BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta ee uu ka qiyaasqaatay tiradii xildhibaanad ee hadashay.

 

Warkoodaan ay saxaafadda ugu talagaleen ayaa waxay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin qoraalkii uu guddoomiyuhu soo saaray ee uu ku sheegayey in baarlamaanku codeeyey,go'aanna gaarey,taasoo lagu diiday barnaamijkii xukuumadda ee keenitaanka ciidammada shisheeye,waxayna ku eedeeyeen guddoomiyuhu inuu labo kooxood u kala qaybiyey baarlamaanka oo dhinac ka mid ah la saftay,isla markaana labo jeer sabab u noqday inay dagaallamaan xildhibaanadu oo ceeb iyo fadeexad iyo dhiig ka dhex daato xildhibaanada ,wuxuuna jebiyey bay ku yiraahdeen qoraalkooda qodobka 24aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka oo qeexaya in haddii buuqa xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal inuu kulanka xiro.

 

xubnahaan maanta kulanka isugu yimid ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka inuu raali gelin qoraal ah ka bixiyo qaladaadkaas ,xilkiisana u guto si daacadnimo ah,iyagoo u soo jeediyey guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeenna inay si degdeg ah u dhammaystiraan dhismaha gudiyada maamulka ,waxayna guddoomiyaha ugu baaqeen inuu door wanaagsan ka ciyaaro isfahamka iyo wadashaqaynta xildhibaanada iyo sidii ay mas'uuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen ,waxayna qoraalkooda ugu soo jeediyeen beelaha ku dagaallamaya gobollada qaarkood inay joojiyaan colaadaha.

 

Xildhibaanadaan ayaa waxay taageereen go'aankii 18kii /03/ 2005ta ka soo baxay kulankii Wasiirada dalalka ku bahoobey urur gobolleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi kuna saabsanaa in ciidammo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Soomaaliya,waxayna soo dhoweeyeen go'aankii 21kii /03/2005ta ee golaha Wasiirada Soomaalidu ku go'aansadeen dib u guurista dawladda iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta xaaladda ammaan ee magaala madaxda dalka(Muqdisho) laga hagaajinayo,iyagoo canbaareeyey duulaankii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Xubnahaani waxay beesha caalamka uga mahad celiyeen taageeradooda hagar la'aaneed ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed ,iyagoo ka codsaday inay sii wadaan taageeradaas,sidoo kalana ay urur goboleedka IGAD kala shaqeeyaan hawlaha nabadda ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrikaba.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Duke sxb first get through your thick-head there is no plot as such to get rid of the government.The plot in here is to stir away this government from the path of being led by a single man and his views. The fact is that your adeero and evidently from you are not use to being oppossed... :D .

As for the 160 MP's where were they sxb or are the media from Pukeland counting even the waiters, doormans,watchmans,cooks etc. that were there in the hotel...

36_2_34.gif36_2_34.gif36_2_34.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ A grown man should not lose his cool, my dear cousin stay calm and dont act like a fool. Your side is down and out for the count, the government of Ali Mohamed Geedi, will inhsa Allah be the first to resurect the proud nation of Somalia and safe our people from the fiends who now openely feast on our soil.

 

The government has massive external and internal support, within the cabinet and parliment. It will overcome all obsticles put in front of it by the clique of small insignificant men, hasbeens of an ending era.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

the clique of small insignificant men, hasbeens of an ending era.

I agree with you this point, but we defer in the subject it refers to, and only in time we will see who fate favours. One thing for sure though I dont count on imagination and hypothetical situations like you do. The government I see now is a government that is everything but a government, while you in all this shambles see it as rosy cause it is first led by your adeero and at best supported blindly and shamefully by your other adeero. Thus I fail to see sxb your rational in trying to justify its action. I know for sure where your nationalism derives from, it is certainly not from the love of the Nation. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Juma and his simple logic. Indeed my loyalty to my family is paramount, unlike you my family is made up of more than one sub-clan or one man.

 

Unlike you my uncles are a source of strength, while you see half of your family as the enemy from "Pukeland" .

 

Your logic is that Hobyo is the exclusively land of your sub-clan, while Banadir is not the exclusively land of Mohamed Dheere's clan..

 

You are against the promise of law and order that the government led by Geedi represents, yet you support the likes of Yusuf Inda Cade.

 

You are for Qaynyare, Musa Sudi and Osman Ato now that they want to fight. But when they did not you refered to them as mere "Women" in need of bras.

 

Unlike me you are against peace, you are for warlordism and anarchy and clanish dominance. You hate Puntland but love the JVA,one is a legitimate organ for change and progress, the other occupies peoples land ..

 

Kinda of summs up everything about you.. But I still have hope, for you are still young and can change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha labadda gole ee dowlada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey ku wareejinta xaruntii hore ee xisbiga xubnaha xildhibaanda ee Muqdisho ku sugan.

 

April 01, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Axmed Muuse Cabdulle “Idaawaqaca†Nairobi, Kenya.

Axmeddheere65@hotmail.com

 

 

Xubno isugu jira baarlamaanka federaalka KMG ah Soomaaliya iyo xukuumada oo ku sugan wali magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa si weyn u soo dhoweeeyey ku wareejinta xaruntii hore ee xisbiga xubnaha wafdiga baarlamaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho, oo ay ku wareejiyeen maamulka gobolka Banaadir.

 

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si farxad leh u soo dhoweeyey, ka dib markii dhagahooda ku maqleen in baarlamaanka Soomaaliyeed la siiyey goob ay ku shiri karaan, isla markaana waliba si fiican u deeqda, iyadoo ay dhagahooda ku maqleen in kuraas ka badan afar boqol iyo labaatan “420†kursi iney heli karaan, iyadoo xubnaha golaha baarlamaanka iyo kuwa golaha wasiirada ay hal mar ku shiri karaan, iyagoo waliba is arkin wax caqabad ah, oo qolo waliba ay ka shiri karaan danahooda khaas ah, iyadoo aysan ogaan qolada kale.

 

Afar iyo labaatankii “24†saac ee aynu soo dhaafey ayey damaashaad iyo farxad iyo sacab tun ay wadeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku diyaariyey qaabkii ay ugu guuri lahaayeen isla markaana dib ugu laaban lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo dhinaca kalana hambalyo u diraya xubnihii hor dhaca ahaa ee dowlada KMG ah ee federaalka ah ee u sii gogol xaarey, walibana ay iminka joogaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Waxaa la filayaa maalmaha fooda inagu soo haya in ku dhowaad todobaatan ilaa iyo sideetan “70----80†xildhibaan ay u soo baqoolaan isla markaana ay yimaadaan magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo iminka ay socoto is qorista iyo qaabkii xildhibaan waliba uu u diyaarsan lahaa fiisadii uu uga bixi laha wadanka Kenya, isla markaana aad moodo iney buux dhaafeen diyaaradaha u soo baqoolaya magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee markaad u dhaba gasho xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waxey kuu xaqiijinayaan isla markaana ay kuu sheegayaan iney diyaar u yihiin iney wajahaan waxyaabihii loo soo doortey markii horaba, taasi oo ah iney wax ka qabtaan dhibaatada Soomaaliya heysata, iyagoo intaasi ku daraya iney diyaar u yihiin iney wax ka qabtaan afar iyo toban “14†sanadood ee dowlad la’aanta ka jirtey Soomaaliya, inagoo bey lahaayeen hadda wixii ka danbeeya guntida dhiisha ayaan isaga dhigi doonaa, sidii aan u badbaadin laheyd qaranka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

“Rajo nooma lahan inaan joogno Kenya ayey yiraahdeen xildhibaanada kumana heysano ixtiraam diblomaasiyadeed, waad og tahay ayey ku leeyihiin in la xiro wasiiro, xildhibaano iyo shaqsiyaad Soomaaliya oo magac iyo sumcad ku leh bulshada.

 

Waxaa jirey dad aad u fara badan oo ka tirsan siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka oo ku waayey naftooda tan iyo xiligii la dhisay ama la doortey golaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Waxaa ku geeri yoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya afar xildhibaan, iyadoo ku dhowaad shan iyo tobana “15†naftooda qaaliga ah ay ku waayeen naftooda qaaliga tan iyo 15 October ee 2002da markii uu ka furmay shirweynihii dibu heshiisiinta siyaasadda ee Soomaaliya magaalada Eldoret, iyadoo aad arkeysid iney hadda xubnaha baarlamaanka ku soo baraarugeen dhisidda iyo u tafa xeydashada dalkooda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

160 Xildhibaan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo kala jabka Baarlamaanka oo si weyn loo hadal hayo

 

Nairobi :- Warsaxaafadeed ay shalay kasoo saareen magaalada Nairobi 160 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, xildhibaanadan ayaa ku sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka mid aan dhex dhexaad ahayn.

 

Qoraalkan oo ah kii ugu horeeyey oo ay soo saaraan Xildhibaano tiradaan leh ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka uu san wax go'aan ah ka gaarin Mooshinkii lasoo hordhigay 17kii bishii Maarso, kaasi oo ay gacan ka hadal ka dhaceen.

 

Xildhibaanadan oo uu afhayeen u ahaa Xildhibaan Xassan Abshir Faarax oo ah wasiirka Kaluumeysiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ganac ka hadalkii dhexmaray xildhibaanda 17kii bishii lasoo dhaafay uu eedeeda lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan.

 

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha uu muujiyey xir fad la'aan isla markaana uu abuuray xiisad dhalisay in ay gacanta usula tagaan xildhibaanada asgaoo aan markaa waxna ka qaban xalinta dagaalkii ka dhacay Baarlamaanka uu guddoominayey.

 

Xildhibaanadan ayaa si toos ah uga hadlay qorshaha uu Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Golahaasi ay ku qorsheenayaan in Baarlamaanka loo raro magaalada Muqdisho.

 

Qorshahan oo lagu tuhunsan yahay in ay taageerayaan hogaamiye kooxeedka Muqdisho ayey ku sheegeen 160kaan xildhibaan in uu yahay mid aysan aqbali doonin.

 

Xildhibaanadan ayaa sheegay in aysan waxna kala socon hawlaha ay xildhibaano gaaraya 11 ay hada ka wadaan magaalada Muqdisho.

 

Qoraalkan ayaa kusoo aaday maalin kadib markii Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho, xaruntii hore ee Xisbiga la sheegay in xaruntaasi loogu deeqay Baarlamaanka Federaalka ayadoo ay xildhibaanada Muqdisho sheegeen in ay goobtaasi u soo guuri doonaan.

 

Hadaba qoraalka ay soo saareen 160kan xildhibaan ayaa ah Mid muujinayey in codka Xildhibaanada Intiisa badan ay hada kasoo horjeesadeen qorshaha Baarlamaanka loogu rarayo magaalada Muqdisho iyo waliba in ay muuqato kalsooni daro oo ay ku qabaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn uga dhex muuqday khilaafka ku dhex jira hogaamiyaasha Dowlada lagu dhisay dalka Kenya.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

hassan300.jpg

 

160 Xildhibaan oo ka Tirsan labada Gole ee Dawladda oo soo Saaray baaq aay ku cambaareeynayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka .

Somaliweyn (Nairobi ,April 1,2005)

 

 

Waxaa shalay magaalada Nairobi ku dhammaaday shir labo maalmood socday oo aay ka qaybgaleen 160 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada ,shirkaas oo shalay dhammaadkiisii aay xildhibanadu soo saareen baaq aay ku saabsan shilkii dhawaan ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliyeed Gudihiisa waxaayna cambaareeyn usoo jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaankaoo aay ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday Baarlamaanak dhexdiisa .

Mudane xasaan Abshir Faarax oo shalay u waramayey BBC-da laanta afka Soomaaliga wuxuu yiri:

â€Shalay shirki dhacay waxaan ka soo saarnay baaq aan ugu sheegayno ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in shirkii fadeexadda ahaa oo lagu ceeboobay ,baarlamaanka Soomaaliyeedna aay gacantu kala gaartay in uu masuul ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ,sidii la rabayna uu u wadiwaayey â€Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in xildhibaanadu ku eedeeyeen Guddoomiyaha in uu Mooshinkii Dawladdu aay baarlamaanka soo hordhigtay oo ku saabsanaa masiirka ummadda Soomaaliyeed oo ahayd in la diido ama la yeelo Waxyaabaha umaddu aay la fajacday waa guddoomiyaha oo keenay mashruuc kale oo dhawr iyo toban qof aay wataan â€.Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in kalfadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka aanay ka dhicin wax doorasho ahi ee uu dagaal ka dhacay ,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka la rabay in uu shirka xiro markuu arkay in dhibaato ka taagan tahay sida xeerku dhigayo wuxuuna ku dhawaaqay war ah la diriro oo dagaalama arintaas oo noqotay mid aanu un adkayasnwaynay ayuu yiri Mudane Xassan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

duk

 

where were those 160 phantom xildhibaano when ina yey amxaaro plan was being trashed by suudi and co., let me gues they were all in the hotel kitchen making laxoox iyo suqsuqaar.

 

go back and consult with www.allpukeland.com for this question :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Xildhibaan Xasan Abshir oo sheegay warkii uu shalay siiyey saxafada in ay ahayeen wararkii 1 Abriil oo ah maalinta Beenta Aduunka

 

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa shalay siiyay saxaafada in ay shir laba maalin qaatay yesheen xildhibaana kor u dhaafaya 160 tasoo aysan jirin xaqiiqdiisa kadib markii ay goobta shirka saxafadahii goobjooga ka ahaa ay shegeen in ay joogeen goobta shirka 60 xildhibaan oo kaliya .

 

 

Mana dhici karta 160 xildhibaan oo sax shirkooda noqon karin mid qarsoodi ah xaqna u leyihiin intaas hadii ay dhan yihiin in shir gudoonka shirka uu gudoomiya shirkooda lakiin runtii ma dhacin tirada saxda ah , mar wax laga weydiiyey Xasan Abshir warka uu siiyey shalay saxafadda ayuu yiri asagoo qoslaya miyadan ogeynina shalay in ay aheyd 1 Abriil oo ah maalinta beenta Aduunka,marka hadalkeyga waa kaas wana dareemi kartiin sida aan ugu aadanay maalintaasi .

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa moodaa shirkii laga sugayey na tiijada mid sii wiiqaya isuna badalay laba isbaheysi oo xoogan midba midka kale diidan yahay waxii ka soo baxana ay noqon karaan dagaal hor leh barakac iyo isnaceeb isir oo hor leh oo aad mooday in laga gudbayey xiliyadii danbe

 

 

Dayniile.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Qudac come on mate. You must be able to do better than that, the Sharif estimate has been the weakness of Suudi Yalaxow and co, the numbers do not add up..

Share this post


Link to post
Share on other sites

The press release of the 160 MP's with six main points and recommendations

 

Kulankan waxaa Gudoominayay Xidhibaan Cabdi Warsame ***** waxaana ka soo qaybgalay wasiiro, wasiiro ku xigeeno & Xidhibaano ka tirsan labada Gole ee Xukuumada ku meelgaarka ah, waana kan hoos ku qoran warsaxaafadeedkii:

 

Jamhuuriyada Soomaaliyeed:

Date:01 April/05

 

War Saxaafadeed

 

Anagoo ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxaanu halkan ku cadaynaynaa mowqifkayaga ku aadan qodobada soo socda:-

 

1)- dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday kulankii Barlamaanka Soomaaliyeed ku yeeshay Hotelka Grand Regency 17 Maarso 2005 iyo qoraalkii Afhayeenka Barlamaanku soo saaray habeenimadii oo uu ku sheegay in Barlamaanku u codeeyey go’aana la gaaray.

 

Ugu horayntii waxaanu ummadda Soomaaliyeed ee mudada labada sano iyo barka ah ka war sugaysay shirkii ka socday dalka Kenya iyo Dawladii lagu dhisay uga tacsiyadaynaynaa dhegxumadii ka soo yeertay Barlamaankii Soomaaliyeed ee ay u hanka weynaayeen.

 

- Kulanka Barlamaanku wuxuu bilowday 10.00 Subaxnimo iyadoo Ajandaha shirku ahaa in laga doodo qorshaha Xukuumada ee keenista Ciidamo shisheeye oo ka socda Midowga Africa iyo Jaamacada Carabta.

 

- Markii shirku furmay waxaa codbaahiyaha Afhayeenka Barlamaanku ku soo dhoweeyey Raysal wasaaraha Dawlada Soomaaliyeed si uu u sharaxo Qorshaha dawlada, kadibna Raysal wasaaruhu wuxuu soo jeediyey hadal kooban wuxuuna codsaday in qorshaha Dawlada laga doodo go’aana laga gaaro.

 

- Afhayeenka Barlamaanka ayaa hadal qaatay wuxuu Xoghaynta u dhiibay mooshin cusub wuxuuna ku amray in la akhriyo taas oo lala fajacay sharci darana ahayd, markii akhrintii Mooshinka cusub la dhamaayeyna wuxuu amray in dooda laysu qoro lana bilaabo.

 

- Markii la arkay in Afhayeenka Barlamaanku wato mooshin ka duwan kii dawladu keentay ayaa 15 Xildhibaan qoraal ku codsadeen in Mooshinka cusub doodiisa dib loogu dhigo fadhi kale sida uu qabo qodobka 39-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer hoosaadka Barlamaanka, codsigaas oo uu Afhayeenku iska dhega tiray.

 

- Markii doodii dhamaatay saacaduna tahay 5;00 Galabnimo wuxuu Afhayeenka Barlamaanku sheegay in lagu codaynayo hab qarsoodi ah, wuxuuna Afhayeenku kaxaystay qaar ka mid ah Xildhibaanadii keenay Mooshinka Dulsaarka ah si ay ula soo diyaariyaan warqada codaynta, isagoo ka tegay gudoonkii Barlamaanka ee xaqa iyo sharciga u lahaa in ay la sameeyaan warqadaha codeynta.

 

- Afahayeenku markiii uu soo noqday wuxuu la yimid warqad codayn oo laba Mooshin oo kala duwan loogu codaynayo, ka dibna Xildhibaano badan ayaa ku dooday in aanay suura gal ahayn in loo codeeyo laba mawduuc oo iska soo horjeeda waxayna codsadeen in codka loo qaado Barnaamijkii dawladu keensatay ee ajandaha shirka ahaa, nasiib daro Afhayeenku wuu diiday wuxuuna ku adkaystay in loo codeeyo mooshinkii dulsaarka ahaa buuqii iyo qayladii Xildhibaanadu waxay isu bedeshey gacan ka hadal, ka dibna Raysal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in uu la noqday Barnaamijkii dawlada ee uu keenay wuuna baxay, ka dibna Afhayeenka ayaa ku yiri Xildhibaanada mooshinka keenay –WAAR RAGA ISKA CELIYA- waana baxay, ka dibna waxaa bilowday dagaal in mudo ah socday oo hoolkii shirka ka bilowday ilaa Booliska Kenya soo dhex galeen hoolkiina laga baxay oo shirkii sidaas ku xirmay.

 

Waxaa Xildhibaanada, Ummadda Soomaaliyeed, Beesha caalamka iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee shirkaas goob jooga ka ahaa fajaciso, naxdin iyo la yaab ku noqotay markii 8.00 fiidnimo uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray qoraalka taariikhdiisu ahayd 17-3-2005 sumadiisuna ahayd TFP/1/241/05 uu ku sheegayo in Barlamaankii u codeeyey isagoo ku muujiyey inta diiday, ogolaatay ama ka aamujstay, isagoo idaacada BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta lakiin uu ka qiyaas qaatay tiradii Xildhibaanada ee hadashay.

 

Sidaas Awgeed,

 

- Anagoo fulinayna dhaartii aanu ku dhaaranay kitaabka quraanka kariimka ah iyo waajibaadka qaran ee na saaran.

 

- Anagoo Xaqiiqda ka sheegayna dhacdadii 17 maarso 2005 iyo sida ay ku dhamaatay

 

- Iyadoo ay marqaati ka yihiin Xubnihii Beesha Caalamka iyo warbaahinta shirka joogay.

 

- Waxaanu cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin qoraalka uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray fiidnimada 17 maarso 2005 ee uu ku sheegay in Barlamaanku codeeyey go’aana gaaray.

 

2)- XADGUDUBYADA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA

 

Waxaanu rumaysannahay in Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed uu shaqadii loo doortay oo ay ka mid ahayd ka run sheegida go’aamada Barlamaanka iyo xejinta amaanada uu ka galay xadgudub fara badan mudada halka sano -ka yar ee uu xilka Afhayeenimada hayo, waxaana xadgudubyadaas ka mikd ah:-

 

a) Wuxuu golihii Barlamaanka ee uu Afhayeenka u ahaa u qaybiyey laba qaybood oo iska soo horjeeda oo uu isagu qayb ka mid yahay ama la jaal yahay.

 

b) Wuxuu laba jeer dhiiri geliyey, kuna guubaabiyey xubnaha Barlamaanka in ay dagaalamaan oo dhiig ku daato Barlamaanka dhexdiisa, guubaabadaas oo loo hayo maqal iyo muuqaal halkii uu ka heshiisiin lahaa wixii is khilaafsan,

 

c) Sida ku cad Xeer hoosaadka Barlamaanka qodobkiisa 24-aad farqadiisa 4-aad wuxuu farayaa Afhayeenka Barlamaanka in uu shirka xidho hadii buuqa Xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal qodobkaas oo Afhayeenku dhowr jeer ku xadgudbay fulin la’aantiisuna waxay Barlamaankii Soomaaliyeed soo gaarsiisay dhibaatooyin isugu jira Sumcad xumo, Ceeb, dhaawacyo iyo khasaarooyin kale oo badan.

 

d) Wuxuu isagoo adeegsanaya magaca Barlamaanka isla markaasna luminaya dhexdhaxaadnimada looga baahan yahay ka been abuurtay kuna xadgudbay golaha Barlamaanka isagoo taageeray baaqyo dawlada ka soo baxay Barlamaankuna ka warhaynin.

 

e) Wuxuu ku guuldaraystay dhismaha gudiyada Barlamaanka oo halbowle u noqon lahaa socodsiinta hawlaha Barlamaanka, kormeerida iyo la socodka hawlaha Dawlada, iyadoo aanu Barlamaanku 8-bilood ka dib dhismihiisii aanu lahayn wax Xoghayn iyo Habdhowre oo rasmi ah.

 

f) Wuxuu ugu dambayntii fiidnimadii 17 maarso 2005 been abuur cad ku sameeyey rabitaankii Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed isagoo afduubay soona saaray cod bixin iyo go’aan aan jirin.

 

3)- BAAQ:

 

- Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed in uu raali gelin qoraal ah ka bixiyo qaladaadkaas aan kor ku soo sheegnay isla markaasna uu u guto xilkiisa si daacad iyo dhexdhexaadnimo ah oo danta dalku ku jirto taas oo ah masuuliyadiisa koowaad.

 

- Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka iyo labadiisa ku xigeen in ay si deg deg u dhamaystiraan dhismaha gudiyada iyo Maamulkii barlamaanka.

 

- Waxaanu ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka in uu door wanaagsan ka qaato is fahamka iyo wada shaqaynta Xildhibaanda iyo sidii dhamaan masuuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen loona wajihi lahaa dhibaatada ummadda soomaaliyeed haysata ee loo doortay in ay wax ka qabtaan.

 

- Waxaanu sidoo kale ugu Baaqaynaa Dhamaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee jira iyo golayaasha qaranka in shaqadooda u gutaan si Daacadnimo, wada shaqayn iyo wadaniyadi ku jirto kana dheeraadaan wax kasta oo madmadow gelin Karin geedi socodka nabada iyo Dawladnimada.

 

- Waxaanu ugu baaaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto in si deg deg ah u joojiyaan Dagaalo beeleedyada ka socda gobolada qaar isla markaana isgarab istaagaan Dawladooda kana dheeraadaan waxkasta oo kala qaybin kara.

 

4) TAAGEERO:

 

a)- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa una soo dhaweynaynaa go,aankii taariikhdiisu ahayd 18/3/05 kana ka soo baxay shirkii Wasiirada Arimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuna saabsanaa in ciidamo nabad taageera la geeyo Soomaaliya.

 

b)- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada Soomaaliyeed 21 Maarso 2005 kuna saabsanaa dib u guurista Dawlada iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar inta xaalada amaan ee magaalo madaxda Dalka (muqdishu) laga hagaajinayo.

 

5)- CANBAARAYN

 

Waxaanu Canbaaraynaynaa duulaankii gardarada ahaa ee lagu qaaday Magaalada Baydhbo ee gobolka bay, waxaanuna uga tacsiyadaynaynaa dadweynaha gobolkaas dhibaatadii soo gaadhay

 

6)- CODSI IYO MAHAD CELIN

 

Waxaan Beesha caalamka uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo Dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanuna ka codsanaynaa inay sii wadaan taageeradaas iyo gacan siinta dawlada federaalka , sidoo kalena ay urur gobaleedka IGAD kala shaqeeyaan hawlaha nabada ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Africa.

 

Wa Billaahi Towfiiq

 

###Dhammaad##

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this