Sign in to follow this  
General Duke

Latest news...Uganda ok's troops + Demo's in Mogadishu, Marka

Recommended Posts

KAMPALA: Baarlamaanka Uganda oo u codeeyay ciidammo nabad ilaalin ah oo loo diro gudaha Soomaaliya

Posted to the Web Sep 07, 16:10

 

 

Kampala (PP) - Baarlamaanka dalka Uganda ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in ciidammo ka tirsan kuwooda qalabka sida loo diro dalka Soomaaliya si ay nabad ilaalinta Soomaaliya uga qaybqaataan.

 

Wararka Shabakadda wararka ee Puntladpost ka soo gaaraya dalka Uganda ayaa sheegaya in qodob ka mid ah qodobbada dastuurka dalkaas uu dhigayo in marka hore baarlamaanka la hordhigo oo cod aqlabiyad ah looga raadiyo ciidammada ka baxaya dalka Uganda oo ka mid ah kuwooda qalabka sida.

 

 

Codka aqlabiyadda ah ee uu baarlamaanka ku ogolaaday ayuu ku sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda oo lagu magacaabo Mr. Muwanza inay tahay mid xaq oo ay dowladdu martay isla markaana ay iyaguna ogolaadeen, waxaana uu sheegay in codka aqlabiyadda ah ee lagu ogolaaday in ciidamadooda loogu diro Soomaaliya ay tahay mid hagaagsan.

 

 

"Dowladdeenu waxay qayb ka qaadanaysaa xasilinta Soomaaliya oo muddo ka badan 16-sano ah ay ka taagnaayeen dhibaatooyin colaadeed" ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha dowladda Uganda, waxaana uu intaas ku daray: "Uganda iyo Somalia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo aan abid xumaan".

 

 

Ansixintaan la ansixiyay in Dowladda Uganda ay u soo dirto Somalia ciidammo gaaraya 2000-askri ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo dal ka tirsan IGAD uu si dhab ah isugu raaco inay ciidammo u soo diraan soomaaliya.

 

 

Dhawaan ayaa waxaa ka dhacay Muqdisho dibad-bax lagu diidan yahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidammo ka socda IGAD oo loogu magac-daray IGADSOM iyadoo maantana isku soo baxyo lagu diidan yahay ay ka dhaceen Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibadbaxyo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye in la keeno dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Shabeelaha Hoose

September 7, 2006 Markacadeey.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Isu soo bax ballaaran oo ka dhan ah go'aankii urur goboleedka IGAD uu ku gaaray inuu ciidamo ugu soo diro dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayadoo dibadbaxaasi uu soo abaabulay maamulka ka arimiya gobolkaasi.

 

Dadweyne boqolaal gaaraya ayaa ka qeyb galay dibadbaxyadii maanta Sh/Hoose ka dhacay ,waxaana kiisii ugu ballaarnaa uu ka dhacay magaalada Marka,ayadoo inta badan irdaha loo laabay goobihii ganacsiga.

Culumaa'udiin iyo wax garad ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay dibadbaxyadaasi oo si daran looga soo horjeestay ciidamo shisheeye in la keeno dalka Soomaaliya.

 

Dadweyne ka qeybgalay isu soo baxyada ayaa waxa ay hadaaqayeen ereyo ka dhan ah dowlada Ethiopia oo ay ku tilmaameen in ay tahay mida ayadu ka danbeysa in ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in aysan u kala hari doonin difaaca diinta iyo dalka hadii ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya.

 

Waa dibadbixii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ka dhaca koonfurta Soomaaliya kaasi oo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye in loo soo diro dalka Soomaaliya.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kafankood hore ha u soo qaatee.....Uganda soldiers will die for sure if they show up their faces in Somalia... and this will be the end of yey's xabashi backed retards......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this