Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Golaha Guurtida Somaliland oo baaq nabadeed u diray Colaada ka taagan Hawdka Sool

Recommended Posts

Maalmihii lasoo dhaafa ayaa waxaa ka taagnaa Hawdka u dhaxeeya Gobolka Sool iyo Mudug colaad dhex martay Beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi Belahaasi oo horay ay u dhex mareen Colaado lagu soo afjaray deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal halkaas oo lagu kala saxeexday heshiis ay wada gaadheen labada dhianac goob joogna ka ahaayeen Isimada labada dhinac.

 

 

Colaadan kasoo cusbaanoaatay Hawdka udhaxeeya Mudug iyo Sool ayaa waxa ay timi kadib markii Beesha Burtinle ay nin ganacsade ah ku dileen agaasi iyadoo taasi dhalisay dilal danbe oo ka dhacay Cadaada Baliyo Korshe,Cagaare iyo Goobo kale kuwaas oo ay Beesha Gobolka Sool ku dileen dad kasoo jeeda deegaanka Burtinle kadib dilkii ganacacsadahaasi.

 

Hadaba Saaka ayaa waxaa Baaq nabadeed u diray Beelaha halkaasi ku dagaalamaya Golaha Guurtida ee Somaliland kaas oo ay u dirayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi iyagoo baaqoodan ku xusay in labada Beelood ay joojiyaan Colaada kana shaqeeyaan nabadada iyo xasiloonida sidii lagu soo celin lahaa lana joojiyo dagaalka halkaasi ka socda.

 

Axmed Xasan Boobe oo kamid ahaa xubnaha ka hadlay Baaqan kana tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland kuna sugan magaalada Laascaanood ayaa waxa uu xusay in ay labada dhinac joojiyaan colaadaasi kana sahqeeyaan xasiloonida lana dhawro heshiiskii hore ee ay ku gaadheen magaalada Burtinle kaas oo u muuqda mid hadda meesha ka baxay kadib colaadan dhiigu ku daatay.

 

Hadaba sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay xubin kale oo ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland Maxamuud xareed ayaa sidoo kale isaguna baaqan si wayn ugu adkeeyay in la dhawro nabada labada dhinac isagoo sidoo kale ka warbixiyay xaalada Guurtida iyo waxa ay ka qabatay intii ay joogtay kuna tilmaamay inay dhamaantood guul ku dhamaadeen soona afjareen colaaado badan oo u dahxeeyay shacabka Sool sidoo kalena magaalada markii ay yimaadeen dadku diidanaayeen hadana ay la qaateen somalilandnimada taas oo uu si wayn shacabka Gobolka Sool ugaga mahad naqay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this