Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops secure Mogadishu, BAKARAHA as well.

Recommended Posts

^^^LOL. Xamar is no Bagdhad and the Somali's are not Iraqi's and the Ethiopians are no super power.

But keep hoping for the worst, I hope for the best.

 

More on the current story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda KMG ah oo burburiyay dhismayaal sharci darro ah soona qabtey hub

Click here to find shabelle news in english

Daawo Sawirada

 

Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay taageerayaan gawaarida dagaalka ayaa maanta ka bilaabay howl-gallo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale ciidamada dowladda howlgallo baariaano ah ay sameeyeen ay ku soo qabteen rasaasta Hoobiyaha

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ayaa sidoo kale howl-galkooda ay ku jirtey kala hagidda gaadiidka sida qaldan u socda wadooyinka qaar sida Isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag, iyagoo sidoo kale burburinayay goobaha sida sharci darada ah uga dhisan wadooyinka.

 

Ciidamada dowladda oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa si koox koox ah u marayay wadooyinka, waxaana ay dadka ku war galinayeen in gacmahooda ay ku burburiyaan dhismayaasha sharci darada ah.

 

Axmed Xasan Dheere oo Sandaqad lagu iibiyo Cabitaan ku leh isgoyska Aadan Cadde ayaa shabelle u sheegay in loo keenay wareegto ka soo baxday xafiiska amniga gobolka Banadir in lagu amray in ay baneeyaan hareeraha wadooyinka.

 

Waa markii labaad oo ciidamada dowladda KMG ah ay burburiyaan goobo si sharci darro ah looga dhistay hareeraha wadooyinka, iyadoo isgoyska KM4 sidaasi oo kale looga burburiyay goobo si sharci darro ah halkaasi uga dhisnaa.

 

Dhinaca kale ciidamada dowladda waxa ay fuliyeen howl-gallo ay ku baarayen gaadiidka yaryar, iyadoo howl-galadaasi ay ku soo qabteen hub yiilay guryo ku yaala agagaarka Isgoyska Bakaaraha sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada howl-galka fulinayay oo la yiraahdo C/salaan Max'ed Rooble.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bur009.jpg

Wariye ismaaciil Taxte oo ka tirsan shabelle oo sawiro ka qaadaya isgoyska Bakaaraha oo howl-gallo ay ka fulinayeen ciidamada dowladda

 

bur0010.jpg Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay rasaasta hoobiyaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

 

Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa saakay lagu daadiyay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, waxayna dhigistooda Isgoysyada Muqdisho ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada maanta ka howlgelayay Isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan in Dowladda Federaalka ay isku sii baahineyso Magaalada Muqdisho oo aysan ciidamadeeda horay uga howlgeli jirin, waxaana isgoysyada ay maanta ka howlgelayeen ka mid ah Tareebuunka, Kaasa-balbalaare, Bakaaraha, Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Florenza iyo kuwo kale, wuxuuna howlgalkoodan ahaa mid ay ku baarayeen gaadiidka isaga kala goosha isgoysyadaas.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, wax rasaas iyo madaafiic ahna kama dhacayaan, taasina waxay suurtagelisay in ay dadkii horay uga barakacay qaarkood dib ugu soo laabtaan, halka kuwo kalena ay weli qax ku maqan yihiin, iyagoo qiimeynaya xaaladda.

 

Inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, hadana waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa bililiqo loo geystay hanti ay dad gaar ah lahaayeen iyo kuwo ay shirkado lahaayeen, iyadoo ay sii dheer tahay in ay Ciidamada Dowladda qaarkood ay yihiin kuwo u baahan in anshaxa iyo dhaqanka suuban la baro, waayo waxaad arkeysaa askar qaba labiska ciidamada Dowladda Federaalka oo hadana u dhaqmaya sida maleeshiyooyinkii hoggaamiye kooxeedyada iyo iyagoo mararka qaarkood hubka la raacaya gaadiidka BL-ka ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa qaabilsan Ciidamada ayaa looga fadhiyaa in ay Ciidamadooda xakameeyaan, isla markaana ay go'aanno adag ka soo saaraan askarta ku xadgudba shacabka iyo hantidooda.

 

 

alsom17@hotmail.com

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DF oo galey suuqa Bakaraha

28 Apr 28, 2007 - 6:10:51 AM

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta lagu daadiyay inta badan Isgoysyada Koonfurta magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia oo ay howlo galo nabad sugid ah ka bilaabeen.

 

Isgoysyada Ciidamada booliiska lagu soo daadiyay, ayaa waxaa ka mid ah, Frolence, , Howl Wadaag, Bakaaraha, KPP, Tiribuunka, Shiir Kole iyo Deyniile.

 

Waxaa la arkayay ciidamadaasi oo ku labisan dareys ciidan oo midabkiisa caddeys yahay, islamarkaana kala hagayaya gawaarida, iskuna dayaya inay ka hortagaan falal amni darro ah oo ka dhaca goobaha ay ciidamada booliska saldhigteen.

 

Ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sidoo kale saaka gudaha u galay suuqa Bakaaraha iyo Suuqa labaad ee Muqdisho ee Suuq Bacad, oo la sheegay inay ammaankiisa sugi doonaan.

 

Tallaabadaasi ayaa waxa ay ka dambeysa kadib kullan ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen ganacsatada gobolka Banaadir iyo saraakiisha Ciidamada booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ay ku wada heshiiyeen in ciidamada ay sugaan amniga laba seyladood.

 

Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa shalay sheegay in tallaabada ugu horeysay ee xukuumaddisa ay qaadeyso kadib dagaal Muqdisho ay tahay sugidda amniga Muqdisho, oo ku tilmaamay mid muhim u ah in dowladdiisa aysan fashilmin.

 

Howl galka ay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ku dhiiradeen inay ka fuliyaan isgoysyada rabshadaha badan ee Muqdisho, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay hogaamisay guushii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah oo isgarabsanaya ay ka gaareen Kooxihii kaga soo horjeeday Muqdisho.

 

Ciidamo ka tirsan DFKMG ah ayaa horey weeraro loogu geystay isgoysyada Muqdisho qaaqrkood sida KM4.

 

Cabdi fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this