Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops secure Mogadishu, BAKARAHA as well.

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo saakay howlgalo ka wada isgoysyada Muqdisho iyo Bakaaraha

28. April 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay degay isgoysyo hor leh oo ka tirsan caasimada magaalada Muqdisho, kadib markii ay mudo labo maalmood ah ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta caasimada Muqdisho oo ay ugu awood roonaadeen kooxihii Maxkamadihii Islaamiga ka harsanaa.

 

Ciidamadan ayaa saakay howlo baaris ah ka bilaabay Isgoysyada Waaweyn ee wadada wadnaha, kan Sodonka iyo wadooyinka kale ee magaalada, iyadoo markii ugu horeysay ciidamada dowladda saakay lagu arkayey isgoyska Howl-wadaag iyo Isgoyska Bakaaraha oo amaanka Suuqa bakaaraha ay si rasmi ah ula wareegeen ciidamada dowladda.

 

Sidoo kale xaafadaha qaar ayaa waxay xalay ilaa maanta ay howlo baaris ah ka wadeen xaafadaha qaar oo guri guri ay u galayeen iyadoo ay ka baarayaan hub iyo walxaha kale ee qarxa.

 

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii hoggaanka sare ee Booliska |oomaaliyeed iyo ganacsatada Gobolka Banaadir ay shalay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa hantida taal suuqa Bakaaraha oo waxyeelo u soo gaari laheyn iyadoo la isla gartay in si wada jir ah looga shaqeeyo amaanka suuqa Bakaaraha oo ah halbowlaha ganacsiga Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DF oo isku fidiyey casimada Somalia

27 Apr 27, 2007 - 8:00:22 AM

 

Ciidamada dowlada oo ilaalinaya goobihii ay la wareegeen

Ciidamda dowlada oo kaashanya kuwa Ethiopia ayaa magaalada Muqdisho ka tagey shaley meelo aysan horey u gaarin tan iyo intii ay yimaadeen magaalo madaxda.

 

Ciidamadan ayaa gaarey jidka sodonka iyaga oo baaritano ka sameynayey goobahaas isla markaasna su'aalo weydiinayey dadka goobahaas dagan.

 

Dhianca kale ciidamada ayaa barro ciidan ka sameystey jidka Tarabuunka , waxaana ay isku balariyeen dhamaan xaafadaha Al-baraka, Black sea ee gala jid gala Bakaraha, Baar Ubax, Cassa pobalare, Shiirkole, iyo deegaamada kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa sidoo kale galayey guryo farta loogu fiiqey kuwaas oo laga kexeystey dad dhalinyaro ah inkastoo badankood la sii daayey markii dambe sida aan ku heley wararka.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa Garowe Online u sheegey in ciidamada ay ka eegayeen gacmaha dhalinyarada caalaamado muujinaya in ay ridayeen qoryaha dagaalka.

 

Dhinaca kale waxaa maanta aad u dagan goobihii dagaladu ka dhaceen maalmihii la soo dhaafey.

 

Degnaanshaha ka jira goobihii lagu dagaalamey ayaa keeney bililiqo xoog leh oo loo geystey goobo badan sida warshadii Cocolada iyo xarumo kale.

 

Wasiir ku xigeenka gashaandhiga Salaad Cali Jeele oo ka hadley boobkaan ka dhacey goobaha xasiloonidu ku soo noqtey ayaa sheegey in ciidamadu hadda wax ka qabteen isla markaana arinkaanu dhacey xilligii kala guurka.

 

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo noqdey Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf kadib markii uu booqosho ku tagey wadanka Ethiopia iyo magaalada Baydhabo.

 

Dib u soo noqoshada Madaxweyne Cabdulahi ayaa ku soo beegantey xilli ciidamadiisu ay guulo wax ku ool ah ka gareen dagaaladii ka socdey magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DKMG ah oo ciidamo soo dhoobtay isgoysyada Muqdisho

Click here to find this article in english

 

Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah isgoysyada wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saakay lagu arkayay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah si ay u sugaan amaanka gobolka Banadir oo gacan ku heynteeda ay la wareegeen maalin ka hor ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda.

 

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo qoryaha fudud nuucyadooda kala duwan ayaa saakay lagu arkayay wadooyinka iyo isgoysyada Muqdisho, kuwaasi oo baarayay gaadiidka yaryar ee sida gaar ka ah loo leeyahay.

 

Imaatinka ciidamada dowladda ee isgoysyada Muqdisho ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib dagaalo muddo 8 maalmood ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ku jiireen xoogaggii wax iska caabinta Somalia.

 

Ciidamadan Booliska ee la soo dhoobay Isgoysyada ayaa wax ka tari doona amaan darro baahsan oo ka taagneyd wadooyinka, iyadoo isgoysyada ay joogi jireen kooxo maleeshiyooyin ah oo gaadiidka ka qaata lacago baad ah.

 

Ilaa iyo haatan isgoysyada lagu arkay ciidamadan Booliska ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada H/wadaag, Bakaaro, KPP, Tarabuunka, iyo dhamaan deegaanadii dagaaladu ay ka dhaceen ee wadada warshadaha.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bililiqo loo geeystay dhismayaal shirkado iyo guryo.

 

Amran Cumar Xuseen oo Mas'uul ka ah Mashruuc lagu tababaro haweenka Somaliyeed ayaa sheegtay in qalab ay soo dhiibtay dowladda Finland oo loogu talo galay in lagu meel mariyo Mashruucaasi ayaa lagu bililiqeystay deegaanka Carfaat.

 

" Waxaan aad uga niyad jabsanahay in qalabkaan oo isugu jira Computero iyo qalab kale guud ahaan ay raaceen boobkii shalay ka dhacay caasimadda.

 

Meelaha la taaban karo ee boobka loo geeystay waxaa ka mid ah dhismihii warshadii Coca Cocala oo aheyd warshadda kaliya ee soo saarta cabitaanada Fantada, Sparite ka iyo kookada.

 

Click here to find this article in english

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga ganacsatada gobolka Banadir iyo Ciidamada Booliiska gobolka oo maanta kulmay

 

Jimco, April 27 (HOL) - Guddiga gacasatada goblka Banaadir ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed - Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-Diid)

Kulankaasi ayaa waxaa looga arrinsanayay sidii lagu dhowri lahaa amaanka Suuqa Weyn ee Bakaaraha isla markaana looga badbaadin lahaa dadka boobka u geysta hantida dadweynaha sida maantaba lagula kacay qaar ka tirsan goobo gacansi oo waaweyn.

Guddiga gacansatada ayaa waxa ay sheegeen in ay ka codsadeen taliyaha ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-Diid in suuqa Bakaaraha oo ay ku sheegeen halbowlaha ganacsiga Soomaaliyeed la dhowro isla markaana laga badbaadiyo gacanta wax magaratada.

 

Afhayeenka guddiga ganacsatada gobolka Banaadir Cabaas Max’ed Ducaale ayaa sheegay in ciidamada ilaalada ka ah Suuqa Bakaaraha oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 200 oo ruux ay diyaar u yihiin in ay Booliiska garab ku siiyaan sidii loo sugi lahaa amaanka suuqa Bakaaraha.

 

Waxa uu sheegay in haddii ciidamada amaanku ay damcaan in ay baaraan Suuqa Baakaraha ay iyagu soo dhaweynayaan isla markaana ay si dhameys tiran ula shaqeynayaan.

 

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in cidamada Amaanka gobolka ay maalinta berri ah gudaha usoo gali doonaan suuqa Bakaaraha isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan goobihii ay ku tuhmaan in ay hub ama rag hubeysani ku jiraan.

 

Waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay in boob iyo bililiqo loo geysto suuqa Bakaaraha iyadoo cabsidaasina ay haatan u muuqato mid sii dhamaaneysa sida uu HOL u sheegay Afhayeenka

 

Hiiraan Online

 

warar@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda fedaraalka oo baritaano ka bilaabay gudaha suuqa Bakaaraha

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 28/04/07

 

Waxaa saakay lagu arkayey gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha cutubyo ka tirsan ciidamada Boliska ee dowlada fadaraalaka Somaliyeed oo baritaano amaanka lagu sugayo ka wada gudaha suuqa.

 

Ciidamadaan Boliska ayaa howshoda si cadi ah u wato ka dib markii uu wadahadal dhaxmarey gudiga ganacsatada gobolka Banadir sida uu sheegay afhayeenka gudiga midowga ganacsatada gobolka banadir enj: Cabaas Maxamed Ducaale .

 

Dhinaca kale waxey ganacsatada iyo dowlada ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo wixii dhibaato ka iman karta iyaga oo isla ogolaaday in ciidamo gaaraya 200 oo ilaladii hore ah ay la howlgalaan kuwa dowladda.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladu howlo baritaano iyo kuwo amniga lagu sugayo ka fuliyaan gudaha suuqa bakaraha,waxaana howlgalkaan la fulinaya ciidamada dowlada kuwa ilaalda ka ah suuqa bakaaraha oo ay horey u qorteen rag ganacsato ah.

 

 

Somaliweyn Media Center/SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

5 posts of the same shyte!! u believe this is gonna be a peace place yaa walaad...! sorry i just got back from las vegas...! i almost even lost my car...

 

anyway, if i was u homie, i would take a vacations may be to Hawaai, learn how to do the hollahoob, then check out in couple of weeks what happens..!

 

xamar longest peace lasted for nine yrs.!! u ever heard of that... now do u think in your sound mind, somali ppl will ever forgive bringing their foe in their houses and kill their ppl infront of them?

 

if i was, i would never set foot in xamar! word to the wise...me, i will stay in la.! good luck.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Mogadishu is secure, and its security will get better insha Allah.

 

Mogadishu has had peace in the past for over 30 years from 1960-1991 it was one of the most peaceful cities in the world.

 

Who is to say it wont be like Bairut a city to reclaim its beauty.

 

As for the Somali people all I hear is those in Las Vagas complaining.

 

I hope you had a safe journey old boy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada iyo booliska DFS oo ka wada hadlay sidii loo badbaadin lahaa Suuqa Bakaaraha

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Hogaanka sare ee taliska ciidamada booliska Somaliyeed iyo ganacsatada gobolka Banadir ayaa kulan ay yeesheen shalay waxa ay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa hantida taala suuqa bakaaraha.

 

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga ganacsatada gobolka Banadir, uuna ka soo qeybgalay taliyaha ciidamada booliska Somalia Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xoogga lagu saaray sidii suuqa Weyn ee Bakaaraha aanu wax rabshado ah uga dhici laheyn.

 

Ganacsatada gobolka Banadir ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ciidamada amaanka dowladda ay ku soo dhaweeyeen suuqa weyn ee Bakaaraha, isla markaana ay la shaqeeyaan.

 

Afahyeenka Midowga Ganacsatada gobolka Banadir Cabaas Max'ed Ducaale oo kulankaasi ka dib shabelle u waramay ayaa sheegay in ay diyaariyeen 200 oo ka mid ah ilaalada suuqa Weyn ee Bakaaraha oo loogu talo galay in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka dowladda KMG ah.

 

Afhayeenka waxa uu intaas raaciyay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in Suuqa Bakaaraha uu ka badbaado qulqulatooyinka ka dhacaya caasimadda Somalia, ka dib 26 kii bishaan markii uu joogsaday dagaalo muddo 8 maalmood ah ka socday caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bililiqo baahsan, iyadoo boob loo geeystay shirkaddii Coca cola oo aheyd shirkadda kaliya ee soo saarta faantada, Sparite ka iyo kookada.

 

 

 

Click here to find shabelle news in english

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The debate on the anarchy profiteers as one group and their role in the conflict have probably forced them to reconsider their plan besides the wearing out of their firepower, logistics, and places to hide. How sudden is the change that they are at present working with the government and promising to supply their own troops to protect their stake in Bakaaraha and other prominent markets.

 

Or do you think that this is a little carryover?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Camir, you hit the nail on the head, if not for the defat would they be so welcoming? As for this measure its only the beggining.

These groups hate taxes, guess who's governor of Banadir one of the biggest Tax collectors of them all Mr Mohamed Dheere, a real nightmare for these groups who hated taxes and governance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha Ciidanka qalabka sida oo maanta laga casuumay Suuqa wayn ee Bakaaraha kadib markii ay ciidamada dawladu la wareegeen amaanka suuqa.

 

Saraakiisha ciidanka qalabka sida Ee Dawlada Federaalka Somali ayaa maanta lagu wadaa inay kulan balaaran la qaataan ganacsatada gobolka banaadir iyadoo laga wada hadlayo qodobo dhawr ah oo quseeya amaanka caasimada gaar ahaan suuqa bakaaraha iyo sidoo ciidamada dawladu u ilaalin lahaayeen amaanka suuqa bakaaraha oo isagu ah suuqa ugu wayn guud ahaan dalka somalia kadib markii ciidanka dawladu si buuxda ula wareegeen amaanka Muqdisho oo dhan..

 

Qodobada laga wada hadlayo waxaa ugu muhiimsan laba qodob oo kala ah qodobka koobaad in ganacsatadu hubka ay hayaan ku soo wareejiyaan ciidanka amaanka si ay hantidoodu u badbaado iyadoo taas badalkeeda dawladu kafaale qaadayso amaanka Suuqa bakaaraha qodobka labaad ayaa ah in ganacsatada suuqa bakaaraha ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay si loo abuuro ila dhaqaale oo ay dawladu yeelato.

 

Arimahan lagu wado in laga wada hadlo ayay u badan tahay in laysku afgarto maadaama ay iska yartahay awooda ay wax ku diidi karaan ganacsatada gobolka banaadir xili laga takhalusay kooxihii dawlad diidka ahaa iyadoo arimahani ay ku soo aadayaan xili Gudoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabay Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere oo isagu ah nin siwayn ay uga baqaan dadka ree Muqdisho ahna nin ad adag oo aan u jixin jixin dadka mucaarada hawlihiisa.

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar oo Xasiloon Maalintii Labaad iyo Ciidamada DF oo ku sugan Guud ahaan Isgoysyada Magaalada Muqdisho

 

Last Updated::2007-04-28 11:22:21

 

Mogadischo:-Magaalada Muqdisho ayaa Maalintii Labaad Xasiloon iyada oo aysan ka dhicin wax Dirir ah maalintii Labaad .

 

waxaa ay Xasiloonidaan ay timid ka gadaal markii uu dhabar jab ku yimid Kooxihii Nabad diidka ahaa ee ka soo horjeedey Ciidamada Dawlada Kumeel Gaarka ah iyo kuwa Itoobiya oo iska taageerayey hawlaha Nabad ku soo celinta Caasimada Soomaalioya ee Muqdisho.

 

DF Soomaaliya ayaa waxaa ay Iclaamisey Kol hore in Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay Guud ahaan Nabad Gelyadeeda ay Degantahay iyada oo aysan ka jirin wax Dhaq Dhaqaaqyo ah oo ay wadaan kooxihii Nabad Diidka ahaa ee Muqdisho Dagaalada ka wadey Dhawr iyo TObankii casho ee la soo dhaafey.

 

waxaa saakey lagu arki karaayey Isgoysyo dhawr ah oo magaalada Muqdisho ku yaala oo ay Nabad Gelyadeeda ay sugayeen Ciidamada DF Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ee halkaas ku sugan.

 

 

isgoysyada iyo Goobahii kale ee saaka lagu arki karaayey Ciidamada DF Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Kaasa Bal Balaara, Hawlwadaag, Stadio Muqdisho, wadada Warshadaha iyo Dhamaan Goobihii kale ee ay ka socdeen Dirirta Dhawrkii ayaamod ee ay Dagaaldu ay socdeen.

 

Ciidamada Dawlada iyo Kuwa Itoobiya ayaa waxaa ay Baaritaano ay ku sameenayaan Guud ahaan Gawaarida isaga kala gooshta Deegaanadaas, waxaana Jirta Cabsi laga Qabo Ismiidaamin iyo Weeraro Gaad ah oo lagu soo qaado Ciidamada.

 

 

waxaa sidoo kale Jirta Dib ugu soo noqosho Baahsan oo ay dib markale Guryahoodii ay ugu soo noqonayaan Dadweynihii rayidika ahaa ee magaalada Muqdisho horey oga qaxay, waxaana ay tani Timid ka dib markii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed geedi uu ugu baaqey Dadkii ka qaxey Muqdisho in ay Guryahoodii dib ugu soo noqdaan.

 

dhinaca kalena waxaa socota raashin qeybin loo sameynayo dad ka barakacey Guryahoodii, waxaana Barnaamijkaan ka taakuelynayaa Dawlada Kuemeel Gaarka ah, Gudiga Qaxootiga ee Norway.

 

Guud ahaan isu socodka dadweynaha iyo Gawaariada ayaa dib markale u soo noqdey, waxaana ay Timid arintaan ka dib markii ay DF Soomaaliya ay ka guuleysatey kooxo ka soo horjeedey oo sida ay sheegtey DF soomaaliya ay ahaayeen kooxahaas, Haraadigii Midawgii Maxkamadaha.

 

 

Mohamed ALi (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

xamar will be baqdaad in hell. i dont think any of the current tfg will survive there a day with the ethios.

 

so finally, the ethios will be stuck in there! and the somali ppl will be attacking them. u only have 3 million tigrees and about 60 million other ethnics who want none of the tigree stuff..

 

come on if their own cousins in eritrea dont want anything to do them. what makes u think they gonna last... when bush is gone in yr, they be history homie.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this