Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: UCID on Somaliland

Recommended Posts

Xisbiga UCID oo Qoraal uu ku dalbanayo in guddi loo saaro baadhista Musuqmaasuqa Hantida Qaranka iyo Heshiisyada Xukuumaddu gashay u gudbiyay Guddoomiyaha Wakiilada

May 26th, 2009

 

Hargeisa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Golaha Wakiilada ka codsaday in guddi loo saaro baadhista Hantida Qaranka oo uu sheegay in Xukuumadda talada haysaa ay lunsatay, isla markaana uu jiro Musuq-maasuq baahsani.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo qoraal u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka dalbaday Golaha Wakiilada in la magacaabo guddi soo baadha habka loo maamulo Hantida Qaranka iyo Heshiisyada qarsoodiga ah ee Xukuumaddu gashay. Isla markaana natiijada baadhitaanka loo soo bandhigo Shacabka Somaliland. “Dekedda Berbera oo ahayd halbawlaha dhaqaalaha wax-soo-saarkeena hoos ayuu u dhacay, waxaana sababay iyada oo lagu wareejiyay Xoolihii Noolaa ee dekedda ka dhoofi jiray Dekedo kale..Maraakiib Kalluumaysi ayaa baddeena xaalufiyay, waxaananu qabnaa Maraakiibtaas lagu fasaxay Baddaheena inay xaalufiyeen Khayraadka Badaha JSL, dhaqaalihii lagaga kireeyayna aan la aqoon meel ay ku baxaan iyo meel ay Miisaaniyadda Qaranka kaga jiraan.” Weedhahaas ayaa ka mid ahaa Qoraalka guddoomiyaha Xisbiga UCID u gudbiyay Guddomiyaha Golaha Wakiilada. Waxaanu qoraalkiisaa ku yidhi oo kale, “Waa in la caddeeya qaabka uu yahay Heshiiska TOTAL, dunida maanta qiimaha Shidaalku hoos buu u dhacay, Shirkadda TOTAL-na weli halkii hore ayay taagan tahay oo waa qaali Shidaalkeedu. Markaa waa in la caddeeya waxa ku qoran heshiiskaas.”

 

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu qoraalkaas kaga hadlay Guryaha Dawladdu iibisay ee Hindiya-Laynka Hargeysa. “Guryihii Shaqaalaha Dawladda ee la iibiyay weli lagama hayo wax ku saabsan qaabka iyo sida ay u iibisay, iyadoo aan wax tartan (tender) ah gelinin. Lacagtii lagu iibiyayna meesha ay martay Xukuumaddu wax caddayn ah kamay bixin iyo halka ay Miisaaniyadda Qaranka ka gelayso.” Ayuu qoraalkaas ku yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaa ku daray oo uu gebogebadii ku yidhi qoraalkaas, “Xisbiga UCID wuxuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ka codsanayaa in guddi Golaha Wakiilada ah u saaro, daba-gal iyo baadhis-na ku sameeyo qoddobada kor ku xusan ee sababay dhaqaale-xumida baahday ee dalkan cuskada iyo arrimaha ku-tagri-falka hantida Qaranka ee ma-guurtada ah iyo heshiisyada Qarsoodiga ah ee Xukuumaddu la gashay Shirkadaha Shidaalka.”

 

Somaliland. Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this