Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Police kill and capture bandits.

Recommended Posts

Ciidanka qaranka oo howlgallo xalay ay fuliyeen kusoo qab qabtay qaran diidyo aad u farabadan.

 

Ciidamada qaranka ee sida gaarka ah u qaabilsan amaanka magaalada Muqdisho aya xlaay waxa howlgallo ay ka fuliyeen deegano ay ka mid yihiin :Howlwadaag,Black Sea,Warshadda Cnaha iyo meelo kale,waxaana hwolgalladaa lagusoo qab qabtay qaran diidyo aad u farabadan oo ka qeyb qaatay qaraxyada iyo rabshadaha kale ee dilalka abaabulani ay ka mid yihiin.

 

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qarandiidyada gacanta lagu soo dhigay ay haatan ku xiran yihiin saldhigga Howl-wadaag,oo baaritaano lagu bilaabi dono saacadaha inasoo aadan,kadibna la marsiin doono cadaaladda.

 

“Waad ogtihiin xalay magalada Muqdisho waa ay daganayd marka laga reebo labo bambo oo si fulaynimo ah loogu tuuray hotelka Lafweyn”ayuu yiri afhayenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka saxaafada la hadlay.

 

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee qaabilsan amanka gobalka Banaadir ay laoo bexeen istaraatiijiayd cusub oo ah howlgallo habeenkii la flinayo si loo cuuryamiyo loona qab qabto kooxaha qas wadayaasha ah ee xilliyada habeenkii rabshdaha sameeya.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jab Loo Geystay Kooxo Weerar Soo Qaaday Xalay

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Augosto-2007

 

Afhayeenka xafiiska Saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha ee ciidamada boliska gaashaanle C/waaxid Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa ka war bixiyay dagaal qaraar oo xalay ka dhacay xaafadda SOS ee degmada Huruwaa iyo xaruntii ciidanka Guul-Wadayaasha ee magaalada Muqdisho.

 

C/Waaxid ayaa sheegay weeraradii xalay in ey qasaare weyn ugu geysteen kooxihii weerarka kusoo qaaday ciidamada boliska, wuxuuna qasaarahaas ku sheegay in ey isugu jireen dhimasho iyo maxaabiis ey kasoo qabteen ragii weerarka soo qaaday.

 

Afhayeenkan ayaa sheegay in ey ka dileen ilaa 7-ruux ragga weerarka soo qaaday tiro kalena ey kasoo qabteen, wuxuuna intaa ku daray in qasaaraha soo gaaray dhinacoodu uu yahay dhimashada hal askari iyo dhaawada sadex kale.

 

Jabkan uu sheegay afhayeenku in ey geysteen ciidamada bolisku ayuu ku sheegay in uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana ey ciidamada bolisku diyaar u ahaayeen weerar kaga yimaada kooxahan.

 

Waa markii ugu horeysay oo ey sheegaan ciidamada bolisku jab ey sheegeen in ey u geysteen kooxaha habeenkii wax weerara iyadoo xalay ey eheyd habeen uu da ayay roob aad u xooggan.

 

Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale howlgallo laga fuliyay maanta xaafadihii ey xalay iska hor imaadyadu ka dheceen lagu soo qabqabtay dhalinyaro iyo hub lagu tuhun sanyahay in ey yihiin kuwa habeenkii wax weerara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this