Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ministry of Finance Officially Opens its Branches in Lasanod

Recommended Posts

Laascanood,(Qarannews)-Waxaa si rasmi ah loo furay iridaha wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool tan iyo intii maamulka Somaliland uu soo gaadhay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood iyadoo wasaaradani ay kamid ahayd wasaaradaha far ku tiriska ah ee aan ka furnayn Gobolka taas oo ay shacabka magaalada Laascaanood si wayn u sugayeen inay arkaan wasaarada maaliyada oo ka shaqaynayasa Gobolka Sool.

Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool Axmed Daa'uud Geedi iyo Agaasimaha canshuuraha barriga Wali Daa'uud Cigaal iyadoo sidoo kalena ay la socdeen saraakiil fara badan oo ka socda Wasaarada maaliyada kuwaas oo bilaabi doona sidii ay u shaqayn lahayd wasaaradu tababobarana siin doona shaqaalaha cusub ee wasaarada maaliyada.

 

Sidoo kale waxaa la socday saraakiisha wasaarada maaliyada ee JSL xisaabiyaha Gobolka Sool ee wasaarada maaliyada Axmed Cabdi Cige horena uga tirsanaan jiray wasaaradii maaliyada ee Gobolka Sool ee maamulkii horay uga arimin jiray magaalada ee Puntland isagoo Axmed Cabdi cige mudooyinkii danbe ku maqnaa xurunta Somaliland ee Hargeisa.

 

Mar aan wax ka waydiinay furitaanka xafiiska iyo wax qabadkiisa Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Axmed Daa'uud ayaa waxa uu sheegay in hadda la dhaqaanin doono xafiisyada Canshuuraha barriga,Kastamada iyo Xisaabaadka iyadoo hadda lasoo raray ayuu yiri kastamkii Caynaba hadda wixii wax ka danbeeyana kastamku ahaan doono barriga magaalada Laascaanood.

 

Hadaba Wasaarada Maaliyada ee hadda soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa waxa ay wadaa bilaydho iyo buugaag labo boqol oo baabuur ah kuwaas oo lagu samayn doono canshuur dhaaf taas oo ahayd mid horay Dawlada Somaliland ay ugu balan qaaday shacabka reer Laascaanood kadib markii ay soo gaadhay magaalada Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kastamkii Bariga magaalada Laascaanood oo maanta si rasmi ah loo furay

 

 

Waxaa maanta si rasmi ah lo furay kastamkii barriga ee magaalada Laascaanood ayaa kaas oo laga soo raray magaalada Caynbao ee oo horay u ooli jiray kastamkaasi muddo sanooyin gaadhaysa waxaana magaalada Laascaanood loogu soo raray kadib markii xafiiska maaliyada ee magaalada Laascaanood Gobolka Sool si rasmi ah loo furay.

 

Kastamkan maanta sida arsmiga ah looga furay Barriga magaalada Laascaanood ayaa waxaa goob joog ka ahaa markii la furayay Masuuliyiinta Gobolka,Degmada iyo waliba kuwa maaliyada ee Gobolka Sool kuwaas oo dhamaantood si wayn uga mahad celiyay furitaanka xafiiskan cusub ee sida rasmiga ah looga furay bariga magaalada Laascaanood kaas oo ay xuseen in dhaqaale badan uu soo gelin doono Gobolka.

 

Saraakiil ka tirsan wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool oo mar aan wax ka waydiinay sida ay ula jaan qaadi karaan hawlaha baaxada leh ee hortaala iyo sharci la'aanta baabuurta faraha badan ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inay jirto qorshe muddo dheer laga soo shaqaynayay kaas fakar fara badana ku baxay kaas oo ay hadda ku shaqayn doonaan.

 

Sidoo kale mar uu shabakada afnugaal xidhiidh dhanka Telephone-ka ah uu la soo sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa waxa uu sheegay inuu si wayn ugu mahad celinayo wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool furitaanka ay fureen kastamka bariga ee magaalada Laascaanood kaas oo qaadi doona canshuuraha barriga ee Gobolka taas oo soo gelin doonta maaliyad geli doonta isla Gobolka isagoo xusay inaysan dhici doonin lunsasho lacageed sidii maamulkii hore lacagtuna ku bixi doonto sifo sharci ah.

 

Sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in canshuurta Gobolka lagu dhisi doono sariibada tan haddana la dumin doono si loo waynaysiiyo dadkuna si caadi ah wax ugu iibsadaan isagoo sidoo kale sheegay in canshuurta Degmaduna lagu qaban doono bilicda magaalada iyo iyo jidadka iyo waliba sidii loo furi lahaa suuqyo cusub oo dadku ku ganacsadaan.

 

Hadaba waa markii ugu horayasay ee la furo kastamkan bariga ka xiga magaalada Laascaanood kaas oo ka hawlgali jiray magaalada Caynabo oo laguna canshuuri jiray baabuurta iyo agabka kale ee ay wadaan ee kasoo gala dhanka Puntland inkasta oo hadda waxa ka danbeeyay lagu canshuuri doono kastamka magaalada Laascaanood.

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this