Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Radio Hargeisa Under Extensive Investigation

Recommended Posts

Ciidanka Booliiska ayaa gabi ahaanba xayiray inay galaan xarunta wasaaraddaasa warfaafinta cid aan ahayn dhawr qof oo ka mida shaqaalihii maanta u lahaa shaqada idaacada iyo Tv ga Qaranka oo isku kaanbool ku yaala kuwaasoo liis ay magacyadoodu ku qoran yihiin loo dhiibay Booliiska

 

Ilaa hada ma cada cida keentay qorigan baasuukaha ah gudaha idaacada wax hawl ah oo lagu fuliyayna ma jirto balse cabsi ka jirta dhinaca amaanka awgeed ayaa dareen weyn oo shaki ah ku riday Ciidamadda ilaaliya Wasaaraddaasi iyo masuuliyiinta warfaafinta kadib markii baadhitaan lagu sameeyay maamulka hoose ee Wasaaraddaasi oo laga helay sanduuq ka mida kuwa yaala bakhaarka kaydka oo ku dhegsan istuudyaha iyo transmeterka idaacada ay sheegi waayeen cidii keentay qoriga iyo wakhtigii la keenayba

 

Ma jirto cid loo xidhay arrintan balse waxa aad loo adkeeyay amaanka waxaana socda baadhitaan lagu raadinayo xogta dhabta ah iyo ujeedada ka danbaysa ee loo adeegasanayay qorigan, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen marka laga reebo amar adag oo lagu joojinayo inay cidi gasho guddaha idaacada marka laga reebo liis maalin walba la xaadirin doono oo ah shaqaalaha idaacadda iyo Tv ga

 

Sanduuqan qoriga laga helay ayaa la sheegayaa inuu kamid ahaa qalabkii lagu shaqayn jiray wakhtigii halganka ee radio hargaysa ay ahayd radio halgan kaasoo qalabkii wakhtigaasi SNM tu ku shaqayn jirtay lagu wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta, waxaana wararku ay sheegayaan qorigani inuu ka mid yahay qalabkaasi la socday oo sidii loo xidhxidhay la kala tirsan jiray uun marka maamuladu isbedelaan iyadoon la furin waxa ku guda jira

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Axmed Xasan oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino dhacdadan ayaa sheegay inay hub iyo rasaasba ka heleen store ka mida bakhaarada kaydka ee Wasaaradda waxaanu sheegay inay ******** hubkani inuu ahaa hubkii lagu ilaalin jiray idaacada wakhtigii halganka ee ay Balay gubadle taalay balse aanay saamayn ku lahayn adkaynta amniga

 

Axmed Xasan waxa uu sheegay duruufo dhinaca Nabad-gelyada ah awgeed inay u qorshaynayaan sidii aya u kala rari lahaayeen Wasaaradda iyo adeegyada Idaacadda iyo Tv ga qaranka waxaanu cadeeyay dhawaan dhisme cusub oo gaara inay u samaynayaan Wasaaradda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this