Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Oo Isha Ku Haysa Waxbarashada Gobolka Sool

Recommended Posts

Laascaanood (Waaheen) - Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo uu weheliyo Wasiirul dawlahawasaaradaasi Md. Maxamuud Garaad Maxamed iyo Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool ayaa shalaya kulan balaadhan la yeeshay Maamuleyaasha dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

 

Wasiirku wuxuu kulankaasi maamuleyaasha si adag ugu wargeliyay inay la socdaan waxa carruurta loo dhigayo iyo cida wax u dhigaysaba.

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu wuxuu sheegay in wasaaradaasu xidhiidh dhow la yeelan doonto macalimiinta iyo maamuleyaasha si looga hortago in ardayda la baro xag jirnimo iyo firkrado dalka dibadiisa laga soo waariday waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in wasaarada Waxbarashadu ay xidhiidh dhow idinla yeelan doonto haddii aad tihiin bahdii waxbarashada ee gobolka Sool waa inaan la inoo kala sheekayn ee aynu ka wada socono xaalada waxbarashada ardayda si loo tayeeyo.”

 

Md. Xasan Gadhweyne wuxuu intaa ku daray in Wasaaradu ay fulinayso balan qaadyadii xukuumada ee ahayd in horumariyo waxbarashada Gobolka Sool.

 

Dhinaca kale, Wasiirul dawlaha Wasaarada Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in dugsiyada gaarka ah ee gobolka ka jiraa ay qaataan manhajka waxbarasho ee Somaliland waxaanu xusay in lala socon doono waxyaabaha loo dhigayo ardayda dugsiyada gaarka ah.

 

Waxa kale oo kulankaa ka hadlay qaar ka mid ah maamuleyaasha dugsiyada Laascaanood oo ka waramay xaalada waxbarasho ee dugsiyadooda waxaanay balan qaadeen inay xidhiidh adag la yeelan doonaan wasaaradawaxbarashada dalka.

 

Dhinaca kale, weftigii xukuumada ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ee beryahanba socdaalka ku joogay Laascaanood ayaa maanta kormeeray xarunta qeybta booliska gobolka Sool, oo uu muddo shan cisho ah ka socday dayactir balaadhan oo lagu samaynayo dhismaha xaruntaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu wuxuu sheegay in wasaaradaasu xidhiidh dhow la yeelan doonto macalimiinta iyo maamuleyaasha si looga hortago in ardayda la baro xag jirnimo iyo firkrado dalka dibadiisa laga soo waariday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this