Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: on the brink. more troops arrive in Bulu Gaduud

Recommended Posts

Xaalada magaalada kismaayo oo u muuqata goob dagaal iyadoo laga maqlayo saaka qaylo dhaan ku aadan dagaal dhaca.

 

Ciidamadii dawlada oo laba bari ka hor dagaal kula galay deegaan ku dhaw buulo guduud Maleeshiyada gacanta ku haysa kismaayo ayaa saaka soo fariista halka lagu magacaabo goobwayn oo qiyaastii 10KM u jirta magaalada kismaayo iyadoo gurmadyo ay ka heleen ciidamada dawladu Gobolka Jubada Dhexe kadib markii dagaal ay la galeen maleeshiyada ka soo horjeeda.

 

Ciidamada dawlada ayaa laga cabsi qabaa inay weerar balaaran ku qaadaan saaka magaalada kismaayo iyadoo qolyaha ka soo horjeedana gurmadyo laga soo uruuriyay degmada baardheere saaka soo gaareen iyo xalay magaalada kismaayo si ay u gacan siiyaan maleeshiyada gacanta ku haysa magaalada.

 

Gudaha magaalada kismaayo ayaa saaka laga dareemayaa qaylo dhaan ay samaynayaan maleeshiyada gacanta ku haysa iyagoo magaalada la dhexwareegaya gawaari ay sameecado ku xiran yihiin kuwaasoo laga baahinayo in magaalada la difaaco maadaama lagu soo fooleeyahay waa siday sheegteene.

 

Dhinaca kale dadka shacabkaa ayaa laga dareemayaa cabsi ay ka qabaan biliqo ka dhacda magaalada iyadoo aysan jirin manta wax ganacsi ah oo si caadi ah uga socda gudaha magaalada marka laga reebo meherado aan badnayn oo ka furan meelaha qaar iyadoo inta badan bakhaaradii magaalada aan la furin saaka.

 

Allmudugnews Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Xiisadaha dagaal ee ka jira Jubada hoose ,oo gurmadyo kala duwan ay gaarayaan.

21. juni 2007

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Warar naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi gaarayaan maleeshiyo laga keenay gobalo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

Boqolaal Maleeshiyooyin ah ayaa waxaa lasheegay in ay diyaar garow dagaal ka wadaan gobalka Gedo.

 

Waxaana lasheegay in ay saaka halkaasi ka baxeen maleeshiyo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan xiisadaha dagaal ee ka jira gobalka Jubada hoose,gaar ahaana deegaanada Buula-Guduud iyo Yoontooy oo ka wada tirsan gobalkaasi.

 

Waxaa lasheegayaa in ay magaalada kismaayo ,xalay ka baxeen maleeshiyooyinkii lawareegay 23-April waxa ayna udhaqaaqeen dhinaca degmaa Buula-guduud oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya.

 

Dhinaca Magaalada Bu'aale ayaa waxaa lasheegayaa in ay xalay ,ka ambabaxeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya waxa ayna gaareen maanta degmada Buula-guduud ,waxaana wararka laga helayo goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyadan ,waxa ay ku waramayaan in saac kasta lafilan karo dagaalo dhexmara labada dhinac.

 

Maleeshiyooyin hor leh oo ka socda degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan wararku in ay ka ambabaxeen degmadaasi,waxa ayna ku sii jeedaan magaalada Kismaayo.

 

Xiisadahan dagaal ee ka jira Jubooyinka ayeysan dawlada Soomaaliya ka hadlin,waxaana lasheegayaa in ay jiraan diyaar garoow balaaran oo ku aadan hawlaha ka socda Jubada Hoose.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah"ISka hor imaad la isu habeesaday oo Kismaayo ka dhacay.

 

(WYNET)Kismaayo:-War deg deh oo hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegaya ain gabal dhicii galabta uu gadaal ku dhexmaray gudaha magaalada laba Malayshiyo oo iska soo hor jeeday.

Warkaan ayaa wuxuu intaas ku darayaa in labadaan Malayshiyo ay ka soo kala jeedaan beeliihii horay magaalada gacanta ugu hayey iyo kuwa hadda qabsaday,waxaana la sheegaya ain dagaalkan oo la isu adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu soconayey muddo 50daqiiqo ah ka hor intuusan gabalku madoobaan.

 

ilo xog ogaal ah oo halkaas ku sugan oo aanu wax ka waydiinay arrintaan ayaaa waxay sheegayaan in dagaalkani uu qaboobay ka dib markii ay cadceedii dhacay,isla markaana ay caradu mugdi noqotay oo waxba la arki,iyagoo baqdin weyn ka muujiyey inay macquul tahay in subaxnimada uu mar kale dagaalku qarxo.

 

Inkasta oo aan la aqoon xaqiiqda dhabta ah ee ka danbaysa dagaalkaan xilligan ka dhex qarxay Kismaayo hadana waxaa jiira warar sheegayaa inay tahay aano,oo qaar ka mid ah Malayshiyaadku ay daba joogaan dad lagu tuhunsan yahay dilkii loo gaystay Xayle Cabdi Abeyle oo isaga dhawaan lagu toogtay dukaan yar oo uu lahaa dhexdiisa.

 

Warar hadda nasoo gaaray ayaa iyaguna waxay sheegayaan in dhaawac la geeyey isbitaalka guud ee magaalada walow aan la aqoon tirada dhabta ah ee dagaalkan wax ku noqotay iyadoo habeen ah awgeed.

 

Wixii kasoo cusboonaada kala socodo daqiiqad walba Shabakada Waayaha.net

Axmed Xayrdaac

 

Waayahanet@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

:-(KP)Ciidamada dowlada ee guuto 1aad iyo maleeshiyaadka Beesha Gedo oo wali isku hor fadhiya Goobwayn iyaodo cabsi dagaal ay ka jirto kismaayo

 

Magaalada Kismaayo meel u jirta 12 KM oo la yiraahdo Goobwayn ayaa waxaa isku hor fadhiya Ciidamada guutada 1aad iyo maleeshiyaad beeleedka Gobolka Gedo waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal halkaasi ka qarxu ay ciidamada dowladu ku galaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo ay in dhawaale ku amar taagleenayneen maleeshiyo beeledka gacanta ku haya iyadoo amaan daro ka taagnayd kismaayo ilaa 23 kii bishii afaraad ka dib markii ay isaga holeelen ciidanada guutada 1aad ee dowladu.

 

C/risaaq afguduud oo horay u ahaan jiray taliyha ciidamada guutada 1aad ayaa dhawaan saxaafada u sheegay in magaalada kismaayo ay tagi doonaan ciidamada guutada 1aad iyo waliba maamulka gobolka iyo kan degmada si ay howlahooda u wataan isla markaana ay maleeshiyaadka gacanta ku haya ay uga waydaarin lahaayeen.

 

Abaabul ciidan ayaa waxaa uu ka jiraa gobolka Jubada Shexe iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa dowlada deegaanka Bu'aale ayaa waxaa ka soo baqoolay ciidamo ka tirsan dowlada iydoo warar ay sheegayaan in kismaayo ay qarka u saaran tahay in ay ciidamada dowladu galaan iska caabin la'aan maadaama ay aad iskugu dheeli tiran tahay cududa awoodeed ay tiigsanayaan.

 

Dhanka kale Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warar aan lagu kalsoonan karin waxay sheegayaan in ay halkaasi ka socoto abaabul ciidan oo aad u tira yar oo ay wadaan maleeshiyadka Gobolka Gedo.

 

Waxii war ka soo kordha kala soco Xafiiska Kismaayopost.com ee Kismaayo.

 

 

Webmaster@kismaayopost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn-Afrik report

 

Boqolaalkaan Ciidamada ah ee ka soo baxay Magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka J/dhexe oo soo gaaray Magaalada Jilib shalayto galinkii hore ayaa waxaa ay wataan Ciidamadaasi gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee xamuulka qaada.

 

Saraakiil kusugan degmada Jilib ayaa Hornafrik u xaqiijiyey in Ciidamadaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqooda qeybo badan oo ka mid ah J/dhexe waxaana ay sheegeen in uu hogaaminayo xilibaan Geelle Saliid oo katirsan mudanayaasha Baarlamaanka dowladda fadaraalka iyo waliba
Sheekh Maxamed oo isaguna katirsan Mas’uuliyiinta deegaanka J/dhexe gaar ahaana degmada Bu’aalle.

Abaabul dagaal oo xoogan oo keentay in rag kudhinto iyo ciidamada dowlada oo dib uga laabtay Goobweyn fadhiisina ka samystay dalacaada..

Published by Admin on 2007/6/21

 

Kismaayo, somalitribune- Shil garawaari oo ka dhacay tuulada gobweyn ayaa waxaa ku dhintay sadax ruux kuna dhaawacantay lix iyo toban kale.shilkani ayaa dhacay kadib markii gaari nooqa dagaalka ah ee loo yaqaan jeemis uu ku dhacay isla gaari kale oo dagaal oo loo yaqaan qabaal.

 

Arintani ayaa salka ku haysa abaabul ciidan oo aad u balaaran oo ka socda tuulada goobwweyn ooy xiligani ku suganyihiin maleeshiyada beesha **** ee gacanta kuhaya magaalada kismayo.Abaabulkan ayaa waxaa aad looga dareemayaa magaalada kismayo iyadoo malintii sadexaad ay xiranyihiin dhamaan goobaha ganacsiga.

 

Ciidamada DFKMG ayaa iyagu horey ula wareegay Goobweyn hase yeeshee isla markiiba ka soo baxay xaruna ka samaystay meesha la dhaho dalacaada.

 

Ka dib markii ciidmada DFKMG ay ka baxeen ayaa waxaa halkaas yimid maleeshiyo iyo ciidamada beesha **** oo isku urursaday halkaas.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta dowlada ee kusugan tuulada buulo guduud ayaa iyagana wada abaabul barbarsocda midkani
iyadoo taliyaha ciidanka ku sugan goobta Adan koojaar
uu cadeeyay in iga aysan qaadayn weerar balse ay u diyaar garoobayaan mid kaga yimaada dhinaca kale madaama ay jireen sida uu sheegay hanjabaado ka soo baxay dhinacaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisado colaadeed iyo abaabul dagaal saamayn weyna ku yeeshay dadweynaha ayaa ka oogan gobollada Jubbooyinka iyo gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya.

 

 

 

Tuulada Buula Guduud ayaa waxaa gaarey ciidamo ka dhaqaaqay magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxana halkaasi gaarey xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka si ay gacan u siiyaan sarakiishii dawladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Kismaayo laga saaray.

 

allsbc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Duke, why your tfg is quite about this adeer? Is it a strategy, or a sign of hesitation to avoid stirring things up and consequently causing more unrest in the region? Afgaduud was demoted by some media accounts yet he seems to be present there. The admin was dead silent since it was expelled. What went wrong?

 

I am just wondering why the tfg and its Ethiopian helpers could not persuade these boys to quit fighting instead of subjecting an all out war to Kismayo's populace, as it seems to be! I some how assumed that they wanted this region to be quite so they can concentrate more pressing issues in Xamar.

 

ps--last time I checked you was an insider, so fill us in! I think they put Emperror in the doghouse for good :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this