Sign in to follow this  
General Duke

Bardale: Locals expose Abu Mansuurs lies: Al Shabaab ran away from their dead

Recommended Posts

Dagaal ka dhacay Bardaale

16 Jul 16, 2008 - 10:59:17 AM

 

Ciidamo ka tirsan kuwa DF iyo ciidamo Ethiopia ah oo ku wajahnaa Baydhabo ayaa dagaal culus kula galay shalay [July 15, 2008] deegaan 14-km u jira degmada Bardaale ee Gobolka Bay, dagaalkaas oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan.

 

Wararka laga helayo deegaannadii ay dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegaya in ciidamo ku socda lugta iyo kooxaha ka horjeeda ay rasaas is-dhaafsadeen taasoo socotay in ku dhow 20-daqiiqo.

 

Inta la xaqiijiyya ku dhawaad 7-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaas, halka ay ku dhaawacmeen 9-qof oo kale, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa askar ka tirsan DF.

 

Dagaalkaas oo ay wadajir u galeen Maxkamadaha iyo Al-shabaab ayaa waxay sheegteen afhayeenno u hadlay inay khasaarooyin ku gaarsiiyeen ciidamadii DF iyo kuwii la socday ee Ethiopia, iyagoo sidoo kalena xusay inay ka gubeen gaadiid dagaal.

 

"Xoogageenu waxay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed gaarsiiyeen ciidamadii cadowga [Ethiopia] iyo kuwii la socday [Ciidamadii DF], annagana waxaa naga dhintay hal walaal oo lagu magacaabo Muse Kenyawi oo jihaadka uga yimid Kenya" ayuu yiri Sheekh Mukhtar Abu-Mansor oo dagaalkaas ka hadlay.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka Bardaale oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid culus, uuna bilowday 1:00 duhurnimo ee shalay kaasoo socday 20-daqiiqo.

 

"Waxaan soo gaaray magaalada gallinkii dambe ciidamo fara badan oo Somali iyo Ethiopian isugu jira, ma jirin wax ay dadka u dhimeen, waxayna wateen calanka Somalia, iyadoo gaadiidkii ay wateen oo goor dambe iyaguna soo gaaray magaalada ay ka babanayeen calanka Somalia" ayuu yiri goobjoogahaan oo magaciisa diiday.

 

Goobjoogahan; wuxuu intaas ku daray inay gaareen goobtii lagu dagaalamay oo lagu magacaabo Danwadaagaha, ayna ku arkeen dhiig fara badan iyo maydka hal ruux oo ka tirsan mucaaradka, kaasoo laga cararay, isagoo qiray inaysan jirin wax gaadiid la gubay ah oo ay arkeen.

 

"Waxaan aragnay faleebooyin ka lusha gaadiidkii ciidamadu ay wateen; mana garan karno, balse waxaan filaynaa inay dhaawacayo gaadiidka saarnaayeen" ayuu mar kale yiri goobjoogaha magaciisa qariyay.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo ku saabsan dagaalkaas oo kasoo baxay dhanka DF, iyadoo ciidamadii kasoo gudbay Bardaale ay saakay gudaha u galayaan degmada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Garowe Online, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxaan soo gaaray magaalada gallinkii dambe ciidamo fara badan oo Somali iyo Ethiopian isugu jira, ma jirin wax ay dadka u dhimeen, waxayna wateen calanka Somalia, iyadoo gaadiidkii ay wateen oo goor dambe iyaguna soo gaaray magaalada ay ka babanayeen calanka Somalia" ayuu yiri goobjoogahaan oo magaciisa diiday.

 

Goobjoogahan; wuxuu intaas ku daray inay gaareen goobtii lagu dagaalamay
oo lagu magacaabo Danwadaagaha, ayna ku arkeen dhiig fara badan iyo maydka hal ruux oo ka tirsan mucaaradka, kaasoo laga cararay, isagoo qiray inaysan jirin wax gaadiid la gubay ah oo ay arkeen
.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bay: Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale

16. Juli 2008

 

Bay(AllPuntland)-Ururka Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan.

 

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan.

 

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid caadi ah.

 

C.M.Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Argagixiso aan Soomaali ahayn oo ku dhintay dagaalkii ka dhacay Degmada Bardaale.

 

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in argagixiso ajaanib ahi ay ku dhinteen dagaal todobaadkan ka dhacay degmada Bardaale ee Gobalka bay.

 

Gudoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka dhawaajiyay in laba qof oo ajaanib ah ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay degmada Bardaale.

 

“waxaa la helay meydadka laba ruux oo ajaanib ah oo ka mid ahaa maliishiyooyinka argagixisada ee weerarka kusoo qaaday Bardaale”ayuu yidhi guddoomiyaha baarlamanka oo sheegay in taasi ay cadeyn kale u sii tahay in dalka Soomaaliya ay ka howlgalaan maliishiyooyin argagixisada caalamiga ah ka tirsan.

 

“Mid ka mida labada ruux ee ajaanibta ah waxaa la isku dayay in nolosha lagu qabto laakin markii ay ciidamada qaranka u soo dhawaadeen ayuu bambo isku qarxiyay” ayuu mar kale yidhi guddoomiyaha baarlamanka Qaranka Sheekh madoobe.

 

Waxaa guddoomiyuhu uu sheegauy in ay dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay dad aan dalka u dhalan in ay rabshado ka sameeyaan dalka iyagoo kusoo hoos gabanaya dad isku tilmaamaya in ay soomaali yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this