Xoogsade Posted January 18, 2008 In ka badan 100 qofood oo rayid ah oo maanta la geeyay isbitaal madiina kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaalada ka socda Muqdisho. Sh, M network 17 Jan 08, 08:51 Mogadishu 17 Jan. 07 (Sh.M.Network)- Dhaawac kii ugu Badnaa Mudooyinkani ayaa manta soo gaaray dadka rayidka ah iyadoo madaafic aan loo meel dayin algu garaacay suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha ka ag dhow kaasoo geeystay qasaaro dad rayid ah. Dadkani ayaa u badnaa caruur,haween iyo dad dhalinyaro ah oo madaafiicda iyo rasaasta ay ugu tagtay xaafadahooda Iyo suqa bakaaraha. Wariye Shabelle ka tirsan oo gaaray isbitaalka ayaa soo sheegay in dhaawac kii ugu baadnaa la dhigay isbitaalka ayna soo gaarayaan baabuur sida dhaawacyo kala duwan. Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa mashquul kii ugu badnaa maanta ku jira iyagoo dabiibaya dhaawacyada laga keenayo magalada Qeeybaheeda kala duwan oo qaarkood ay soo gaareen dhawacyo halis ah kadib markii madaafiicda karaha ay ugu tagtay guryahoda iyo suuqa Bakaaraha oo madaafiic fara badan lagu garaacay maanta. Daqiiqadba daqiiqada ka danbeeysa waxaa sii kor dhaya dadka la geeynayo isbitaalka Madina waxaana sidoo kale la geeyay tiro dad ah isbitalka Keysaneey Ee Duleedka Muqdisho. http://www.shabelle.net/view_contents.php?articleid=569 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 18, 2008 Eebba ha u wada naxariisto masaakiintii walaalaheena maanta lagu xasuuqay mar kale Xamar. It is just getting sadder and sadder. Quote Share this post Link to post Share on other sites