General Duke Posted May 22, 2009 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay bilowday dagaal qorsheysan oo ay Muqdisho kula wareegeyso. Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay bilowday dagaal qorsheysan oo ay shacabkeeda ku bad baadineyso, isla markaana ay ku sifeyneyso mucaaradka ka soo horjeeda oo ay ku tilmaantay kuwo shisheeye u adeegaya, kana amar qaata ajaaniibta la socda. Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa sheegay in dagaaladan ay yihiin sidii uu u bilowday, ilaa ay kula wareegto gacan ku heynta Caasimada. "Ciidamada Qaranka ayaa dagaalada saakay qaaday meelo badan ayay kula wareegeen, dagaalka waa sii soconaa, ilaa laga sifeeyo kooxaha naga soo horjeeda"ayuu yiri Prof. Gaandi oo sheegay in Dowladda lagu qasbay dagaalada. Wasiirka Gaashaandhigga waxaa uu sheegay in Dib u heshiisiintii Djibouti kaddib ay Dowladda wada hadal iyo nabad ugu baaqday kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay Kooxahaas nabad iyo wada hadal diideen, isla markaana ay isku dayeen in ay dowladda af-gembiyaan. “Dowladda Soomaaliya waxay difaaceysaa dadkeeda iyo dalkeeda, waxayna la wareegi doontaa gacan-ku-heynta magaalada Muqdisho”ayuu yiri Prof. Gaandi oo sheegay in ay dowladda si tartartiib ah ay ula wareegi doonto gacan-ku-heynta magaalada Muqdisho, iyadoo buu yiri ku dadaali doonto in ay yareyso khasaaraha dadka shacabka soo gaaraya. Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay garab istaagto Ciidamada qaranka, isla markaana ay ku taageerto howlaha ay kula wareegeyso Magaalada Muqdisho, isagooonta tilmaamay inay ku dadaalayaan in ay shacabka dejiyaan oo aanay dhibaato u geysan inta dagaalka uu socdo sida uu hadalka u dhigay. Shalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu sheegay in Dowladda ay u diyaar garowday dagaal ay la gasho Mucaaradka, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono dagaalada ay iclaamisay Dowladda KMG, xilli Kooxaha Mucaaradka ay ku sii siqayaan Gobolada kale, isla markaana hada gacanta ku haaya qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Johnny B Posted May 22, 2009 Does these 10 days include the two days it takes to clean Afgoi and Marka? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 22, 2009 I am not sure they can get the Ministry of Defence in hese 10 days. They have wasted a whole day and gained mothing yet. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 22, 2009 “Dowladda Soomaaliya waxay difaaceysaa dadkeeda iyo dalkeeda'' The same text the religious pretenders on the other side use. We all know, both the religious pretenders and the foreign-created regime dont care for the people and country because otherwise they wouldn't have brought foreign fighters to Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted May 22, 2009 Meiji, forget about these two groups, where are the mighty M-society army hiding? Shouldn't they clean these thugs(the above 2 groups)out of the map of Mog? I was bidding on you, what a disappointment. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 22, 2009 Gheelle.T, Do you even know the definition of a society? Don't confuse the word ''society'' with ''army''. You can do better sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted May 22, 2009 ^According to you, the "M-society" were in process of recruiting a might army that would wipe out all the anarchist in town. Aint that right? Forget about the army, just tell me where they stand on this war? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted May 22, 2009 ^^ The M Society ran to get their guns, saaxib. They have a habit of leaving it out of town (in case of accidents). Quote Share this post Link to post Share on other sites