General Duke Posted January 14, 2009 Garowe: Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo todobaadyada nagu soo aadan dhisaya Golaha Wasiirada. 14. januar 2009 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la tashanaya Madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa lafilayaa in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh, kuwasoo qaban doono waxyaabaha faraha badan ee dhowraya Maamulka Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Faroole ayaa latashiyo kala duwan wuxuu la leeyahay Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Puntland, wuxuuna kala hadlayaah sida ugu haboon ee lugu dhisi karo dawlad dalka Puntland ka hirgalisa waxyaabo ay qaban waayeen Maamuladii kaga horeeyey Boosaskan. Warar hoose oo ku dhow dhow Madaxweyne Faroole ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Faroole gudi usaaray soo xulida Xubnaha golaha Wasiirada ee dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana Imtaaxaan laga qaadayaa cida ladoonayo in laga mid dhigo Golaha Wasiirada ee dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa shaarac cad wuxuu ka sheegay todobaadkan in aysan dawladiisa ka mid noqon doonin cid isticmaasha Maandooriyaasha kala duwan, wuxuuna tibaaxay in Golihii wasiiradu noqon doonaan kuwa waxqabad muuqda leh oo dalka Puntland ka hirgalinaya nabad iyo Horumar waara. In aan dawladda Puntland laga mid dhigin qof isticmaala Maandooriyaasha kala duwan fikirka ah, waxaa soo dhaweeyey Bulshada kala duwan ee Puntland & Siyaasiin badan oo ku sheegay talaabo umudan soo dhaweyn, ayagoo ugu baaqay Madaxweyne Faroole in uusan ka laaban hadalkiisa oo uu ka dhabeeyo. Dhismaha golaha Wasiirada ayaa laga dareemayaa Magaalada Garowe iyo Aqalka Madaxtooyada ayadoo aad arkayso rag badan oo ku sii socda Madaxtooyada, doonayana in ay la kulmaan Madaxweynaha Cusub oo ay kala hadlaan sidii usiin lahaa xilal. Maamulka Cusub ee ka hana qaaday deegaanada Ismaamulka Puntland oo ay dadka Puntland soo dhaweeyeen ayaa looga fadhiyaa in ay si deg deg ah, wax uga qabtaan Boogaha ubaahan daweynta deg deg ah. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites