Sign in to follow this  
Jacpher

Kismaayo: Taliye ku xigeenkii Nabadsugida Kismaayo oo toogasho lagu dilay

Recommended Posts

Jacpher   

Kismaayo: Taliye ku xigeenkii Nabadsugida Kismaayo oo toogasho lagu dilay

 

Kismaayo(AllPuntland)- Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa saakay toogasho ku dilay Taliye ku xigeenkii ciidamada nabadsugida Allaha u naxariistee Col. Muqtaar Cabdi Axmed oo ku magac dheeraa Muqtaar Dheere xili uu ku sugnaa goob ay ku kala wareegaan gaadiidka BL-ka oo ku taal magaalada Kismaayo.

 

Dilka Mas'uulkan ayaa waxaa geystay sida la sheegay nin wajiga soo duubtay, wuxuuna ku furay dhowr xabadood oo madaxa iyo caloosha kaga dhuftay, halkaasoo uu ku ruux baxay Col. Muqtaar Dheere.

 

Ninkii falkan dilka ah geystay ayaa baxsaday iyadoo ciidamada amaanka magaalada Kismaayo ay bilaabeen in ay baadi goobaan ninkaasi oo la sheegay in wejiga uu soo qarsaday, lama oga sababta ka danbeysa dilka Sarkaalkan hase ahaatee dadka magaalada ayaa falkan ku tilmaamay inuu la xariiro ugaarsiga lagu haayo xubnaha Dowladda ka tirsan ee ku sugan Kismaayo.

 

Taliyaha ciidamada Saldhiga Kismaayo Ibraahim Khaliif "Shanfool" ayaa sheegay in aysan u suuragelin in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyay dilka sarkaalkan balse ciidamadu ay wadaan howlgalo baaritaan ah oo lagu ogaanayo cidii ka danbeysay dilkan.

 

Horay ayaa sidaan oo kale magaalada Kismaayo dil toogasho ah ay ugu geysteen Col. Maqdal oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Kismaayo, iyadoo aan gacanta lagu soo dhigin kooxihii ka danbeeyay dilkaasi, waxaana maalmahan magaalada Kismaayo ku soo badanayey falalka amni daro ee ay geysanayaan maliishiyooyinka hubeysan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Ayyyyyyy, them chickens be coming back home to roost. Word from the suuq says that the maqtool(insteada the 'marxoom') was a big-time instigator of clan conflict in K-town. Creepin, crawlin and all sorts of intrigue and iskodir.

 

Maxaa ka rabtaa hee

 

Korneelkani ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay Korneel si aad ah u abaabulayay dagaalo kasoo cusboonaada gobolada jubooyinka gaar ahaan dagaalada qabaa'ilka xilli ay shacabka soomaaliyeed ku mashquulsan yihiin Sidii ay Dalkani Soomaailya uga xoreyn lahaayeen Cadowga Wayaannada ah ee kusoo duulay.

 

horey ayaa Kismaayo waxaa la isugu dayay in laga abuuro fitno inkastoo arrintaasi ay ka hortageen Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo iyagu aanan ogoleyn in dagaal dambe oo qabiil uu ka dhoco halkaasi lagana doonaya shacabka in ay kasii shaqeeyaan dib u xoreynta dalka Soomaaliya oo ah Dal qeybo kamid ah uu gacanta ugu jiro Tikree taageero ka helaya Munaafiqiinta Caalamka iyo gaalada isbaheysatay.

Source

 

Nin-walba oo magac qabiil ku shaqeeynaayo, hayay, whatcha gonna do when they come for you ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo is now unofficially in the hands of the resistance, gone are the militias who were controlling the city after the TFG forces left in April.

 

It seems that they're collabrating. Anyhow it's a tragic death, that of many in that city's dark history since the civil war began some 17 years ago.

 

I'm sympathetic with the peoople of the city who were in misery for much of two decades now particular so since the 'nomadic' militia take over of the city in the past 8-9 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ You would rather have the 'august'(lol) forces of Af-Gaduud be in control of the city ? The vaunted decorated 3rd division of the TFG army. Who stood all of 2 hours( the span of the average movie) before gallantly 'retreating' in face of the fearsome 1st divison of the TFG army.

 

Abkay dooli dilay.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Madaxaad ka toogataye raga wax u reeb. icon_razz.gif

 

 

Labo Ka Mid Ah Gacanyaraashii Col.Afgaduud Oo Lagu Xiray Kismaayo, Laguna Eedeeyey Dilkii Taliye Ku Xigeenkii Nabadsuggida Magaalada?.

Dec 17,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay saraakiisha wada baaritaanka dilkii shalay loogu geystay magaalada Kismaayo Marxuum Col.Mukhtaar Cabdi Axmed (Mukhtaar Dheere) oo ahaa taliye ku xigeenkii nabadsuggida magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyey inay gacanta u dhigeen labo nin oo gacanyaraal u ahaa taliyahii hore ee guutada 1aad Col.Cabdirizaq Afgaduud.

 

Labadaas nin ayaa ka mid ahaa maleeshiyo beeleedkii Col.Cabdirizaq Afgaduud oo ku sugnaa dhulka howdka, iyaga oo la sheegay inay dhowaan soo galeen magaalada, ciidamada amnigana ay ka warhayeen oo lal socday dhaqdhaqaaqooda. Xiritaanka labadaas ayaa ka dambeeyey markii ay baaritaano dheer tan iyo xalay ay wadeen ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo,
kaasoo dhaliyey inay nimankaan oo ku dhuumaalaysanaya xaafad ka mid ah magaalada Kismaayo gacanta lagu soo dhigo, haatanna ay saarkiisha ku howlan baaritaanka ay suaalo weydiinayaan.

 

Mid ka mid ah masuuliyiinta wada baaritaanka ayaa sheegay inay dhowaan saxaafadda u soo bandhigi doono xubnahaan ay gacan ku soo dhigeen oo ay ku eedeeyeen in dilka marxuumka oo
la sheegay inuu waday baaritaano la xiriiro lacago been abuur ah oo laga keenay Puntland oo ay ganacsato ka soo jeedo beesha ***** ay si dhuumaalaysi ah ku soo galiyeeen magaalada oo la doonayay sicir birir lagu galiyo badeecooyinka daruuriga iyo ganacsiga magaalada iyo gobollada jubbooyinka.

 

Masuulka oo si caro ah u sheegay in dilka Marxuumka uu ahaa dil qorsheysan oo la doonayay in khalkhal lagu geliyo shacabka magaalada iyo midka gobolada jubbooyinka oo lagu abuuro jawi colaadeed, ayna ka warahayaan qorshe siyaasadeed iyo kooxaha ka dambeeya oo dano gaarka ah leh.

 

Mar wax laga weydiiyay masuulkan warar ay sheegayaan qaar saxaafadda ka mid ah oo u janjeera siyaasadda dowladda federaalka oo tibaaxayay in magaalada uu khalkhal ka jiro oo ciidamadooda ay heegan geliyeen oo laga baqayo inay soo weeraraan maleeshiyo taabacsan midowgii maxkamadaha Muqdisho ayaa sheegay warkaasi uu yahay been abuur, hadalada noocaasi ahna ay yihiin kuwa ku tilmaamay "Awrku kacsi, siyaasado guraccan ay ka dambeeyaan, qorshahaasina uusan mid meel maraya, ciidan aan heegan galinay iyo kooxo laga baqayo aysan jirin, magaalada ay xasiloon tahay oo dadkoo dhan ay indhahooda ku arki doonaaan" ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ smile.gif terror business! afkii amxaarka waa lawada bartay, hadda. Cabdullahi Amxaarna no more tricks, waa ay ka dhamaadeen hadeerna tiisa ayuuba la liic-liicayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Very well noted, keep coming back, sure you will get on well with the rest...

 

Is it a concidense that Horn reappears only when Kismayo is mentioned... No worries Sxb Kismayo way iska ahaani, the rulers of it habartaan how to fish while it lasts instead of only getting high on qaat at the expense of the small tax collected from the port...

 

Waa intaas unbay ujoogaan wax badan samayn maayaan :D ,

 

A confident hunter has the quality of being patient and knows it is time to...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this