Akash Posted July 12, 2009 BOORAMA (SNN) Waxaa maanta aad u kacsan Magaalada Boorama ka dib markii saaka aas wadareed loogu sameeyey xabaalaha Caro Qoolaab afar nin oo daraad ay maleeshiyo beeleed ku dishay Gabilay agkeed ka dib markii ay kala dageen baabuurtii ay la socdeen, dadkaas oo run ahaantii loo dilay si ka baxsan bani'aadamnimada iyaga oo qaarkood xubnahooda la googooyey ama la jar-jary taas oo keentay cadho iyo argagax badan oo ka muuqday dadka reer Boorama, waxanay dadku iyaga oo cadhaysan koox koox ugu urursanaayeen meelo badan oo ka mid ah suuqyada magaalada. waxaa kale oo jirtay ciidan badan oo Boolis ah oo suuqyada lagu daadiyey kuwaas oo dadka ku waaniyey in ay is dajiyaan waxaanu taliyaha saldhiga Booliska Boorama igu qasbay in aan ka masaxo kaameerdayda sawiro aan ku qaaday taasi oo uu ii sheegay in aan lo baahnayn. Waxaa kale oo yimid saaka magaalada Boorama wafdi uu hogaaminayo Axmed Cabdi Maxamuud( xaabsade) oo ka yimid magaalada Hargaysa kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo guurtida waxaanay Hutel Rays kula kulmeen odayaasha dhaqanka qaar ka mid ah oo ay ka codsadeen in la is dajiyo laakiin waxa ay shardi uga dhigeen in la soo qabto cidii dilka gaysatay. Waxaana imika muuqatay xaaladu in ay cirka isku sii shareerayo waxaana socda hada banaanbaxyo ay samaynayaan dad u badan dhalainyaro oo sida Calankii Soomaaliya waxaana ka yeedhaysa meelo badan oo magaalada ka mid ah xabad ay ciidanku kor u ridayaan..... http://lughaya.com/2 009/07/12/muuqaalada -mudaharaado-maanta- ka-dhacay-magaalada- borama/ Allaha Sahlo Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 12, 2009 The people ate upst with the clan driven secessionist agenda. The blue flag is back. Quote Share this post Link to post Share on other sites