General Duke Posted June 5, 2007 Gudoomiyaha Gudiga shirka Dib u heshiisiinta qaran oo sheegey in aanu shirka dib u dhacayn Last Updated::2007-06-05 15:53:12 Mogadischo:-Gudoomiyaha Gudiga shirka Dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in uusan shirka Dib u heshiisiinta qaran uusan markale dib uusan u dhacayn. Gudoomiyaha ayaa warkaan sheegey ka dib ka qeyb gal Siminaar oo ay soo qaban qaabisey Ururka isku Xirka Nabada iyo Xuquuqda Aaadanaha ee INXA, waxaa uu sheegey Mudane Cali Mahdi Muxamed in kulanka dib u heshiisiinta qaran uu dhacayo xiligii loogu talagey oo ah 14 bishan. Cali Mahdi Muxamed waxaa uu sheegey in uu kol hore uu baaqdey shirkaan waxaana uu sheegey in aysan macquul ahayn in uu baaqdo markale. Gudoomiyahu waxaa kale oo uu sheegey in ay haatan jirto oo qura hal dhib kaas oo ah dhaqaalihii loogu talagaley shirkaan in uu ku qabsoomo, kaas oo ay balan qaadeen wadamada Deeqaha bixiya isla markaana aan ilaa iyo haatan aan soo gaarsiin gudiga wax dhaqaale ah. Meesha kama uusan saarin gudoomiyuhu Nabad gelyo darro aan balaarneyn oo ka jirta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, oo ay ka mid tahay falalka ku dhifo oo ka dhaqaaqda ah iyo Bambooyinka ay aasayaan iyo Ismiidaaminta ay sameynayaan kooxo aan la garaneyn waxa ay yihiin hase yeeshee Dawladu ay ku tilmaanto Al qaacida. Gudoomiyuhu waxaa uu ku adkeeyey carabka in uu dhacayo kulankaan waqtigii horey loo qabtey isla markaana aysan wax walaac ah aysan ka qabin in uu markale dib uu u dhaco. Shirka Dib u heshiisiinta qaran waxaa Iclaamiyey Madaxweynaha Dawlada Kumeel Gaarka ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaana uu sheegey in shirkaan ay ka soo qeyb galayaan qeybaha Bulshada Rayidka ah ee Soomaalida. Hadii uu shirkaan hirgalo waxaa Iftiimeys Yididiilo nabadeed oo wadanka Soomaaliya ka soo iftiinta Muda 20 sano ku dhaw oo ay wadanka ay ka jirtey Xasilooni Darri. Mohamed Ali (Dalamr) mohamedali11@gmail.com HorseedNet News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites