Sign in to follow this  
Saalax

Guddoomiyha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Oo Maanta Kulan Balaadhan La Yeeshay Masu

Recommended Posts

Saalax   

Guddoomiyha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Oo Maanta Kulan Balaadhan La Yeeshay Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Ee Gobolka.

 

 

Ceerigaabo(Ramaas) Sept.14, 2010 – Guddoomiyaha Gobloka Sanaag oo safar shaqo kaga soo laabtay caasimada jamhuuriyada somaliland ee hargeysa, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha dawliga ah ee kala duwan.

 

 

Waxaana uu ugu horayntii uga warbixiyey jalwadka cusub ee xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ah in masuul kastaaba uu xafiiskiisa uu yimaado 7:00 subaxnimo ilaa 2:00 galabnimo, waxaana uu sheegay in masuul kasta looga baahan yahay inuu maalin walba uu u diro wasaaradiisa warbixin.

 

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay inay ka wada dhaxayso shaqadu, isla markaana la dardargaliyo shaqada, isaga oo intaa raaciyey in lixdii biloodba isuduwe kataaba uu diyaariyo warbixin ku saab san wasaaradiisa. Cali Cabdi Hure waxa kale oo uu tilmaamay in ay wasaaraduhu ka wada shaqeeyaan horumarinta gobolka, khamiis kastana ay wada qaadan doonaan kulan todobaadle ah.

 

Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay isuduwaha wasaarada beeraha iyo isduwaha wasaarada tacliinta sare oo labadooduba tilmaamay in ay soo dhaweynayaan hadalka gudoomiyha, isla markaana ay la shaqaynayaan xukuumada cusub.

 

kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay wada qaataan isuduwayaasha gobolka sanaag iyo guddoomiye Cali Cabdi Hurre tan iyo intii xilkaa dib loogu igmaday.

 

 

Cerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this