Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Warshadii Furshaanta Iyo Buushka Hargeysa oo Ku Shuf Beeshay Dab Galabta Qabsaday

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran) Warshadii Furshaanta Iyo Buushka ee magaalada Hargeysa ee Al-khayraat ayaa shuf beeshay galabta ka dib markii uu dab ka kacay mid ka mida mishiinada korontada ee Warshadaasi.

 

Dabka Warshada Furshaanta Ee Magalada Hargeysa ayaa ku baaba’day Dab sida la sheegay ka dhashay mid ka mida mishiinada Warshadu ay u adeegsan jirtay dhinaca Laydhka.

 

“Waxa aan mar qudha ku war helay olalka cirka isku shareeray ee dabka warshada ka kacay oo runtii ahaa mid argagax weyn nagu abuuray”Sidaa waxa yidhi Xasan Maxamed oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday daminta Dabkaasi.

 

Goobjoogehaasi isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Runtii waxa wax lala yaabo ah in aynu Dal ahaan inagu yar yihiin Baabuurta loo yaqaano Damdamisku”.

 

Dabka ka kacay gudaha Warshadii Al-khayraat ayaa si xawli ah ugu fiday oo baabiiyay qeybihii kala duwanaa ee Warshadaasi,waxana goobtaasi gaadhay 45 daqiiqo ka dib markii dabku hurusheeyay Baabuur Damdamis ah oo ay leedahay Shirkada Dahabshiil.

 

Boqolaal dadweyne ah ayaa isku dayay inay dabkaas gacmahooda ku bakhtiiyaan iyagoo adeegsanayayn Booyado biyo ah.

 

Ilaa imika waxa kaliya ee Warshadaas u badbaaday waa laba Mishiin oo kuwa laydhka ah oo ay qaadeen dadkii ka qeyb-galay gurmadka daminta dabkaas.

 

Wershadaas oo ka jirtay Somaliland muddo Afar Sanadood ah,waxa ay ka mid tahay Warshada faro ku tiriska ah ee gaarka loo leeyahay oo ay furteen Qurba jooga dalku.

 

Dabkaasi waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee waxyeelo intaas leeg u gaysta Goobaha Ganacsiga dalka tan iyo mudadii Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this