Juje Posted August 29, 2007 Cali Mahdi oo markii ugu horeysay qirtay in uu fashilmay shirkii beelaha Soomaalida Cali mahdi Maxamed oo ahaa shir gudoonka shirka beelaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay qirtay in uu fashilmay shirkii beelaha Soomaaliyeed kadib markiin uu sheegay kooxaha mucaaradka ku ah shirka ay gudbiyeen qoraalo lid ku ah howlahii shirka uu garwadeenka ka ahaa. Cali mahdi oo sheegay shirka in la soo afmeerayo maalinta Bari ah iyadoona sida muuqatana aysan ka soo bixin wax horumar ah marka laga reebo in la heeso been beena xabadka leysa saaro Shirka oo ewalba ahaa shinbiryahoow heesa hees wanaagsan heesa ayaa u muuqdo mid fashil ku dhamaaday ,inkastoo horey loo ogaa inaysan waxba ka soo baxaynin shirka kadib markii ay qaadaceen intabadan hogaankii dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 29, 2007 Cali Mahdi oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta la soo gabagabeyn doono bari shirka dib heshiisiinta ee ka soconaya magaalada muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray xarunta shirka gudoomiyaha gudiga shirka cali mahdi max'ed oo maalimihii ugu dambeeyey safarka ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana uu halkaasi ka sheegay in maalinimada barito ah la soo gaban gabeyn doono shirka dib u heshiisiinta oo ka soconayey mudo ku dhawaad labo bilood ah xaruntii gadiidka booliska. waxaana uu intaasi ku darey cali mahdi in ergooyinka ka qayb qaadanaya shirka la siin doono qarashaadkii yaraa ee loogu talagalay inay qaataan sidaasina ay isla soo garteen isaga iyo hay'adaha deeq bixiyaasha ah. shirkaan oo horey ay u soo qaban qaabiyeen kooxda imbagaati ee uu hogaamiyo c/laahi yuusuf Axmed looguna talagalay in lagu jahaweereeriyo dadka soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey dadka iyagu guno raadis ah oo ka kala yimid qeybo ka mid ah dalka soomaaliya,waxaana sidoo kale ka soo horjeestay shirkaasi ka qeyb galkiisa dad fara badan oo ka mid ah wax garadka soomaaliyeed,iyo waliba dhinacyaddii iyagu diidanaa siyaasada kooxda impagati. dadka lafa gura siyaasadaha somalia ayaa ku tilmaamay inaan shirka laga gaarin wax natiijo ah oo la taaban karo oo dan u ah umadda soomaaliyeed marka laga reebo ka doodista qodobo ay soo gudbiyeen fikrado shisheeye oo ay ka mid ahaayeen waxa lagu tilmaamay xagjirnimada diineed taasoo dadkii ka qaybgalay shirka ay layaab ku noqotay. shirka ayaa waxaa qaadacay odayaasha beelaha ****** marka laga reebo dhinac yar oo u tanaasulay gunooyinka yar ee shirka laga ballan qaaday kuwaas oo uu horkacayay Cabdi Iimaan Cumar laakin haatan ayaa waxaa sii raja dhigaya ka qaybgalayaashii shirka oo aan weli helin wax qarashaadkii ay ka filayeen kooxda shirkan wadatay. sababaha keenay in si lama filaan ah loo xiro shirka ayaa dadka qaar ku macneeyeen in ergada qaar ay ku haminayaan sidii ay uga qaybgali lahaayeen shirweynaha dhowaan ka furmaya magaalada Asmara ee dalka eritrea kaasi oo looga hadlayo aayaha somalia iyo sidii loo xoreyn lahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted August 29, 2007 ^Sxb horta how come your news reporting always never provide sources, something fishy in it, next time try to present the source, haka xishoonin your sources, no reason to hide it qof intaa kabadan kula yaabayso malahan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 29, 2007 Shirka dib u heshiisiinta beelaha oo Cali Mahdi uu sheegay in berri la xirayo iyo buuq ka dhashay arrintaas Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida Cali Mahdi Maxamed ayaa ka dhawaajiyey in shirku uu maalinta berri ah ee 30-ka bisha ku beegan uu xirmayo. Cali Mahdi Maxamed oo safar kedis ah ugu ambabaxay dalka Kenya oo uu labo maalmood oo qura ku maqnaa ayaa markii uu shalay ka soo laabtay waxa uu sheegay in shirka uu xirmayo 30-ka bisha Agosto ee ku beegan maalinka berri, wuxuuna xusay in gunnooyinkii loogu talo galay ergooyinka shirka ay qaadan doonaan, kadibna go’aannada shirka laga saxiixi doono, isagoo sheegay in ergay walba isagoo faraxsan uu dib ugu laaban doono Gobolkii, Degmadii ama tuuladii uu ka yimid. Cali Mahdi wuxuu sheegay in xalay 6-saac loo sheegay in lacagihii ergooyinka shirka ay lahaayeen lagu soo shubay Shirkadda Xawaalada ee Dahab-shiil, isagoo sheegay in shirka marka uu xirmo lacagaha loogu talo galay ergooyinka la siinayo, isagoo xusay in ergay walba uu helayo lacagihiisa. “Waxaan dalka Kenya u tagay inaan tirtiro hadallo been abuur ah oo ay halkaan (Muqdisho) ka direen kooxo ka soo horjeeda shirka, waxaana hadalladaas ay ahaayeen kuwo ay ku sheegayaan in shirka aysan waxba ka soo baxaynin, balse markii aan sharraxaad ka bixiyay shirka ayay garwaaqsadeen Madaxda UNDP in hadallada la gaarsiiyay ay ahaayeen kuwo aan sax ahayn” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo hadalkiisa ay ka muuqatay inuu aad uga xun yahay hadallada loo gudbiyay Hay’adaha shirka wada. Beesha Caalamka ayuu sheegay inay garwaaqsadeen in gudaha dalka Soomaaliya lagu qaban karo shir, isagoo sheegay in meesha ay ka baxday fikirkii ay qabeen oo ahaa in shir aan lagu qaban Karin xilligaan Muqdisho, wuxuuna Cali Mahdi sheegay in arrintaas aysan xilligaan ku jirin fikirka caalamka oo uu ogaaday in Soomaaliya ay tahay mid u socota dhanka wanaaga. Ergooyinka shirka ka qeyb gelaya ayaa qaarkood ka cabanaya in shirku xirmo iyagoo ku doodaya inaanay wax heshiis ah iyo go’aanno shirka ka soo bixin, ajandayaal macquul ah oo xal keeni karana aysan ka doodin, waxayna layaab ka muujiyeen in shirku xirmo isagoon guulaysan. Sababta soo dedejisay in shirku xirmo ayaa waxay tahay bisha Ramadaan oo soo guda gashay, halka warar kale ay sheegayaan in dhaqaalaha shirka oo gacanta u soo galay guddiga qabanqaabada iyo dowladda KMG oo la doonayo in siyaabo kale loo dabaro, iyadoo ergaduna ay taas ka soo horjeeddo oo ay dalbanayaan in shirku sii socdo, waxaana la sheegay in maanta ay ku buuqeen Cali Mahdi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ojelle Posted August 29, 2007 lol@ haka xishoonin. Malaha dayniile uu ka soo qaadaa aan u maleenaa. Juje warka cadee, intee ka soo qaadaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted August 29, 2007 ^ possibly or perhaps could it be one's own version of news created in a dark smelly marfish room. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 29, 2007 ^^ Warka aa idin ka degi wayay miya..? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted August 29, 2007 ^Maya wuu nagu socdaa, baraf oo kale waa imarooyaa, LOL, that's if I were to pretend, for a second, to be a hardcore looters ltd co. supporter. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 29, 2007 Originally posted by Emperor: to be a hardcore looters ltd co. supporter. Jecliya... Tell you what, it is at any day and by far better than being a supporter of hardcore parasite who vie to live on at the misery of others. To assume that this short-live victory, at the back of bringing Xabashi to the country, as cushion that can be relied on would be severe mis-calculation. But then again how would a group who are hereditiary 'dabakadhilifs and adoonsi uu adeeg' would know, unless and untill they are hit in the face by reality..which is not far sxb. Count the days. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ojelle Posted August 29, 2007 lol War Juuje war buu ogyahay. Anigu amxaarada waan ka soo horjeeda iyo waxa taageeraba, laakiin waraka qaar meela lagu soo qoro dacaayad iyo kutiri kuteen buu u badanyahay. Hadaba war la idin sii, xamar ayaan lahadlay maalin dhaweeto oo waxaan soo maqlay inta Ramadaanka aan lagaarin in amxaaro cashar adag loo dhigi doono inshaalah. Lets hope it all goes well as planned. Quote Share this post Link to post Share on other sites