Sign in to follow this  
General Duke

Somali contact group meets: Pres Yusuf Prof Cadow in attendence

Recommended Posts

Nayroobi: Ururka Somali Contact Group oo kulankodi uu ka furmay magaalada Nayroobi.

Khamiis, October 19, 2006

 

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Nayroobi (AllPuntland)- Magaalada Nayroobi ayaa waxaa maanta ka furmay kulan ay isugu yimaadeen ururka Somali Contact Group ee daneeya arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Kulankaasi ayaa waxaa markii ugu horaysay ka soo qayb galay xukuumadda Soomaaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Magalada Nayroobi ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ka socda maxkamadaha magaalada Muqdisho oo uu hogaaminayo Ing. Cadoow oo arrimaha dibadda u qaabilsan maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Dhanka xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa kulankaasi u matalaya madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Mud. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Waa shirkii ugu horeeyay oo ururkaasi uu ku yeesho qaaradda Afrika waana markii ugu horaysay oo ay si wada jir ah uga qayb galaan maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya.

 

Waxa la filayaa in kulankaasi ay ka soo baxaa qodobo wax ku oola ah oo ku aadan arrimaha dalka Soomaliya.

 

Dhanka kale waxaa la filayaa in magaalada Nayroobi ay ku kulmaan wafuud ka kala socota maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya, kulankaasoo hor dhac u noqon doona kulanka dabayaaqada bishaan ka furmaya magaalada Kharduum ee caasimadda wadanka Sudan.

 

M. J. koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii kooxda Xiriirka Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Last Updated::2006-10-19 14:28:53

 

Nairobi:- Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maraykanka, ayadoo shirkan looga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya.

 

Shirkan ayuu maanta furay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya, Mr.Rapheal Tuju waxaana kasoo xaadiray wafuud ka kala socota dalalka:

 

Maraykanka, Tanzaniya, Talyaaniga, Norway, Ingiriiska, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo J/carabta.

 

Kulankan ayaa waxaa lagu casumay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho.

 

Arrimaha Shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan sidii loo meel marin lahaa shirkii lagu balansanaa ee wareega 3aad ee wadahadaladii Khartuum, oo hada mugdi weyn ku jiro inuu hirgeli doono.

 

Shirkan waxaa dhinaca Dowlada uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, C/laahi Yusuf oo xalay magaalada Nairobi soo gaaray, dhinaca Maxaakiimta ayey ka qeyb geli doonaan wafdi lagu wado inuu hada soo gaaro Nairobi oo uu hogaaminayo Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maxaakiimta Muqdisho Porf.Ibrahim Xasan Cadow.

 

Shirkan ayaa ah mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan Saxaafada loo ogoleyn.

 

Maanta gelinka danbe ayaa lagu wadaa in warbixin laga saaro waxa shirkan looga hadlay iyo hadii wax qodobo ah laga soo saaro.

 

Wixii war ah oo kusoo kordha shirkan kala soco HorseedNet

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf::: Waxay isku dayeen in ay i dilaan, wax badan baanu Nabad isku daynay balse...

Last Updated::2006-10-19 22:39:10

 

cabdullahi_warsaxaafadeed.jpg

 

r3013753487.jpg

Nairobi:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta khudbad xasaasi ah

kasoo jeediyey kulankii kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ka dhacay Nairobi.

 

Kulankii maanta ee magaalada Nairobi ku yeesheen Guddiga uu Maraykanka dhisay ee lagu magacaabo Kooxda Xiriirka Soomaaliya (Somali Contact Group), ayaa looga hadlay waan waanta nabada iyo sidii loo hirgelin lahaa shirka Khartuum ee Jaamacada Carabtu daadihineyso.

 

Shirka oo Saaka ka furmay magaalada Nairobi ayaa si rasmi ah u furay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya, Mr.Raphael Tuju, waxaana madasha ku sugnaa xubnaha kamid ah guddiga Kooxda xiriirka Soomaaliya oo ay ku jiraan diblumaasiyiin kasoo jeeda dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Norway iyo Tanzaniya.

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa halkaasi yimid, balse waxaa shirkaasi aysan u suurto gelin in ay kasoo qeyb galeen wafdigii Maxaakiimta Muqdisho oo ayagu kasoo daahay shirka.

 

Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Somaliya

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa khudbadiisa uga hadlay shirka Khartuum ee lagu waday inuu dhaco wareegiisii 3aad 30ka bishan Oktoober.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay waxa uu ku tilmaamay dhex dhexaad la'aanta Jaamacada Carabta, asagoo markaasi sheegay in dowladiisa ay codsaneyso in arrimaha waan waanta Somaliya lagu wareejiyo urur gobaleedka IGAD.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliiceyn weyn dusha uga tuuray Maxaakiimta Muqdisho oo uu sheegay in ay wadaan dhul balaarsi ayna qabsadeen magaalada Kismaayo.

 

C/laahi Yusuf ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ay Maxaakiimta taageero ka heystaan koox argagaxiso ah oo shisheeye oo ka yimid dalal kala gedisan. Wuxuuna sheegay in ay xiriiro la leeyihiin Al Qaida Calankii Talibanka Afghaanistaana ay sitaan.

 

Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in ay Maxaakiimta Muqdisho ay bilaabeen in ay tababaraan kooxo loogu talo galay in ay dilaan mas'uuliyiin sar sare oo dowladiisa kamid ah oo uu asagu ku jiro iyo waliba Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Madaxweynaha oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegeen Maxaakiimta ayaa sheegay in Maxaakiimta ay wadaan falal aan loo dul qaadan doonin, asagoo xusay in ay calankii Somaliya ay badeleen.

 

Khudbada Madaxweynaha Soomaaliya oo ayadoo qoraal ah halkaasi xubnihii ku sugnaa loo qeybiyey ayuu ku sheegay in Dowladiisa in ay wax badan nabad isku dayday in ay NABADA ka shaqeyso, hase ahaatee lala garan waayeyay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markan ay Dowladiisa qaadi doonto tilaabada ku haboon xaalada uu dalka Soomaaliya hada ku sugan yahay.

 

Kulankii Maxaakiimta

 

Wafdigii Maxaakiimta ayaa kasoo daahay shirka ayagoo Makhribadii magaalada Nairobi kula shiray guddiga kooxda xiriirka Soomaaliya.

 

Wafdiga Maxaakiimta ayaa la kulmay guddiga kooxda xiriirka Soomaaliya ayagoo isla markaasi arrimo dhawr ah isla soo qaaday.

 

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay shirka Khartuum iyo sida ay u arkaan Maxaakiimta Muqdisho.

 

Maxaakiimta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tagaan shirka Khartuum, waxay sidoo kale carabka ku dhufteen in aysan dooneyn in ay dagaal ku qaadaan Dowlada balse ay nabad rabaan.

 

Qabsashadii Kismaayo ayey ku tilmaameen wafdiga Maxaakiimta mid ay shacabka rabeen, isla markaana uusan wax dagaal ah ka dhacin halkaasi.

 

War murtiyeed ay soo saareen kooxda xiriirka Soomaaliya, ayaa lagu xusay in la taageero nabada Soomaaliya oo laga fogaado wixii dagaal keeni kara.

 

Shirkan ayay kooxda xiriirka Soomaliya ku tilmaameen inuu ahaa mid xog is dhaafsi ah, iyo in laga wada hadlo sidii looga hortagi lahaa waxa amniga wax u dhimi kara.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

 

 

Madaxweynaha Somaaliyaâ€Maxkamaduhu Waa Argagixiso waa idiligaareen Calankii Somaaliya waa gubeen dhulbalaarsibay wadaan Qudbadiisi Shirkii Nairobi ee Manata iyo Warar kale oo xiiso leh.

Nairobi:- Magaalada Nairobi ayaa Maanta waxaa kadhacay kulan ay wada yesheen Kooxda Xariirka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maraykanka shirkaas ayaa Arimobadan oo Somaaliya Quseeya looga wadahadlay Shirkaas Ayaa intii uusocday Amaanka si adag loo adkeeyey iyadoona Shirkaan ay qudbado kala duwan kasoo jeediyeen Masuuliyiinstii kasoo Qayb gashay.

 

 

Madaxweyne c/laahi.Danjire Afey iyo Madaxkale oo kaso baxaya Shirka

 

Midawga maxaakiimta islaamka Somaaliyeed ayaan iyagu shirkaan goob jog ahayn iyagoona ay lasoo daahday diyaradii Muqdisha kasoo qaaday Balse shirka waxaa dhex fadhiyey oo car cartiisa qabay madaxweynaha Somaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Shirkaan ayaa ahaa maanta mid aad uga gadisnaa shirarkii hore isagoona Ahaa shiray maanta lagu wada casuumay Labada Awoodood ee Somaaliya kajira eek ala Ah maxkadaha Midoobay iyo dawlada qaranka Somaaliya.

 

 

Madaxweynaha Somaaliya oo kasoo dagaya gaari danjire Afey midig

 

Waxaa Shirkan maanta Qudbad aad ukululayd kajeediyey Madaxweyne C/aalhi Yuusuf Waxa uu yiri madaxweynuhuâ€Maxkadaha islaamigaa Waa Argagixiso waxa ay wadaana Dhulbalaarsi waxa ay qabsanayaan Magaalooyin Nabdoon Aniga Ayey isoo weerereen oo idiligaareen Balse Nasiib Wanaag waan ka bad baaday.

 

Madaxweynaha oo qudbadiisa sii wata Ayaa yiri’maxdkamadaha Waxa ay gubeen Calankii Somaaliya iyagoona doonaya in ay badalaan oo ay kubadalaan Calan u eg kii kii Afgaanistaan Maxkamadaha waxaa ku jira Dagaal yahano kasoo kala Jeeda Afgaanistaan Pakistaan Eretereeya iyo Wadama kale oo Carbeed.

 

 

Wafuud kala Duwan oo Shirka Kaqaybgalaya oo hortaagan Albaabka Hotelka

 

Madaxweynaha ayaa yiri Shirka Nabadaynta ee Khartuum Dawlada wa ay ogoshahay waxaanse Codsanaynaa in shirkaas lagu soo wareejiyo Dawladaha Kubahoobay urur Goboleedka IGAD jaamacada Carabta halaga soo wareejiyo ayuu Madaxweyhnuhu ku Dhawaaqay isagoo sii raacshay Dhex-Dhexaad Kama ahan ururka Jaamacada Carabta Arimaha wadanka Somaaliya.

 

Goor ay saacada wadanka Kenya Ku beegnayd 12:20 Daqiiqo ayaa Waxaa soo gaaray Magaalada Nairobi wafdigii Maxkadaha islaamigaa ee kasoo kicitimay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

Wafdigana oo aan iyagu kasoo daahay Shirkii manta ayaa loogeeyey Nuqlo kamida waxii laga wada hadlay iyagoona laweydiiyey Su’aalo ay kamid yihiin sida ay u arkaan nabadaynta Nairobi iyo shirka Khartuumba.

 

Balse wafdigii Maxkadaha ayaa wax kasta si firfircoon u ogoladay iyagoona ugu danbayntii lasiiyey waqti nasasho waxaana lafilayaa in Nairobi laguqabto shir la is ku horkeeno Madaxweynaha iyo wagdiga Maxkamadaha ee Nairobi ku sugan.

 

Wafdigaan Maxaakiimta Islaamigaa kasocda ayaa mar ay indahaygu qabanayeen waxa ay ka koobnayeen 5 Xubnood waxaana horkacaayey Madaxa waaxda Arimaha Dibada Prof.Ibrahim Xasan Cadow.

 

Jamaal Mahamuud Ahmed Shuuriye

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this