Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: The Parliament's Session Officially Started

Recommended Posts

Hargeysa(Qarannews)-Fadhigii Maanta ee golaha wakiillada Somaliland ayaa gudi hoosaadka arrimaha gudaha waxay soo hordhigeen golaha xeerka mamnucida iyo haysashada miinooyinka.

Xog-haya guddi hoosaadka arrimaha gudaha Xil. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan waxyeelooyinka ay miinadu u gaysatay dadka reer Somaliland intii u dhaxaysay sanadihii 1999-2008, taasi oo uu xusay in daraasad dheer iyo xog urursi fara badan oo ay gudida arrimaha guduhu soo ururisay iyada oo la kaashanaysa Hay'adda Miino saarka ee Smark ay u suurto gashay in Hay'addu warbixintan u soo gudbiso, waxaanu intaasi ku daray in sanadihii 1999-2008 ay miinooyinka iyo waxyaalaha qarxaa ay gaysteen waxyeelooyin nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taasi oo uu sheegay in sanadahaas dhexdooda ay waxyeelooyinka nafeed ee waxyaalaha qarxaa inoo gaysteen ay dhantahay 3338 waxyeelo, isla markaana ay 1312 qof ku dhinteen halka 2026 qofna ku dhaawacmeen.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata xog-hayuhu waxa uu intaas ku daray in ay soo ******** in 1000 goobood oo Somaliland gudaheeda ah ay ilaa hadda miinadu ku xabaalan tahay, isla markaana ay tirada wadoaoyinka u xidhan miinada darteed ay yihiin 600 oo waddo, isaga oo xusay in sababta ay warbixintan uga hor akhriyayaan golaha ay tahay mid ay uga gol leeyihiin sidii ay xildhibaanada ugu qancin lahaayeen xeerkan mamnuucida iyo haysashada miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa ee ay guddi hoosaadka goluhu maanta golaha soo hordhigtay.

 

Waxaana fadhigan cusub ee golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-cirro loogu qaybiyay mudanayaasha nuqulada xeerka mamnuucida iyo haysashada miinooyinka iyo aaladaha qarxa, taasi oo ay ka doodi doonaan xildhibaanadu maalinta berri ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this