Qudhac Posted February 4, 2005 RAADYOW MA QALOOCSHE A. A. Garas Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mowjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-buurka. Dhegaystayaashayada dhegaha sooganow, waxaynu soo gaadhnay cagidii warka aan ka cayntaarin jiray, waxaana maanta gunta ka waraabin doona weriye Mr. Hii haa. Madaxyuub Waxbarasho doontay Madaxyuubka Shankaroonta oo afadiisa wata ayaa dhababaco dhegaha nabay. Fadalkii ugu horeeyay wuxuu ku sii jiidhay cadriyada Jabuuti, haddana wuu ka maleegtay. Casar-gaabadkii ayuu Cardasababa ku shakaalay. Mar kale ayuu u jiciirtay xagaas iyo Afrika oogo. Madaxyuubka ayaan la ogeyn wuxuu la or-ordayo, waxase la sheegayaa inuu dalkasta muraad gaarra u lahaa. Dalka Jabuuti oo horeba kal-gacalka uu u qabo darteed tuulo siin gaadhay, ayuu qacdii horeba ka qaddeeyay, halkaas wuxuu kula sii kulmay inanka dhalacsan ee ummalka la tiicaya ilmaa-abtina ay isugu toosan yihiin, ahna khaadimka labada xaramayn ee xilligan “waa kan iyo keere†labada oday wax ay isyidhaahdaanba la sheeg in loo faq daayay oo kambadhuudh kaw kaw wax laysu yidhi. Arrimahaas oo islaamaha laga qarsaday waxa loo maleeyay kor u qaadka kalgacalka labada dal iyo adkaynta ilmaabtinimada. Ugu dambayntii inanka dhalacsan oo Madaxyuubka la sii dardaarmaya ayaa yidhi: “Walaalkay orday Alla hadin nabadgeliyee, markaad soo noqotiin iniguna doorasho ayaad gelaysiin, annaguna alegsiyoonkii baanu gelaynaaye, anna aan kuu ololeeyo adna ii ololee, dhankayga lagaaga soo dhici maayee yaan dhankaaga layga soo dhicin.†Dalka labaad ee Madaxyuubku jeeniga sii geliyay oo ahaa tan guunta ah ee Itoobiya la yidhaahdo, halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Giimbaarka ah ee Girima Weldaan Galowjir iyo liqaa mahmarro kale. Waxa kale oo tibaaxdu sheegaysaa inay u simemeen wiilka urayee Meles Il-weyne la yidhaahdo. Weriye Aadan Cismaan oo halkaa kadi ka soo waramay yaa yidhi: “Biriyaanka Samliin ayaa halkan kadi kula kulmay Madaxweynaha dawladdan kadi labada birigdhan, waxaa uunay ka hadleen adkaynta abniga wadamadan kadi. Gobolladan kadi ee xilliga kan kadi.†Kaasina wuxuu ahaa Aadankii Itoobiya ka soo warami jiray. Madaxyuubka iyo Marwooyinii la socday intii ay ardal-xabash joogeen, waxa la tibaaxayaa inay jirtay odayayn Itoobiya ku shuqlantahay oo ay doonayso inay ku dhexgasho bahashii Inbagaati lagu soo dhisay iyo bahashan Shankaroon la leeyahay, inkasta oo odayayntaasi weli soo ifbixin, haddana habarta Itoobiya oo isu haysata inay dawladda Inbigaati iyadu umushay, Shankaroontana ay aaye u tahay, sidaas awgeed ay ergo xabashi u saarto sidii loo saaxiibsiin lahaa inantiyo ilmaha Reer Cidla degge iyo ba’ been guur. Inkasta oo afada arrimaha dibadda Shankaroonta u fadhidaa ka shanqadhisay arrintaas oo ay tidhi dawladdan yare e weli fadhida dhabtii ay ku dhalatay ee Kenya annagu la hadli kari mayno oo waa sabi. Laakiin hadday soo korto oo socod barato oo xaafadooda iyo xaafadaha kale kala garato, waanu la hadli doonaa oo waxaanu ka wada hadli karnaa waxaan gooni isu taagayayaga ahayn oo kale.†Inkasta oo islaanta cidi weydiinin, ‘haddaa indinku iskiin u go’deen iyagu weli idinkama go’in oo way idinka lushaane, miyaydaan ka wada hadli karin sidii aad qumaati u kala hadhi lahaydeen?’ Arrimahaas oo dadka qaar daruuri u arkaan laakiin Shankaroontu ka dhutiso oo ayna dhegaysan, bahasha Inbigaatina ku hantaatacdo hawl yaraan inay ku dhammaanayso weli Madaxyuubkii dhababaceeyay baynu ku dhex jirnaaye ogaantay weftigaasi wuxuu ku sinmay wadankii cadaan iyo madowgu isku haysan jireen ee Afrika oogo. Dalkaas oo la sheegay in Madaxyuubku u tacliin doontay oo uu ku soo qaadan doono casharo ku saabsan Suuluugii iyo Saancadaagii is dilay siday u heshiiyeen oo haddana u dimuqraadi garoobeen, amuurtaas iyo aayadihii Mandeela culuun ku saabsan ayaa la sheegayaa inuu Madaxyuubku soo baranaayo doorasho daba dheeraata iyo xeerarka mirqaansan sida loo maareeyo ayaan iyana meesha ka madhnayn. Haydh tuulaha magaalada Kaayaabe toon, Mr. Tutuhlee ayaa la sheegay inuu weftiga soo dhaweeyay. Inanka Iqbaal oo annaga iyo iyagaba ah, ayaa isna si ragganimo leh weftiga u soo dhoweeyay. Dalkaas Afrika Oogo oo ah dal xiniinyo buur ah oo sida kiniinka kaabsoosha madow iyo cadaan isugu jira oo intay si waaliya isu laayeen oo Suuluu iyo Saan-caddaa isu rifeen ayay haddana heshiiyeen oo si waaliya u horumareen, waxaanay gaadheen inay nukleeryo samaystaan oo wadamadii kale ee Afrika Baarqab u noqdaan. Wadankan Shankaroonta waxay iska shabahaan dhawr arrimood; 1) Hogaamiyeyaasha Cigaal iyo Mandella oo ahaa laba oday najisyo ku ahaa dhismaha hannaanka dimuqraadiyada iyo dawo reer galbeedka oo isku xilli la xidhay, isku marna soo noqday, dad islaayayna dawlad u dhisay. Labaduba waxa xukunka ka dhaxlay kuwii ku xigay, inkasta oo Cigaal dhintay, Mandellana weli dhiirinayo, laakiin labada dalba waxa ka taliya labadii Rayaala. Haddaba labadan oo ragganimadaas ku saaxiibay, haddana dalkaas Afrika Oogo marka Madaxyuubyada Shankaroontu ay tagaan waxaa looga baqaa inay ku soo xijaabtaan oo sanduuq lagaga soo rido, walow Madaxyuubkani waraabe ka caafimaad weynaa markuu meesha tegay, waxaase la socday saddexdii minister iyo marwadii Cigaal-ba xaqa ka celin kari waayay. Ciraaq oo Col hortii Coddaysay Ciraaqdii laba col isku qarxin jirtay ayuun baa casho dhowayd ceebteeda iska coddaysay oo u dareertay doorasho khasab ku kufriga ahayd ee inanka Maraykanka u asteeyay iyadoo dalkaas ay ka socdaan banbaanayaashii biilka ahaa ee Maraykanka lala beegsan jiray, ayaa haddana badi Ciraaqiyiintii cadhaysnayd sanaadiiqda ku hormaday. Shiicadii xukunkii hore ag fadhiyi jirtay ayaa u tartamay Xamiid Karasaaniyada xukunka Ciraaq ee xilligan. Al-Sarqaawiyadii is xariifin jiray ayaa iyagu bambaane yar oo keliya ku coddeeyay, waxaana loo dhanaaneeyay inay dhabqiyaan doorashadaas gantaalka lagu hagayay. Buushkii bahashu ku jiqda ahayd ayaa isu bogay markuu arkay Ciraaqda ciyaal calawiyaynaysa. Doorashadani oo weli codadkii la xisaabinayo ayay dunida kalena doorasho u qaaday codbixin, waxaanay natiijadii noqotay argagixiso soo korodhay “Too much terrorismâ€. Gabay Suldaaniyo Cuqaaloow Sharcigii waa camcamiseene Caqligiyo waxaa idinka lumay Caadadii dhaqane Carfi waxaa lahaydeen Intaa cuudka dhaqayseene Camalkaa taqaaneen Ma yaal caasimadada’e Cimaamadaha waxa idinka riday Ciriq siyaaseede Halkii caawa laga guuray Baa maanta cugataane Rag carceeray oo jiitay baa Daba carowdaane Ma caamaa tihiin yoomkastaba Ways cabudhisaane Ciladahiinii baa farabatiyo Cabatin Kiiniyee Cawo iyo dharaar ma ka baxdaan Karin cidhiidhyoone Codkiina is-dhaaf-dhaafa oo Qaarba cayn yahaye Marka ciidan Somaliland Caadi laga doodo Ee nabadda curatiyo la qiro Calanka nuuraaya Inaan qaran cajiiba aan nahaan Wada caddaysaane Cadowna waa tilmaantaan Inaan looga cararaynee Cunto inaan idin suuliya Wayga caariya’e Markase midi cadhoodee Malaha ciniq yar loo diidoo Uu koonfur cudud moodo iyo Xamar cawaankeeda ee jeelka Lagu ciijiyaa Calafta tuurtuurtaane Markaasaa canbaaraynta culus Soo celcelisaane. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted February 4, 2005 radio ma qalloocshe qoraaladisa marar badan baan akhriyey, gabi ahaanna lama oran karo waa wax ila qosol ah ama shactiro udhaw, waa ceey socota, af lagaado miiran, af xumo ka buuxdo, radio ma qalloocshe inuu dadweynaha si ciyaartan ah ama kaftan ah wax u gaarsii buu leeyahay balse raadyaha wuu ku guul darreestay Quote Share this post Link to post Share on other sites