Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu gun battle between two religous group

Recommended Posts

Iska horimaad ay ku lug lahaayeen kooxo wadaado ah oo maanta ka dhacey Muqdisho

 

Muqdisho-17.May.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska horimaadkii maanta ka dhacey Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 2 Qof, isla markaana ay ku dhaawameen afar qof oo kale.

 

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeya awlaadii laba ka mid ah Culimadii ugu caanasanyed Qaadiriyada ayaa wuxuu ku aadanaa gacan ku haynta ama lahaanshaah lahaanshaha xerada loo yaqaan Xerada Sheekh Aadan Dheere oo ku taal Xaafada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo socdey in ku dhaw saacad ayaa keenay Dadweynaha xaafada ay ku taal xeradaasi oo ku fadhida dhul lagu qiyaasey 80 boos oo 20x20 ah ay si weyn uga argagaxeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Labada Kooxood oo la sheegay inay ahaayeen ilmihii ay kala dheleen Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Maxamed Faarax oo iyagu in mudo ah ku murmayey lahaanshaha xeradaas.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xiisadaas ay qabowdey duhurnimadii saacadu markii ay ahyed 2-dii duuhurinimo, waxaana xiisadan qaboojinteeda gacan ka geystey Kooxo Nabadjirayaal ah oo u xusul duubtey hakinta dagaalkan u dhaxeeya labadan meleeshiyo.

 

Xaalada ayaa iminka waxay u muuqata mid degan walow ay jirto dareen ah inaan la dhameyn muranka lahaanshaha xeradaas, taasi oo ubuc u ah dirirtan iyo mid kal hore sidan oo kale halkaasi uga dhacdey.

 

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this