Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu very quite since defeat of looters

Recommended Posts

Muqaawamadi oo la waayay meel ey mareen

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 21-November-2007

 

Mudo ku dhow sadex isbuuc ayaa waxaa la waayay meel ey jaan iyo cirib dhigeen kooxihii muqaawamada ee kasoo horjeeday dowladda federalka iyo ciidamada Itobiya ee had iyo goor weeraro gaadmo ah ku qaadi jiray fariisimada dowladda, gudoomiyayaasha gobolka, saldhigyada boliska iyo goobaha ey dagan yihiin ciidamada Itobiya ee ku sugan Muqdisho.

 

Kadib dagaaladadii ugu danbeeyay ee lagu hoobtay, galaaftayna qaar ka mid ah nolosha dad rayid ah ayaa waxaa laga waayay amaba ka hayaamay gabi ahaanba magaalada kooxahii la baxay "Muqaawinada" kuwaasoo ilaa iyo iminka ey dadka Muqdisho isweydiinayaan halka ey qabteen amaba talaabadan xigta ee ey damacsan yihiin.

 

Kooxahan oo had iyo goor lasoo baxa naqshado cusub mar ala markii lagaga guuleysto dagaalada fool ka foolka ah ayaa iminka loo badinayaa in gabi lagaga taqluusay awoodoodii kadib markii ey ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia ey galeen fariisimadoodii qarsoonaa ee ugu danbeeyay oo ahaa degmada Hodan iyo Suuqa Bakaaraha.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhibka iyo rabshadaha inta badan ey wadeen dad rayid ah una badnaa haween, caruur iyo dhalinyaro kuwaasoo ey gadaal ka riixayeen odayaashii mucaaradka ee beelaha ****** oo iminka u kala baxay mid baxsada oo lagu daba joogo iyo mid xabsi loo taxaabay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa iminka ah meel 100% sugan amaankeeda, waxaana gabi ahaanba joogsaday qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee magaalada joogtada uga socon jiray.

 

Kala haadka kooxaha "Muqaawamada" iyo odayaasha mucaaradka ****** ayaa yimid kadib markii uu gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere uu sheegay in magaalada laga qaban doono kooxahan isla markaan lagu kala baxayo maalmaha soo socda (Akhriso/Riix).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Xasan xaad oo ka gudbay Xadka Somalia iyo Kenya kadib markii ay baadi Goob xoogan u galeen Ciidamada DFS.

 

Kadib hawlgalo culus oo ay Ciidamada DFS ku baadi goobayeen Qarandiidka weyn Max'ed Xasan xaad oo uu maalmo ku dhuumaaleysanayey magaalada Muqdisho ayuu hada waxa uu u baxsaday dhanka Kenya.

 

Max'ed Xasan "Xaad" ayaa laga sheegay Magaalada Dhoobley,isagoo u sii gudbaya dhanka Kenya sida ay shabakadaan u sheegeen Dad Dhoobley jooga iyo Xubno ka tirsanaan jiray Xisbigoodii Qarandiidnimada ku dhisnaa.

 

Maxamed Xaad oo ku dhuumaaleysan jiray S/Bakaaraha iyo Black Sea ayaa waxey ugu dambeyn markii ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Nabad ilaaliyaasha la wareegen Goobihii ay qaska ka soo abaabuli jireen ,waxaana uu maciin biday in uu baxsadaa.

 

Mr"Xaad ayaa intii uu wadada ku jiray waxa uu telefoonka wareysi kusiiyey Idaacada IqK oo ku taala Caasimada waxaana uu u sheegay in hanjabaad Telefoon uu ka baxsanayo iyo baadi Goobka Ciidamada DFS.

 

Horey ayaa waxa loo xiray Qarandiidkii ka weynaa Xaad ee Axmed Diiriye oo hada ku jira Xabsi ku yaala Magaalada Baydhaba kadib borobagaan fara badan uu fidiyey intii aan la soo xirin, waxaana uu hada yahay Maxkamad suge sida uu sheegay Gudoomiyaha G/banadir max'ed Dhere

 

Xafiiska Warqabadka eeShabakada carmooyin.com Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this