Jacaylbaro Posted August 15, 2007 Hargeysa(Qaran)-Maayarka Caasimada Hargeysa Eng-Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa saaka daboolka ka qaaday in Dawlada Hoose ay wax ka badel ku samaaysan Dukumantigii Aqoonsiyada iyo Taysarooyinka ee ay bixin jireen. Maayarka Hargeysa Eng-xuseen Maxamuud Jaciir waxa uu sidaas ka sheegay mar uu saaka ka qeyb-galay Xaflad loo sameeyay Soo Bandhigista Aqoonsiyada cusub ee ay Dawlada hoose ee Hargeysa hirgelisay,oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose,oo ay ka soo qeyb-galeen xoghayaha fulinta,Hawlwadeenada Xafiiska Aqoonsiyada iyo Gudoomiyaha Urur la yidhaahdo Somaliland Lions Co’operation Yaasiin Cumar Cabdi[Yaasiin Cumar-Yare] oo Dawlada hoose kala shaqeeyay Hawshan Aqoonsiyada cusub. Duqa Caasimada Hargeysa ayaa sheegay in Aqoonsiyadan Cusubi ay yihiin mid ku haboon wakhtigan casriga ah waxana uu yidhi “Aqoonsiyadan oo ah kuwo casri ah oo kombuyuutaralaysidh ah,waana qaar balaastik ah oo tayadoodu aad u wanaagsan tahay”. “Waxa kale oo Aqoonsiyadani waxtarkoodu uu muuqan doonaa doorashooyinka soo socda marka muwaadiniinta Codbixiyeyaasha ahi qaadanayaan”ayuu intaas raaciyay Eng.Jiciir. Yaasiin Cumar Cabdi [Yaasiin Cumar-Yare] oo ka mid ah qurba jooga Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa Ururkiisa oo la yidhaahdo Somaliland Lions Co’operation ay Dawlada hoose qandaraas ku siisay soo diyaarinta Dukumantiga Aqoonsigan cusub,ayaa hadal uu xafladaas ka jeediyay kaga waramay qarada iyo tayada aqoonsigan cusub oo uu sheegay inuu yahay mid casri ah. Waxa kale oo uu sheegay in hawlwadeenada Xafiiska aqoonsiyada dawlada Hoose ee Magaalada hargeysa ay u tababaran yihiin sidii ay ugu shaqayn lahaayeen dukumantigan cusub. Sidoo kale waxa Xafladaas ka hadlay Xoghayaha Fulinta D/hoose Maxamed Nuur. Quote Share this post Link to post Share on other sites