General Duke Posted August 4, 2005 Wasiiru dowle ku feker ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho joogay oo Gaaray magaalada Jowhar August 4, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa xalay gaaray magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, isla markaasna fariisin kmg-ah u ah dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Maxamed Jaamac furux oo wasiiru dowlaha Wasaarada gaadiidka iyo dekedaha iyo xubno la socdey. Warar kala duwan ayaa ka soo Baxaya ujeedada socdaalka xubnahan oo markii hore ku feker ahaa xubnaha labada gole ee dowlada federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho, Waxayna Wararka qaar sheegayaan in Furux iyo xubnaha la socda ay siyaasadooda u wareejiyeen magaalada Jowhar. Maxamed Jaamac Furux oo xalay saaxafada Muqdisho ay xiriiro kala gaar gaar ah la sameysay ayaa sheegay in uu ka mid yihiin deegaanka Cadaado, isaga oo sheegay in ay Muqdisho uga dambeysay 19/07/05, wuxuuna tilmaamay in uu halkaasi u tagay arrimo uu sheegay in ay yihiin dano u qaas ah. Furux ayaa mudooyinkii u dambeeyay, intii uu joogay Magaalada Muqdisho hadalo uu bixiyay ku weeraray qaabkii loo wajahayay howlihii isbaaro qaadista ee laga wadey magaalada Muqdisho, isaga oo dhowr jeer ka baxay kulamo ay lahaayeen wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites