Sign in to follow this  
General Duke

Furux arrives in Jowhar -

Recommended Posts

Wasiiru dowle ku feker ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho joogay oo Gaaray magaalada Jowhar

 

August 4, 2005

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaa xalay gaaray magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, isla markaasna fariisin kmg-ah u ah dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Maxamed Jaamac furux oo wasiiru dowlaha Wasaarada gaadiidka iyo dekedaha iyo xubno la socdey.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo Baxaya ujeedada socdaalka xubnahan oo markii hore ku feker ahaa xubnaha labada gole ee dowlada federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho, Waxayna Wararka qaar sheegayaan in Furux iyo xubnaha la socda ay siyaasadooda u wareejiyeen magaalada Jowhar.

 

Maxamed Jaamac Furux oo xalay saaxafada Muqdisho ay xiriiro kala gaar gaar ah la sameysay ayaa sheegay in uu ka mid yihiin deegaanka Cadaado, isaga oo sheegay in ay Muqdisho uga dambeysay 19/07/05, wuxuuna tilmaamay in uu halkaasi u tagay arrimo uu sheegay in ay yihiin dano u qaas ah.

 

Furux ayaa mudooyinkii u dambeeyay, intii uu joogay Magaalada Muqdisho hadalo uu bixiyay ku weeraray qaabkii loo wajahayay howlihii isbaaro qaadista ee laga wadey magaalada Muqdisho, isaga oo dhowr jeer ka baxay kulamo ay lahaayeen wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this