Jacaylbaro Posted June 30, 2007 Jun 28 2007 - Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamuud Suufi Muxumed ayaa shir diini ah oo lagaga doodayo Aragtida Diintu ka qabto Talaalka oo ay ka soo qaybgaleen Lixdan Xubnood oo culimodiinka Gobolada Dalka,Masuuliyiin W/caafimaadka ah,iyo Saraakiil ka socda Hayadaha Unicef iyo Who,ka furay Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco. Wasiirka oo hadlay Furitaankii Doodaas ayaa sheegay inaan Culimadu diidanaeyn in lays daweeyo laakiin marka wax la sheegayo way jirtaa in lakala shakiyo “Ma,Qabo nin culimo sheeganayaa diidan yahay ha lays daweeyo,Laakiin marka wax la sheegayo way jirtaa in lakala shakiyo,haseyeeshee wax culimo u gaar ahi ma jirto”Ayuu Wasiirku yidhi. Waxa Wasiirku intaas ku daray in shirkani yahay mid shaki saara,Sidaasdarteed Culimo iyoDhakhaatiirba waynu wada joognaa ee dhankay ka baxdaa waa bakaylo qaleen. Agaasimaha Guud ee Wasaarda Caafimaadka Anwar Maxamed Cige ayaa Isaguna tilmaamay in Arintani inagu noqotay Aafo Qaran,dhibaatada ugu weynina ee Burco ka hortaagan Talaalka ay yihiin Wadaada,Haseyeeshee waxa loo baahan yahay Maanta haday Culimadii joogaan Diiniyan khatarta uu u leeyahay Talaalku Bulshada la cadeeyo ,hadii kale aad joojisaan Borobagaandada. Badhasaabka G/togdheer Cabdi Xuseen ayaa Kulankaa ka sheegay in Burco had iyo jeer lagu sheego inay meesha kaliya ee uu ku jiro cudurka dabayshu,waxa u ka dhaqaaqi waayayna talaalku ay yihiin Wadaadada markaa bal maanta ha la cadeeyo dhibaatada uu leeyahay. Sh.Ismaaciil Dheeg oo ka mida Culimada Somaliland ayaa kulankaa ka Cadeeyay in haday jirto cid si dhaba oo cilmiyaysan u og dhibaatada iyo waxyeelada uu xambaarsan yahay Talaalku ha soo bandhigto angaaba Raacaynee. Cabdi Gurey oo ah Sarkaal ka socday WHO oo doodkulameedkaas ka hadlaya ayaa yidhi ‘Yoolka waxaan saaraynaa Cidhibtirka Cudurka Dabaysha,inkastoo dareen ay Abuurtay Dhacdii Liibiya iyo Najeeriya ee la yidhi waxa lagu talaalay Caruur Aids” .Waxa uu intaas ku daray waxaad moodaa in wadanka ay ka jirto Isgiijin dhinaca talaalka oo sabab ay u tahay Dacaayada laga fidiyay. Sidoo kale Cawil oo ka socday Hayada Unicef,ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedad Kulanka waxaanu sheegay inay tahay in laysla fahmo Culimo iyo Caamaba aragtida Islaamka ee talaalka,in Culimadu ka soo jeediso Aragtida iyo inuu waafaqsan yahay diinta,iyo Qaraar laga soo saaro gabagabada shirka,Fariintada ay qaadaan Culimadu oo gaadhsiiyaan Dadweynaha. Doodan oo socondoonta Mudo laba Maalmood ah ayaa ah markii u horeysay ee la qabto mid nooceeda ah balse Madasha Doodan diiniga ahi ka socotay ayaaanay ka dhex muuqan Wadaadii dhalinyarada ahayd ee sida weyn had iyo jeer u dhaliili jiray Talaalka. Here Quote Share this post Link to post Share on other sites