General Duke Posted March 2, 2010 Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay March 2, 2010Qisadan waa mid ka yaabisey qofkasta, waxaana qorey Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, waxaana u soo daabacney in waalidiinta caruurtu ay ku baraarugaan falalka naxdinta leh ee hareerahooda ka dhacaaya: Kufsigii ugu naxdinta iyo yaabka badnaa ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii la faraxumeeyey gabadh yar oo jirta 7 bilood iyo wiil ay walaalo yihiin oo isagana da’diisu tahay laba sanno iyo badh. Labada carruur ah ee la faraxumeeyey oo falkaas axmaqnimada ah dhaawacyo culus ka soo gaadheen oo hadda lagu daaweynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, aya sida la sheegay waxa arrintaas ciidammada boolisku u qabqabteen dhawr nin oo lagu xadhiidhinayo inay ka dambeeyeen falka cadowtinimada ah ee lagula kacay ubadka saqiirka ah. Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana madax ka ah qaybta baadhista iyo la socoshada tacadiyada ka dhasha kufsiyada Mr. Axmed Daahir Aadan oo koox weriyeyaal ah shalay subax kula kulmeen gudaha cusbitaalka, ayaa xaqiijiyey in carruurtaas yaryar ee walaalaha ah lagula kacay faraxumayn cadowtinimo waxyeello weyn ka soo gaadhay. Mr. Axmed Daahir waxa uu xusay in falkani yahay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faraxumeeyo wiilka iyo gabadhan walaalaha ah oo noqonaya carruurtii ugu da’da yaraa taariikhda ee soo mara Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Agaasimuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wiilka iyo gabadha walaalaha ah oo cusbitaalka la geeyey Jimcihii toddobaadkan loo geystay kufsi dhaawacyo culus ka soo gaadheen labadoodaba, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay sii kordhiyaan falalka kufsiyada ah ee ka dhaca caasimadda Hargeysa. “Arrinta kufsigu waa wax si weyn inoogu soo kordhaya, waxyaabo aynaan dhaqan u lahayn, waxaabaynu maraynaa maanta in carruur yaryar oo 7 bilood jira in la keeno cusbitaalka oo kufsi loo gaystay, waa laba carruur ah oo walaalo ah oo gabadh 7 bilood jirta iyo wiil laba sanno iyo badh jira, waxaana loo gaystay dhibtaasi oo ka muuqata, waxaanay iminka yaalaan cusbitaalka oo la keenay Jimcihii. Way jiraan kufsiyada noocan ahi oo waxa la arkay 3 sanno, 7 sanno , laakiin dhacdadani waa da’dii ugu yarayd. Waxaannu codsanaynaa in la sameeyo wacyigelin fara badan, gaar ahaan warbaahintu, waa arrin aan loo dulqaadan karayn oo carruur aad u da yar ayaa la keenayaa, waxaanan qabaa in carruurnimada aanay waxba sheegi karin lagaga faa’iidaysanayo,” ayuu yidhi Dr. Axmed Daahir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan maqli jiray inanka geel jiraha ah oo caano ka dhergay ayaa wax samayn jiray, kadibna dalkaba wuu ka tagi jiray oo wuu baxsan jiray, iminka qofkii dhibtaa gaystay ayaa is difaacaya oo mararka qaarkood lagu odhanayaa waxba kama jiraan.” Agaasimuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey xafiis loogu talogalay inuu ka shaqeeyo falalka kufsiga oo laga sameeyey cusbitaalka Guud dhexdiisa, kaas oo hadda gacanta ku haya falka kufsiga ah ee loo gaystay labada carruur ah ee yar yar. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafiiska SARC waxa loo sameeyey inuu ka shaqeeyo arrimaha kufsiga, gaar ahaan dumarka oo loo keenay hablo baadhitaan ku sameeya, waxaana iska shaakada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP. Runtii xafiiskani waxaad moodaa inuu faa’iido badan leeyahay, waayo qofkii dumarka ahayd qof la jinsi ah ayaa waraysanaysa oo qaadaysa oo maxkamadda gaynaysa. Dadweynahana waxaannu ku dhiirigelinaynaa cidii dhibtaa la kulanta inay xafiiskan yimaadaan oo ay ka helayaan caafimaadkii, booliskii iyo baadhitaankiiba, waxaannu xafiisku ku dhexyaalaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa.” Inkasta oo aan ilaa hadda xogo sugan laga hayn sida uu u dhacay falka axmaqnimada iyo nacasnimada leh ee lagula kacay ubadkaas iyo cidda fulisay toona, haddana sida aabbaha carruurtaas iyo adeerkood oo shalay ku sugnaa gudaha cusbitaalka Guud u sheegeen suxufiyiinta labadan carruurta ah oo ka soo jeeda qoys kala tegay, waxa faraxumaynta lagula kacay xilli ay gacanta ku haysay hooyadood oo sida la sheegay badhtamihii toddobaadkii hore kala soo wareegtay ayeydood aabbo o haysay, balse afar maalmood kadib markale hooyadood dib ugu celisay gacanta ayeydood, isla markaana ku wargelisay in carruurtu xannuunsanayaan, una raadinayso daawooyin dhakhtar u soo qoray, laakiin aanay dib ugu soo noqon ilaa hadda. Waxa kale oo ilahaasi xuseen in markii ayeydood ka dareentay carruurta xaalad caafimaad-darro iyo oohin aan joogsi lahayn darteed isku dayday inay baadhis dhinaca jidhka ah ku samayso kadibna ku baraarugtay dhaawacyo culus oo ku yaal labada ubad ah, dabadeedna ula carartay dhinaca cusbitaalka, sidaana lagu ogaaday in waxyeellada soo gaadhay carruurtaasi ka dhalatay faraxumayn aan weli la caddayn siday u dhacday iyo cidda geysatay midna. Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen waxa falkaas u xidhxidhan dhawr nin oo lagu tuhunsan yahay masuuliyadda tallaabadaas yaxyaxa iyo foolxumada leh ee lagula kacay gabadha toddobada bilood jirtay iyo wiilka yar oo isagana da’diisa lagu sheegay laba sano iyo badh. Dhacdadan la yaabka leh, ayaa dad badan ku abuurtay argagax iyo fajiciso maskaxdooda ka dhaadhiciwayday, marka lo eego da’da carruurta la faraxumeeyey oo ah kuwo aanay weligood xataa ku riyoon in wiil rag u hunguroodo. Geesta kale, saraakiisha laanta baadhista dambiyada ciidanka booliska (CID-da) oo sida la sheegay iyagu gacanta ku haya eedaysanayaasha u xidhxidhan falkan oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno xalay cawayskii si wax looga waydiiyo xogaha la xidhiidha faraxumaynta lagu kacay walaalaha abaydinka ah iyo cidda lo ohayo, ayaanay noo suurtogelin. Xigasho: Jamhuuriya Newspaper Quote Share this post Link to post Share on other sites