Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Sheriff Government soldeirs shoot at each other near presidency

Recommended Posts

=Ciidamo Ka Tirsan Dowladda KMG Oo Isku Rasaaseeyay Agagaarka Xarunta

 

Madaxtooyada Muqdisho

 

 

 

 

 

Barqanimadii maanta ayaa agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa isku rasaaseeyay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Israsaaseyntaas oo u dhexeysay ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari oo Boolis ah, Labo kalena oo labada dhinac ka kala tirsan dhaawac ayaa ka soo gaaray.

 

 

 

Sida warku sheegayo is rasaaseynta dhex martay ciidamadaas ayaa timid kadib markii muran uu dhex maray Labo askari oo ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Milateriga kadibna ay bilaabeen inay hub isu qaataan, iyadoo ciidamo u kala hiilinaya ay la soo kala safteen sidaasina is rasaaseyntu ku timid.

 

 

 

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa kala dhex galay ciidamadii halkaasi isku rasaaseeyay, waxaana la sheegay in labadii askari ee dirirtu ka bilaabatay xabsi la dhigay.

 

Iska horimaadkaa ayaa sababay daqiiqadihii uu socday hakad ku yimid isu socodka gaadiidka dadwaynaha iyo ganacsiga ka jiray nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

 

 

Wariye Dalmar

 

hadhwanaagnews

 

Mogadishu - Somalia

 

muqdishonews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this