General Duke Posted May 13, 2008 Yaa dilay Sheekh Saciid Yaxye? 13 May 13, 2008 - 6:47:16 AM Iyadoo dabayaaqadii bishii hore [21 April, 2008] lagu dilay Sheekh Saciid Yaxye Masjid lagu magacaabo Al-hidaaya oo uu Imaam ka ahaa kuna yaalla xaafadda Waxara-cadde ee Degmada Huriwaa; ayaa warar soo baxaya waxay dilkiisa ku eedeynayaan inay ka dambeeyeen xoogagga dagaallada kala horjeeda DF iyo ciidamada Ethiopia. Allaha u raxmadee Sheekh Saciid Yaxye ayaa la sheegay in dhowr xabbadood laabta looga dhuftay taasna ay keentay inuu dhinto, waxaana goobjooge ka mid ahaa ardaydiisa uu u sheegay Warsidaha Garowe Online in dilkiisa uu ka dambeeyay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan mucaaradka DF. "Sheekha iyo Aniga ayaa mar qura wada nimid Albaabka oo si xooggan loo garaacayay, waxaan ka eegnay meel duleesha oo ka mid ah albaabka weyn ee Masjid, waxaan aragnay dhallinyaro hubeysan oo ay cabsi ka muuqato wajiyadooda, dabadeedna sheekhu wuxuu furay Albaabka" ayuu yiri ardaygaan u warramayay Warsidahan oo ahaa goobjoogihii xiliga dalka dilka uu dhacayay. Wuxuu sheegay in Sheekha iyo kooxaha hubeysan uu muran aad u badan dhex maray, kaasoo ku saabsanaa inaan la ogoleyn in majidka hub lala galo, "Mid ka mid ah raggii watay kooxahaas ayaa ku dhawaaqay kalimadda ah "WAA GAAL EE HALA DILO" sidaa daraadeed Sheekha waxaa lagu dhuftay dhowr xabbadood oo uu u dhintay" ayuu yiri ruuxaan goobjoogaha ah. Dilka Sheekh Saciid Yaxye ayaa dhaliyay muran weyn iyadoo ay isku eedeeyeen dilkaan DF iyo mucaaradka ka horjeeda, waxaase guddoomiyaha Gobolka Banaadir Max'ed Dheere oo la hadlay saxaafadda dilkaas kaddib uu sheegay in wararka uu helay ay tibaaxayaan in Sheekha ay toogteen Mucaaradka DF. Garowe Online ayaa weydiisay ardayga aan warkaan ka helay su'aal ahayd; Sideed ku xaqiijinaysaa inay mucaaradku toogteen Sheekha, maadaama ay wararki hore sheegeen in Sheekha iyo dhowr culumo oo kale ay toogteen ciidamada Ethiopai qaarkoodna la bireeyay? wuxuuna ku jawaabay. "Taas waa been... taas waa been... taas waa been... Aniga ayaa la joogay Sheekha markii la tooganayay, haddii aan si cad u sheegi lahaanna waxaan ka baqay inay i beegsadaan kooxaha ka horjeeda Dowlada. Sheekh Saciid Yaxye ayaa ahaa madaxii Tabliiqa Somalia, waxaana dilkiisa uu caro weyn geliyay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, iyadoo lagu aasay Marxuumka gudaha Masjidka Al-hidaaya oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde ee Degmada Huriwaa. Garowe Online, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites