Sign in to follow this  
General Duke

US General we will support + Dr Rice Ghelle+ other news

Recommended Posts

Djabouti: Ciidanka Ameerikaanka ee Ilaaliya xeebaha Soomaaliya oo sheegay Inay Caawinayaan Soomaaliya, Maxayse tahay Caawintaasi?

 

Djabouti (AllPuntland)- Ciidanka Ameerikaanka ah ee kusugan xeeabaha bariga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya ka caawinayaan dhinacyo kala duwan si ay unoqoto dawlad waxqabsata.

 

Major: Gen: Samuel Helland oo ah madaxa ciidanka isku dhafta ah ee ilaaliya xeebaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Ameerikaanku caawinayaan wadamad dariska la ah Soomaaliya si ay wadamadaasina ay ilgaara ugu hayaan xeebaha dalka Soomaaliya oo ay dhici karto kooxo Argagixiso oo kasoo jeeda dalalka Pakistan iyo Afganistan inay hoyi usoo doontaan Soomaaliya.

 

Mr: Helleand wuxuu sheegay in Badda Soomaaliya ay tahay meel aan cidina maamulin mar uu magaalada Jabouti ugu waramayay wakaaladda wararka ee Associated Press.

 

" Soomaaliya oo muddo saddexsano ah dibad joog ku ahayd dalka Kenya waxay u baahantahay in la caawiyo si ay usoo celiso kala danbayntii iyo nidaamkii jiray'" sidaasi waxaa yiri Mr Maj. Gen Samuel Helland..

 

 

 

Ayadoo dawladaha Uganda iyo Suudaan ciidamo ay keeni lahaayeen Soomaaliya la ansixiyay tiradooduna ay yartahay ayaa hadana raysulwasaaraha Ethiophia uu sheegay in magaalada Muqdisho kooxo argogixiso ay ka hawlgalaan.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti: Mareykanka iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya iyo Warar Caalamku wuxuu ka yiri arimaha Soomaaliya

- Saturday, May 14, 2005 at 13:07

 

Jabuuti (AllPuntland)- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo socdaal ku maraya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa galabta xafiiska Wasaaradda Arimaha Dibada kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mrs. Condoleza Rice.

 

 

 

Madaxweynaha iyo xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka ayaa qodobadii ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah arimaha dalka Soomaaliya iyo hannaankeeda geeddi socod nabadeed.

 

 

 

Mrs. Condoleza Rice waxay ugu hambalyeysay Madaxweynaha guushii doorashadiisa ee tartankii madaxtinimo, taasoo ay ku tilmaamtay iney aheyd doorasho ku dhacdday si xaq ah, waxayna Madaxweyne Geelle ku amaantay hanaankiisa Siyaasadeed ee uu ku hoggaamiyay Jabuuti.

 

 

 

Waxay kaloo amaantay Xoghayaha Arimaha Dibada Mrs. Condoleza Rice xiriirka Mareykanka iyo Jabuuti oo ay ku tilmaamay inuu marayo heerkii ugu fiicnaa, waxayse ku dhaliishay Madaxweyne Geelle mowqifka Madaxweynaha ee ku aadans habka Siyaasad waarta looga helayo arimaha gobolka Daar Fuur ee dalka Suudaan.

 

 

 

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale Hotelka uu degan ku qaabilay Madax kala duwan oo ka socday Hey’addo iyo shirkaddo.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adis Ababa: Ra’iisul Wasaarahe Geeddi oo soo dhoweeyay go’aanka Midowga Afrika Ee Shalay ku gaareen Adis Ababa

 

Adis Ababa (AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa soo dhoweeyay go’aankii shalay ee Midowga Afrika ku gaareen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wsaaraha oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Adis Ababa ayaa soo dhoweeyay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalalka Suudaan iyo Ugandha ee imaanaya dalka isagoo sheegay in go’aanka kasoo baxay Midowga Afrika uu yahay heshiis ay wada gaareen dalalka ku bahoobay Midowga Afrika, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada geynta Soomaaliya ay ka bilaaban doonto magaalada Muqdisho.

Raq’iisul Wasaaraha waxaa uu intaa ku daray in xukuumaddiisa sida ugu dhaqsiyaha badan u guuri doonto gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Baydhaba.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this