Cowke Posted June 20, 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu dhawaan si rasmi ah ufurmay kal-fadhigii 24-aad ee golaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa u bilowday 15-cisho oo fasax ah kuwaas oo ay xildhibaanadu Wacyigelin & xoojin maamulada Iyo shucuubta gobolada ay kasoo jeedaan ugu bexeen. Xildhibaanadan oo intoodabadana uu midkasta u baxay gobolka uu kasoojeedo,waxaana ay raxanraxan u tageen gobolada Mudug,Bari,Karkaar & SSC,halkaas oo ay meelo kamid ah dhibaatooyin xaga shaqooyinka & Amaanka ahi ka taagan tahay,waxaana xildhibaanadan ay sidoo kale aadeen gobolada ku dhow Xuduudka Soomaaliland oo ay Maamulka Hargaysa dhawaan kusoo xadgudbeen. Qaarkatirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa APL u sheegey in gobolada SSC sigaar ah isha loogu haynayo maadaama ay halkaas dhawaan ka dhaceen dagaalo kala duwan,islamarkaasna waxay xildhibaanadu sheegeen in meelo kamid ah goboladaas oo ay Soomaaliland keentay sanaadiikhda Doorashooyinka ay ishortaagidoonaan,xiliga doorashooyinka Soomaaliland. Sidoo kale xildhibaanadani waxay APL u sheegeen ay ka qeybqaadan doonaan isfahansiinta shacabka gobolada ay kasoo jeedaan & Maamuladooda si amaanka looga wada shaqeeyo,waxayna sheegeen in ay qorshayaasha 15-kacisho ee fasaxooda ah ay ku jiridoonaan ogaanshaha hiirarka maamul ee gobolada Puntland. Todobaadkii tagay dhamaadkiisa ayaa waxaa si toos ah ufurmay kal-fadhigii 24-aad ee golaha wakiilada dawlada Puntland,waxaana ay xildhibaanadu islamarkiiba galeen fasax 15-cisho ah oo ku eg 1-da bisha Luulyo,waxaana fasaxoodan lagu sheegey inay ka qeybqaadanayaan hor'umarin maamulka Puntland & sidii ay gacan usiin lahaayeen golaha fulinta (Xukuumada) ee Puntland,sidoo kalena waxay ka qeybqaadanayaan maalmaha Xuriyada ee Soomaaliya. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites