Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Health Ministers Returns From All-Africa Tour And Gives Press Conference

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Ka Warbixiyay Safar Shaqo Oo Uu Ku Tagey Dhowr Wadan Oo Afrika Ku Yaal.

 

Published on: October 15,2009 Garowe Time 7:28 pm

 

Gaalkacyo (RBC):- Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tagey dhowr wadan oo ka tirsan Qaarada Afrika.

 

Dr. Biixi ayaa ka sheekeeyay safarkii uu ku kala baxshey dhowr wadan oo Afrikaan ah, isagoo sheegay in wadamada uu tagey ay ka mid ahaayeen Cameroon iyo Kenya, kuwaasi oo uu ku soo galay kulamo uu la qaatey hay’ado caalami ah oo caafimaadka ka shaqeeya iyo madaxda dalalkaasi ee dhinaca caafimaadka.

 

“Waxaan galay ilaa iyo 3 Shir oo ku saabsan Caafimaadka Aduunka oo aan kaga qeyb galay wadamada Kenya iyo Cameroon, ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi.

 

Mar uu ka hadlayay Wasiirka Caafimaadka Puntland waxa uga soo qabsoomay kulamadaasi oo la taaban karo ayuu sheegay in uu balan qaadyo caafimaadka ku saabsan dawladiisu ka heshay Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO, iyo sidoo kale Dawladaha Yemen iyo Sudan oo ah dawlado taageera Soomaaliya, Puntland na xiriir wanaagsan ay leeyihiin.

 

Dr. Biixi waxaa uu si gaar ah u xusay in uu soo dhameeyay sanadkan in Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ay balan qaaday in sanadkan ay Dawlada Puntland ka caawin doonto Talaalka ka hortaga cudurka Hargabka Doofaarka dadka aadaya Sucuudi Carabiya si ay u soo gutaan Xajka iyaga oo caafimaad qabana ay dalka dib ugu soo laabtan si aysan wadamada ay aadayaan aysan uga soo qaadin fayruska cudurkaasi.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu intaa ku daray in uu soo helay deeq ka timid dhinaca iyo wadanka Talyaaniga oo ah mid dib loogu habeynayo Isbitaalka weyn ee caasimada Puntland ee Garowe, waxaana arintaasi ay ka dambeysay sida Wasiirku sheegay kadib markii uu kulan dheer la qaatay Safiirka Dawlada Talyaaniga u fadhiya wadanka Kenya.

 

Dr. Bashiir Cali Biixi Wasiirka Caafimaadka

 

Puntland ayaa ugu dambeyntii ka waramay Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo uu sheegay in uu ka jiro dayac baahsan, isagoo intaa ku daray inuu wada hadal la galay Hay’adii MSF Holland ee horay uga howlgali jirtay Isbitaalka, wada hadal dheer ka dib na ay isla ogolaadeen in ay dib ugu soo laabato Gaalkacyo kana howlgasho Isbitaalka, taasi oo ay ka aqbaleen Wasiirka, haatana ay wadaan saraakiisha Hay’adaasi dhowr Barnaamij oo shaqooyinkooda kamid ah.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

RBC Radio Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this