Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ururka Khubarada Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (Qaran news)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, Md Cali Ibraahim Maxamed (San-yare) ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay kaga dhawaaqayeen ururka khuburadda farsamo ee Somaliland samaynta web-site cusub oo caalami ah oo uu yeelan doono ururkani.

 

Xafladan oo lagu qabtay hotelka Impriel ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay wasiirada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Md Siciid Sulub Maxamed, Arimaha Dibedda Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan, Aqoonyahano reer Somaliland ah iyo marti sharaf kale oo lagu macsuumay xaflada.

 

Xafladan ayaa u jeedadeedu waxay ahayd baahinta Web-site cusub oo ay samaysteen ururkani. Kaas oo ay ku baahin doonaan fikiradaha kale duwan ee aqoonyahanka reer Somaliland ee dalka dibediisa iyo gudihiisa ku kala sugan. Waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka khuburada farsamada Somaliland Mr Maxamed Saalax X Xasan, waxa uu sheegay ujeedada ka dambaysay samaynta ururka iyo Web-sitekiisaba ay ahayd sidii loo heli lahaa, aqoonyahanka Somaliland “Fikrada abuuritaanka ururkan waa mid ku salaysan baahida lagama maarmaanka ah ee aqoon cilmiyeed amase farsamo, taas oo ku dhaqankeeda dhabta ahi uu si hubaal ahaan ah u horseedi karo horumar dhinac kasta ee danaha bulshaddeena.

 

Gudoomiyuhu wuxu yidhi waa qiraal in Eebe inagu manaystay caqli aynu dannaheena ku maamulano, innaga oo waliba Eebe arintaa maamulka aduunwaynaha ugaga wakiil ah Islaamkuna inna farayo inaynu cilmiga geed dheer iyo mid gaabanba u fuulno, waxa iyana marag ma doon ah sida maanta bulshooyinka aduun waynuhu isku dhaafeen ee tii cilmi iyo farsamada casriga ah raacday ay u gaadheen horumar muuqda iyaga oo intii aan cilmi lahayni noqotay mid baahan oo kaalmo gar-gaar dibedeed ah ku nool” sida oo kale Waxa uu Gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in arinta aqoonyahanku marka ay noqotay mid lagama maarmaan ah uu Wasiirka Qorsheyntu horseedka noqday samaynta ururka khuburo farsamo ee Somaliland, “Isaga oo Wasiirku arintaa la soo qaaday dhawr aqoon-yahan oo ragii hore ah, fikradaas uu wasiirku soo jeediyeyna waxa loo arkay mid wax ku ool ah dawona u noqon karta hawl gelinta aqoon yahanka Somaliland oo hada camal la’aan ku dhexmilmay bulsho-weynta” ugu dambaytii waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in uu wasiirku magacaabay gudi ka kooban 7 xubnood oo arintaas soo darsa gudidaas oo hogaamiya ka dhabeynta fikradan “ Wasiirku Waxa uu abuuray gudi hogaamiye ka ah ka dhabeynta fikradan”.

 

Sida oo kale waxa isna halkaa ka hadlay oo soo xidhay xaflada Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md Cali Ibraahim Maxamed (San-yare) waxana uu wasiirku aad uga hadlay sida loogu baahan yahay in la helo aqoon yahan isku duuban oo reer Somaliland ah kuwaas oo ka taliya ama ka caawiya baahi yahay dalka soo food-saara waxa uu wasiirku xusay in ay jiraan khuburo farsamo oo la soo kiraysto marka loo baahdo kuwaas oo ay ka aqoon badan yihiin aqoonyahanka Somaliland u dhashay ama joogaa. Sida oo kale waxa uu wasiirku xusay si taas looga baxo ay wasaarada qorsheyn ahaan ay sameeyeen ururkan, waxana uu sheegay in uu ururkani yahay mid daaha ka rogay in ay aqoon-yahan ka Somaliland ay kulmaan islamarkaana ay ka wada hawl galaan horumarka dalka uu higsanaayo.

 

Ugu dambanytii waxa uu wasiirka qorsheynta qaranka Somaliland Md Cali san-yare shaaca ka qaaday in ay ururkan ka hadlayaan wixii ay u baahan yihiin ee dhinaca khuburada dhamaan hay’adaha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba waxa uu ugu baaqay in ay la soo xidhiidhaan ururkan islamarkaana ay ka daalacan karaan Web-Sitekooda kaas oo laga daalacanayo aalada casriga ah ee Inter-netka WWW. Somaliland Consultancy .Org waxa uu kuu Sahli doonaa sida ugu fudud ee aad ku heli karto shaqooyinka ka bannaanada hay’adaha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba iyaga oo ururku kuugu soo bandhigi doono wet-sitekan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think this was long overdue. The UN and other international organisation need to tap into the local knowledge base before they seek outsiders.

 

I think the government should enforce entry-visa refusal for outsiders unless the expertise is not available locally.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this