Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa u dhoofaya wadankaJabuuti

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa u dhoofaya wadanka Jabuuti si uu uga qeyb galo caleema saarka madaxweyne Geele.

May 06 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

Axmed Muuse Cabdulle. “Idaawaqaca†Nairobi, Kenya.

Axmeddheere65@hotmail.com

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed & wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa u dhoofaya wadanka Jabuuti, halkaa oo maalinka barito ah lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo shacabka Reer Jabuuti mar kale doorteen.

Dowlada Jabuuti & wadanka Soomaaliya oo ah labbo wadan oo saaxiiba wadaagana xuduud dheer oo ay labadda dal wadaagaan ka sokoow dhanka isirka, waxaa dalka Jabuuti lagu qabtey saddex shir Soomaaliyeed tan & bilowgii colaadaha wadanka Soomaaliya, shirkii Jabuuti 1shirkii Jabiuuti 2 iyo shirkii Carta ee lagu doortey Dr. Cabdi Qaasin Salaad Xasan .

Sidaa oo kale wadanka Jabuuti waxa uu ka mid yahay wadamada IGAD ee shirkii Soomaaliya ee lagu qabtey wadanka Kenya wax ka maamulayey, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka mid ahaa madaxdii Faraha badneyd ee goob jooga ka ahaa caleema saarkii Madaxweynaha Soomaaliya 14/10/2004

Waxaa ka mid ah Madaweynaha Soomaaliya wafdigiisa ku xigeenka ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha guddaha Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, wasiir ku xigeenka amniga qaranka C/Rashiid Maxamed Xidig iyo mas uuliyiin kale oo ka tirsan labadda gole.

Hore madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxa uu u booqday wadamo ka tirsan Jaamacada Carabta & Midowga Afrika, isagoo sidoo kale booqday dalka Soomaaliya Magaalooyin ka tirsan. Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida ayaa xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdulaahi Yuusuf ku eedeynaya iney ka gaabisay wax ka qabashada guddaha dalka Soomaaliya.

Iyagoo leh waa in xukuumadu aadaa wadanka Soomaaliya si shacabka Soomaaliyeed loogu soo celiyo xasiloonidii, midnimadii iyo wada noolaanshihii, xukuumaduna xarun ka dhigataa wadanka Soomaaliya xukuumada Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa tan & 10/10/2004 daganeyd Nairobi

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse ayaa gaarey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaaso uu kaga qeybgalayo xaflada caleema saarka madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele.

Gen. Cadde Muuse ayaa saaka 8:00 ka dagey garoonkad iyaaraha magaalada Jabuuti,sida uu HornAfrik u xaqiijiyey suxufiga lagu magacaabo Jibriil oo ku sugan magaalada Jabuui, halkaasoo la sheegay in casuumada uu ka helya Cadde Muuse.

Mr. Cadde Muse ayaa kusugnaa wadanka Imaaraatka CArabka waxaana ujeedada socdaalkiisa magaalada Jabuuti lagu micneeyey xaflada caleema saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo dhaceysa 07 bisha aynu jiro ee May oo ku beegan maalinta bari ah taasoo ay kasoo qeybgalayaan madax aad u far badan oo ka kaala socota wadmada afrika iyo kuwo kale oo caalamka ku yaala.

Xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Jabuuti ayaan aheyn mid wanaagsan xiligii lasoo dhisay xukuumadii KMG aheyd ee Carte lagu soo dhisay, iyadooi ntaana xiriirkaasi uu sii xumaanayey,, hase ahaatee mmudooyinan danbe ayaa waxaa jirey dadaalo ay sameynayaan mas’uuliinta Pntalnd kuwaasoo isku daya iney soo eliyaan kalsoonidii ka dhaxeysa iyaga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha DFKMG ah Soomaaliya oo safar uga ambabaxaya magaalada Nairobi

Nairobi-06.May.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya oo haatan fariisin u ah labada Golle ee DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi u hogaaminayo ay ka ambabaxi doonaan Magaalada Nairobi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka Ra'salwasaaraha ahna wasiirka arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Madaxweynaha.

Wariyaha Idaacada SBC ee Magaalada Nairobi Canab Mumtaaz ayaa soo sheegaysa in Madaxweynaha iyo wafdigan uu hogaaminayo ay magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti kaga qayb gali doonaan Caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku guuleystay markii labaad xafiiska Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii October 14-keedii 2004, wuxuu magaalada Nairobi kaga qayb galey xafladii lagu caleemo saarayey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo xiligaas Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya u doorteen Madaxweynaha Soomaaliya mudada 5-ta sano ee soo socota.

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this