Gabbal Posted May 12, 2005 Xildh.Zakariye Maxamuud X.Cabdi oo ku eedeeyey in Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah isku darsaday awoodiisii,tii guddoomiyaha baarlamaanka iyo middii Ra'iisal wasaaraha Posted to the Web May 12, 16:29 Nairobi:-Xildhibaan Zakariye Maxamuud X.Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FKMG ah oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Chester House oo ku yaal Magaalada Nairobi ayaa markii shirkaas jaraa'id dhamaaday waxaan wax ka weydiiyey arrimaha sababay qabashada shirkooda jaraa'id. Xildhibaan Zakariye ayaa waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee ay u qabteen shirka jaraa'id tahay inay ku muujiyaan sida ay sharci darro u tahay kulankii baarlamaanka ee shalay ka dhacay KICC(Nairobi),islamarkaasna Guddoomiyihii baarlamaanka oo jooga oo weliba iclaamiyey in Xildhibaanadu fadhi isugu yimaadaan 17ka bishaan May ayaa Madaxweynuhu si xukun marooqsi ah u qabtay shir,taasoo ah inqilaab ku dhacay Hay'adihii Dawladda,waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay Xildhibaanku in qayb ka tirsan baarlamaanka iyadoo uu xilli kulan qabtay guddoomiyaha baarlamaanka inay tagaan shirkaas oo ka qaybqaataan wax codayn lagu magacaabay o sharci darro ah. Xidhibaan Zakariye ayaa sheegay inay cayminayaan hay'adaha qaran ee mudada dheer halkan(Nairobi) loo fadhiyey si aan burbur ugu imaan,ciddii isku daydaana iyadaa burburaysa ayuu intaa raaciyey,isagoo ku eedeeyey Madaxweynaha inuu isku darsaday awooddiisii,tii Guddoomiyaha baarlamaanka iyo middii Ra'iisal Wasaaraha,"sidaa darteedna wixii shalay ka dhacay KICC Nairobi waxay ahayd waxba kama jiraan"ayuu yiri. Xidhibaanka ayaa sheegay inay Muqdisho u safrayaan baarlamaanka oo dhammi ,uuna cayimi doono guddoomiyuhu marka la baxayo,waxana uu intaa ku daray in kulankii ay baarlamaanku yeelan lahaayeen 17ka bishaan inuu ka dhici doono magaala madaxda Muqdisho. Isagoo ka jawaabayey su'aal ahayd qorshohooda ku wajahan marka ay Xamar tagaan iyo suurtagalnimada in lagu laabto magaala madaxda oo aan weli ammaan buuxaa ka jirin ayuu yiri"Waxaan bilaabaynaa hawlihii nalaga sugayey iyo dib u heshiisiintii,dhinaca ammaanka aad sheegaysidna dalka oo dhan iyo magaalada Muqdisho ayaa 15kii sano ee laga soo gudbey dagaallo ka jireen haatana hawlo lagu xasilinayo nabadgelyada magaalada ayaa socda oo kooxihii hubaysnaa waa laga saaray,mana jirayso ammaan darro ,xalkuna annaga ayuu noo yaalaa ee cid bannaanka ka timaadaa waxba nooma xallin karto ,Soomaaliya iyadaa dagaallantay ee ajnebi ma qabsan iyadaana xalkeeda gaari karta balse inta meelaha la soo warwareego inaan ciidamo dalkeennii u dalbanno wax xal ah laguma gaari doono". Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 12, 2005 Xildhibaano Shir Jaraa'id ku qabtay Nairobi,Xildhibaan Jinni-boqor "123 Xildhibaan bey ahaayeen xildhibaanadii shalay kulmay, C/llaahi Yuusuf-na Jabhadeyntiisii buu ku laabtay Nairobi Waxaa maanta shir Jaraa'id ku qabtay hotelka Chester house ee magaalada Nairobi xubno isugu jira xildhibaano & wasiiro ka soo horjeeda kulankii shalay qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanku ku yeesheen xarunta KCCT, ee ay ku go'aamiyeen in magaalooyinka Jowhar & Baydhabo ay dowladdu ku hakato, inta ay Muqdisho ka xasilinayaan ciidamo ka socda dalalka Yugandha & Suudaan. Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jini-boqor) oo ka mid ahaa xildhibaanadii shirkaasi jaraa'id wax ka qabtay ayaa sheegay in aanu sharci aheyn kulankii xildhibaanada baarlamaanku shalay yeesheen, isla markaana ujeedada laga lahaa ay aheyd wax iska cad. "123 Xildhibaan bey ahaayeen xildhibaanadii shalay kulmay, C/llaahi Yuusuf-na Jabhadeyntiisii buu ku laabtay, wuxuuna isku darsaday awoodihii madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka & ra'isul wasaaraha, Soomaaliduna maanta aragti siyaasadeed bey isku hayaan qabiil la iskuma hayo aniga & Shariif-ka isku qabiil ma nihi ee waxaan isku meel ka aragnay xalka & danta Qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiiri Jinni-boqor oo sheegay in shirkooda Jaraa'id ee ay qabteen maanta ay soo xaadireen sida uu sheegay 51-meeyo xildhibaan ayagoona halkaasi ku soo bandhigay Magacyada 103 xildhibaan oo ku maqan meel dibada ka ah wadanka Kenya halka 51 Xildhibaan magacyadooda "C/llaahi Yuusuf hadba waxa uu rabo midab-kooda ayuu yeeshaa, mana ahan nin sharciga ilaaliya, hadda kadibna wixii soo bixi doono Soomaaliyo & nasiibkeeda" ayuu yiri Jinni-boqor oo sheegay in dowladnimadii loo fadhiytey muddada labada sano & barka ah in uu fashilyey C/llaahi Yuusuf oo uu badda ku daray, sida uu sheegay. "Wixii la dhoodhoobay waxaa burburiyey C/llaahi Yusuuf, waana u dhammaatay isaga & xukuumadiisa" ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid, wuxuuna intaasi raaciyey in maalinta Sebtida ay Muqdisho soo gaarayaan, ayna u hogaansamayaan wixii uu shacabku ku taliyo. C/shakuur Cilmi Xasan Muqdisho-Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 12, 2005 Waxaa galabta kasoo baxey magaalada Nairobi ifafaalo muujinaya burbur ku yimid dowlada federaalka Soomaaliya oo muddo laba sano ah dhismaheeda ay ku hawlanaayeen Beesha Caalamka. May 11, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Cabdiqaadir Cashar Nadaara. Muqdisho, Soomaaliya. Waxaa galabta kasoo baxey magaalada Nairobi ifafaalo muujinaaya burbur ku yimid dowlada federaalka Soomaaliya, oo muddo laba sano ah dhismaheeda ay ku hawlanaayeen Beesha Caalamka. Todobbo bilood ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya ay madaxweyne udoorteen Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa galabta magaalada Nairoibi waxaa ka dhacey shir baarlamaanka Soomaaliya xubno katirsan ay isugu yimaadeen, kaasi oo natiijada kasoo baxdey noqotey mid niyadjab u keenta rajadii shacbiga Soomaaliay, kala tag ay adkaan doonto in mar kale la isugu keeno xubnaha iminka ku jira labadda gole dowladana horseedey. Ilaa “5†shan qeybood ayey dowladu u qeybsaneyd wixii ka danbeeyey 17 Maarso oo baarlamaanku uu go’aan ku gaarey in dalka Soomaaliya aan la keenin ciidamo kasocda safka hor, iyadoo laba qeybood oo shantaa ka mid ahna ay ku sugan yihin gobolada Baay iyo Bakool, iyadoo mid kamid ahna ay abaabuleyso iney mar kale ku qabsato magaalada Baydhabo halka qoladana ay sheegeen iney difaac ku jiraan, iyadoo qeybta saddexaadna ay ku sugan yihiin magaalada Muqdish, si ay nabdda caasimada uga shaqeeyaan. Labadda qeybood ee ku hartey magaalada Nairobi qeyb kamid ah ayaa go’aan ka gaartey aayaha ummadda, iyadoo xubno kusugan Nairobi ay sheegeen ama xubno ka tirsan xildhibaanada ka tirsan xildhibaanada ku sugan magaaalada Nairobi ayaa HornAfrik u sheegay in shirkii maanta Nairobi ka dhacey uu yahay mid si ula kac ah u wiiqaya musaqbalka iyo rajadii shacbiga Soomaaliyeed ay ka qabeen dhismaha dowlada federaalka Soomaaliya. Waxeyna ku eedeeyeen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi, iney isticmaaleen waxey ku tilmaameen awood aaney laheyn. Shirka baarlamaanka oo maanta la qabtey iyadoo magalaada Nairobi dhinac kamid ahna uu ku sugan yahay Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu u muuqanayaa inuu yahay mid si ula kac loogu tala galey in lagu kala diro xubnaha golayaasha dowlada, oo shacbiga Soomaaliyeed muddo ku dhow laba sanadood ay ka dhursugayeen. Madaxda dowlada ee falkan ku kacdey ayaa la sheegayaa ujeedada ugu weyn ee ay arritani u sameeyeen iney tahay in laga gaarsiiyo kulanta barito magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga furmaya xubnaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga iyo nabad gelyada, kuwaasi oo ka hadli doona xaalada Soomaaliya, iyo ciidamo geynta, iyadoo horey golahani uu u soo saarey go’aan uu ku aqbalayo in dalalka IGAD ay ciidamo u diraan Soomaaliya. Ra’iisal wasaare Geedi ayaa la filayaa caawa inuu u amba baxo magaalada Addis Ababa isagoo qorsheynaya inuu hordhigo golahaasi shirka bari yeelanaya baarlamaanka Soomaalida inuu aqbaley oo uu ogolaadey in dalka Soomaaliya ay tagaan ciidamo ka socda Midowga Afrika oo aan la kala saarin kuwo ka socda Jaamacada Carabta, iyadoo ugu horeyna hawsha ay qaban doonaan dalalka Yugaadha iyo Suudaan. Arrintani ayaa waxa ay soo baxeysaa xili wararka laga helayo saraakiisha dalka Yugandha ciidamadii ay usoo diri lahaayeen Soomaaliya ay dib udhigeen. Sida ay qortey wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa wakaalada wararka IRIN ee Qaramda Midoobey, oo iyana soo xiganeysa sargaal magaciisa la qariyey oo ku sugan magaalada Kambaala oo dalka Yugaandha. Sargaalkanu dhashay Yugaandha ayaa waxa uu sheegayaa in caqabado ay soo food saareen ciidamadii la doonayey in loo soo diro Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka hore ay tahay in la saxo qodobka diidaya in dal ka tirsan IGAD ciidamo IGAD ah loo diro, iyadoo taasina la qorsheynayo maalinta barita ah dalalka IGAD ee daneynaya arrinta Soomaalia iney qodobkaasi ku badalaan kulanka ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa. Waxaa sidoo kale qorshahani uu diidayaa in ciidamo IGAD ah ay yimaadaan iyadoo la sheegay in lala hadlo ay tahay marka hore dhinacyada dowlada, oo iyagu fekerkoodu uu aad u kala tagsan yahay. Dhamaan arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili ummadda Soomaaliyeed ay markii horaba aad uga niyad jabeen markii xubnaha dowlada ay kala qeyb qeyb sameen, waxaana iminka la isweydiinayaa halka ay ku danbeysay dowladii federaalka Soomaalya, oo mudo laba sano ah kharash lagu bixiyey Beesha Caalamkuna ay iminka ka fekereyso xaaladeeda. Quote Share this post Link to post Share on other sites