Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Gedo prepares for War ???

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaraya gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa sheegaya inay halkaas ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoggan ka dib markii ay soo if bexeen warar sheegaya in ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay u soo dhaqaaqeen dhanka gobolka Gedo.

 

 

Xoogagga islaamiyiinta ee gacanta ku haya gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa bilaabay diyaar garow xooggan oo ay uga horjeedaan gulufka dagaal oo ay wadaan ciidamo Sooomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo weerar ku soo ah gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

 

Ciidamada xoogagga islaamiga ee ku sugan Gedo iyo Jubbooyinka ayaa saaka heegan buuxa la galiyey, iyadoona ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan.

 

Saraakiisha xoogagga Islaamiga ah ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku goodiyey inay iska difaaci doonaan weerarada dagaal ee ku soo wajahan gobolka islamarkaana ay u diyaariyeen ciidamo fara badan oo ka hortaga weerarka.Ethiopianka iyo kuwa Somalida ee la socda

 

Sidoo kale magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya halkaas uu diyariyey ciidamo fara badan oo dagaal la gala ciidamada Soomaalida iyo Itoobiyaanka ka kooban ee ka soo socda degmada Doolow Itoobiya.

 

Si kastaba ha haatee waxaa laga cabsi qabaa dagaallo culus oo ka qarxa gobolka Gedo ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in degmada Doolow ay ka soo dhaqaajiyeen ciidamo Soomaali ah oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo weerar ku soo ah gobolada ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka dowladda ee gobolka Gedo ayaa qiray in iyaga iyo Ahlu Sunna Waljaamaca ay weerar ku soo yihiin degmooyinka ay gacanta ku hayaan xoogaga islaamiyiinta.

 

Afhayeenkii maamulka dowladda ee gobolka Gedo Barre Cabdi Barre ayaa qiray in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ciidamada dowladda ka wadaan degmada Doolow ee ay ku suganyihiin kuwaasi oo ku aadan dib ugu soo laabshada gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo haatan ay maamulaan xoogaga hubaysan.

 

Waxa uu sheegay in uu u soo dhamaaday tababar ciidamada dowladda islamarkaana ay doonayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen goboladaasi isagoona sheegay in ay wada hadal la galayaan xoogaga ka arimiya haatan hadii ay diidaan la dagaalamayaan.

 

Dhanka Madaxa Amaanka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo C/raxmaan Max’ed Cali ayaa waxaa uu sheegay in dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Maamulka dowladda uu yahay mid looga soo horjeedu amaanka iyo xasilo0onida ka jirta halkaasi laguna dhibaataynayo nabadda ay heystaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

 

Maamlmihii u dambeeyay ayaa waxaa laga soo sheegayay degmada Doolow oo ay gacanta ku hayaan maamulkii dowladda ee gobolada Gedo,Bay iyo Bakool in ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan kaasoo la sheegay in uu ku soo wajahanyahay deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

There will be no war inshallah.....Dhex dhaxaadin xoog leh a yaa socoto although the Shk Shariif's government are desperate to open up another front on Alshabaab but the locals in the Jubbooyinka area are resisting this and they had talks with both groups!

 

Ilaahay shartooda masaakiintaan haka duwo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this