Member-sol- Posted September 19, 2008 Maansada Danmooge waxay soo baxday 05/09/2008 oo ku aaddan 5tii bisha Ramadaan, sanadka 1429 ee Hijriyada. Maansadu waa digniin iyo waano ku socota, kooxo iyo shaqsiyaad howl ka dhigtay in ay si xishood darri ah xilalal iyo xoolo uga dhexbaarbaaraan, xinjiraha shacbiga ay cadowyadu isku soo xulufeysteen, xasuuqa ba’anna lagu hayo. Kooxahani, waxay sheeganayaan oo ay isku ekeysiinayaan: Siyaasiyiin, aqoonyahanno ilbax ah, ganacsato, gargaarayaal, warbaahiyeyaal, culimo-diineed, hoggaan-dhaqameed iwm. Waxay ku doodayaan in ay u danleeyihiin badbaadada umaddaan musiibadu ku habsatay. Laakiin, dhab ahaan kooxahaan damac-xumidu waashay, arrinkoodu waa mid sidaas wax badan oo badan ka duwan. Waa kuwo aan laheyn qalbi damqada iyo damiir xishooda. Diintii, dadkii iyo dalkiina waxay siisteen dufan yar oo lagu dulleystay. Waxaan Alle weyne ka baryaynaa inuu nagu garabgalo halganka aan ugu jirno difaaca diinteenna iyo jiritaankeenna, nagana guuleeyo cadowyada shisheeye ee isku soo ciidamiyay iyo calooshooda-u-shaqeysteyaasha sokeeye ee lagu adeegto . Waxaanan Rabbi weydiisaneynaa inuu nagu hanuuniyo dariiqa aan adduun iyo aakhiraba ku badbaadi karno. Maansada Danmooge waxay ku bilaabaneysaa: Danmooge Danmooge Danmooge Dannaa wax halleeyee Dardaarwerinteyda Dalqamid iyo sheeko Dacaayad ha moodin Inaan duro ruuxna Digasho uma jeedo How qaadan dabuubtu Qiimaad ka dudeyso Iney dahab joogto Dersigu lacag maahee Dulucda hadalkeyga Daqiiqad dhageyso Dulqaadna u yeelo. Danmooge Danmooge Daneyste addoonkii Duqowshaha baahan Dhallaan dubanaaye Hooyooyin la dooxay Duruucda ka siibte Dabbaabad cabbeysan Diyaarado miiga Danabka ololaaya Nacab aan dubnaxeynin Markuu ku duqeeyuu Ehelkii dabargooyo Siduu darajoobay Qabuuro degmoobay Dabbaaldeg korkooda Dunuub uga tookhe Damiirxumihiiyow Inaad tahay daallin Naftiis u darraadoo Dakane aan hareynin Deyn ay kula taallo Ku daabaco buugga. Danmooge danmooge Dambiilo walwaale Umadda darxumootoo Colaad dabadheer ah Diihaal iyo gaajo Daacuunka fidaaya Diiftoodu ku raagtay Bukaanka ****olan Dariiqyada meydka Hareeraha daadsan Asoon damqaneynin Sidii qof dalxiis ah Intuu filim duubto Ku raadsade doollar Deeqdii la yaboohee Darteed lagu keenay Iney danyar gaarto Haddaad ka duweysood Qasriyaad ku dakeyso Daar weyn ka sameysoo Ku diirso is leeday Habaarku ma daahee Nabsiga degdegaaya Inuu dubbihiisu Dhawaan ku dakhraayo Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Xaaraanta ku diilme Daqiiqda hallowday Cuntooyin dikhoobay Dawooyin la tuuray Alaab wada duug ah Daas geerida iibshoo Dukaan magacii leh Ku soo daldalaaye Duunyadii la dhaqaayay Duurjoogtadi howdka Doollina ma hambeeyoo Doonyaha ku cabbeeye Daaqii iyo cowska Dhirtii dambaseeye Daruuriga quudka Dalagga bi’inaaye Daroogana beeroo Dhulkii sun ku duuge Damalku harsanaayay Abooryahow diirtay Haddaad doqonkiiyow Maatida dacdarreysan Qasnado dif ka siisoo Ku doogso is leeday Inaad dab tacbeyso Dambaaburo naara Oo aad holac daacsan Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Diraaledireynta Digada hurinteeda Durbaanka colaadda Dig siinti ku noole Walaal diriraaya Dhiiggooda dullaaloo Duullaan u riyaaqe Duruusta naceybka Intii damman jaahil Dabaadi u meershe Duumoo idil faafshe Dabeylo wax qaada Duufaanta Sumaani Haddaad dalbaneysood Dabaashood jeclaatay Duqsaad la itaal tee Markuu hir dillaami Doxorow ku dharbaaxo Inaad ***** leedood Sidii dogob geed ah Fitnada ku dhex daadi Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Diktoornimo sheegte Mid deel aan aqoonnin Damiinkuna dhaame Inuu wax dabiiboo Dhibaatada dayro Daryeel ma haweyste Daashkuu ku barbaaray Waayeelka daciifee Duruuftu ku haysoo Dhankiisa dayaaya Wuxuu taro daaye Dedkii aqalkiisa Derinta uu ku jiifoo Darfaha ka dhamaatay Daasadda mirirkaa iyo Go’iisa dafaaye Degaanno shisheeye Markaad laba deyrood Doolaalo ku raagto Dameerta sideedii Darmaanno la daaqdoo Dirkeedi ka faantay Haddaad kuba dooddo Inaad tahay doorsan Diirkaada saluugto Diintaada dhaliisho Adeys deldelaayee Da’aadda gabowga Kolkaad doqoshowdoo Adoo dalanbaabyi Darbiyo cuskaneyso Markuu dibjir qooqan Intuu ku darbeeyoo Yiraa kugu daalnee Hadmaad dib u laaban? Dawanka dhawaqiisa Dayaca wehel kuu ah Dayowgiyo ciilka Dugsiimo la’aanta Dareenka xusuusta Ilmaad dibiq siiso Ku daafici meysee Dabbaalnimadaadu Iney ku dileysood Dugaag isku loogtay ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Dushaa sare Muumin Duceysan jilaaye Direys culumoodle Hoostana dibindaabyo Duul kale u adeegga Jihaad docwareenka Dariishad banneyta Siraha dusintooda Guureynta ma daaye Markuu digsi soora Diinnaarro u jeedo Dhareerku ka daate Dorraatiyo dhaartii Dastuurka ma dhowre Dibnaha dhaqdhaqaaqa Inaad digrineysood Quraanka dareerin Xadiisyo daliishan Kii daacad u haysta Haddaad ku dabeysood Shacbiga ku dageyso Inuu Daa’in weyne Ku daalacanaayo Malaa’ig diyaar ah Iney dambigaada Diiwaanno ku keydin Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Haddaan damacaadu Qalbiga daxaleynin Dhagaha lagu daarin Aragga dam la siinnood Dardaaran maqleyso Adoon waxba doobbin Bilaash digdigleynin Damoo bal su’aashan Jawaabna u doone Daaquudyadii jaanee Duqyaanka xaddhaafay Markuu duminaayay Dunida iney uumeen Darkood Rabbi sheegtay Xaggee u dambeysay? Danmooge Danmooge Qofkii dufan raacoo Xishood dabra waayaa Doofaar wax ma dhaamee Kuwii la dulleystee Dalkoodii khiyaamee Gumeysi dagaaga Uu daabbad ka yeeshay Duudkana ka raraayoo Si loo dallacsiiyo Da’dii ay dhaleeniyo Xitaa dumarkoodii Diyaafad u dhiibay Dayuusyadii waashoo Dacayga lagu jiidaa Ka dhaawacay daanka Xaggee u dambeysay? Danmooge Danmooge Dowdaryow la kireystoo Dalqadu ambineyso Ilaahey daraaddii Waan kuu digayaaye Adoon damdamleynin amaan dibguryaynin Intaan dadab iilka Duuduub lagu seexin Kuwii ku dufeeyiyo Shaydaanka wax duufsha Daraandarintoodu Waa dhaan Dabagaallee Ibleysyada dayri Dheh diiday shirqoolka Dirqinta ha ka yeelin Samaanna ka dooroo Dad waa khaldamaaye Dowgaad ku habowday Intaad dib u eegto Dalboo cafis raadso Khalqiga inta duusha Diinkiyo mid gurguurta Allaha dabbaraayee Darkii raxmaddiisa Nooluhu ka durduurtoo Degaan omosoobay Daruur barakeysan Xareed ka da’eysa Durdurro ku waraabshoo Durbaba ubax yaabloo Daa'uusku dhexjiifo Ka soo bixin doogga Docdiisa u jeeso Daahiri nafsaddaada Dadaalna la kaalay. ----------------------------- Maxamed C. Cibaar Quote Share this post Link to post Share on other sites