Sign in to follow this  
OLOL

Suldaan Hure Group Exposes Yeey 's plot HAG warns him

Recommended Posts

OLOL   

Qorshe Sir ah oo ay Wada Galeen Cabdullaahi Yuusuf, Dawladaha Yemen iyo Itoobiya

 

 

July 4, 2005

 

Warkaan oo aan ka helnay SULDAN HURRE HUMAN RIGHTS GROUP (SHHRG) oo ka soo xigtay ilo qarsoodi ah, ayaan waxaan u aragnaa in ay waajib nagu tahay in aan soo ban dhigno si loola socdo khatarta colaadeed ee uu wado Cabdullaahi Yuusuf. Warkii naloo soo gudbiyey wuxuu ku bilowday:

 

Waxaa noo soo gudbiyey sirtaan goobjooge waxaana ka cudur daaranaynaa inaan soo gudbino magaca qofka noo soo diray sirtan, arrimo nabadgelyadiisa la xiriira awgeed.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in dawladda Yeman iyo Itoobiya la galeen Col.C/Yusuf heshiisyo. Heshiisyadan ayaa Col. C/Yusuf loogu balan qaaday inay labadan dawladood siinayaan wixii taageero milatariya ee uu u baahdo. Waxaa kaloo heshiisku qorayaa in labadan dawladood u soo dirayaan Col.C/Yusuf saraakiil dhan 140 oo siiya tababar ciidamada uu diyaarsanayo si uu ugu weeraro gobolada Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in saraakiisha ka kala socota Yeman iyo Itoobiya bixinayana tababarada ay kala hogaaminayaan Capt. Osman Saalah Jaabir oo Yemani ah iyo Capt. Girma Yerid oo Itoobiyaan ah.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in dawlada Yeman iyo Itoobiya ay ugu deeqeen Col. C/Yusuf 4 diyaaradood oo kuwa ciidamada qaada ah. Waxaa naloo xaqiijiyey inay u tababarayaan 12 baylood. Waxaa naloo xaqiijiyey in 90 gawaarida qoryaha tiknikada la saaro uga soo degeen dekedda Boosaaso Col.C/Yusuf. Waxaa gawaaridan soo gaday Cabdulaahi Cumar Bootaan oo ku nool dalka Imaaraadka.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in 4 doonyood oo hub iyo saanad milarati ah, kana yimid dalka Yeman ku soo fool leeyihiin dekedda Boosaaso. Waxaana loo xilsaaray Cabdirashiid Aadan Seed (Qoor) iyo Injineer Ismaaciil Xaaji Warsame wixii huba ee uga yimaada Col.C/Yusuf dhanka Yeman.

 

Waxaa naloo xaqiiyey in Col. C/Yusuf u saxiixay Dawladda Itoobiya inay ka qodo Ceelal Gaas ah oo laga helay Gobolka War-dheer oo ah dhulka Soomaalida ee ay Itoobiyo gumaysato. Waxaa naloo xaqiijiyey in ceelashan ay qodayso ama maal gelinayso shirkad ka socota dalka China.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in shikadani ka dalbatay Dawladda Itoobiya inay lagama maar maan tahay in Soomaaliya aysan ka hor imaanayn qodida ceelashan ama soo weerarayn.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. C/Yusuf u saxiixay Dawladda Yeman inay ilaaliso badda Soomaaliya 25 sano. Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. Yusuf u saxiixay Dawladda Yeman inay ka kaluumaysato Badda Soomaaliya 25 sano. Heshiikan ayaa bilaamaya 2005-2030.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in Col.C/Yusuf samaynayo Ciidanka Sirdoonka Soomaaliyeed (CSS). Ciidankan ayaa naloo xaqiijiey in ay ka koobnaanayaan 1500. Waxaana madax looga dhigay Axmed Cabdulaahi Yusuf oo ah wiil uu dhalay Col.C/Yusuf. Waxaa naloo xaqiijiyey in ciidankan lagu soo tababarayo magaalada Makeli ee kiilka 1aad ee dalka Itoobiya. Waxaa naloo xaqiijiyey in 130 ka mida ciidankan ay noqonayaan haween.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in wixii laga bilaabo 1.08.2005 in dakhliga dekadda Boosaaso ka soo baxa 85% lagu bixinayo abaabulka ciidan ee Col.C/Yusuf wado.

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in Col.C/Yusuf samaynayo 4 xarumood oo lagu tababaro ciidamada: Xarunta 1aad oo ah 54-aad Garoowe, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo, Nugaal, Laascaano, bariga Ceerigaabo. Waxaana xarunta 1aad ka madaxa Col.Cabdulaahi Mire Careys iyo Capt. Siciid Axmed Xirsi (Siciid-dheere).

 

Xarunta 2aad Baliga Ab-qaale ee degmada Xarfo, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo, Mudug, War-dheer, Caado, Qaloocan, Maaneed iyo Mirafadle. Waxaana xarunta 2aad madax ka noqonaya Cawil Dhiig-sokeeye iyo Col.Cabsirisaaq Af-guduud.

 

Xarunta 3aad Feer-Feer, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo, Jawhar, Hiiraan, Godey, Dhagax-buur iyo nawaaxiga Afgooye. Waxaana xarunta 3aad madax ka noqonaya G/sare Nuur-salaad Muuse Cali iyo Maxamed Aadan Bidaar.

 

Xarunta 4aad Xudur oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo, Kismaayo, Af-madow, Dhoobley iyo Bu’aale. Waxaana xarunta 4aad madax ka noqonaya G/ Sare Jaamaca Geyre iyo Col.Maxamuud Isaan

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. C/Yusuf qorshaynayo in loo samaynayo qof kasta oo Soomaaliya Teesare lagu qorayo beesha uu ka dhashay iyo gobalka uu degan yahayn. Waxaana loo xilsaaray inuu diyaariyo Teesarayaashaas Injineer Cali Yaasiin Faarax oo degan dalka Imaaraadka.

 

Anagoo ah (SHHRG) waxaan aad iyo aad uga xunahay dagaalka iyo colaada cusub uu Col.C/Yusuf dalka Soomaaliyeed dib uga abuurayo. Waxaana kula talinaynaa in wixii khilaafa oo jira wada hadal lagu dhameeyo.

 

Waxaa naxdin leh in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku fekerayaan in Col.C/Yusuf uu dagaal ku qaadayo beelaha ****** iyo D&M oo kaliya marka inaan waxba ka qusayn arinkan. Waxaan xasuusinaynaa dadka fikirkaas qaba in Col. C/Yusuf uu dagaalka iyo colaada ka soo bilaabay goboladda Puntland, ilaa uu diley dad biri-magaadho ah sida (Suldaan Axmed Hurre iyo Faarax Dheere). Waxaan kaloo xasuusinaynaa in fikirkani yahay mid qaldan xaga diinta Islaamka iyo bini’aadanimadaba.

 

Ka dib fadhi degdeg ah oo uu yeeshay Ururka(HAG) wuxuu go’aan ku gaaray in aan u jeedino:

 

Digniin: Ururka HAG wuxuu uga digaayaa C/laahi Yuusuf hurinta colaadda sokeeye oo dhalin karta dhibaato waarta. Waxaan la socodsiineynaa Adduunweynaha in arrintan ay noqon doonto mid sii fogeysa nabad iyo xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika.

 

Codsi: Waxaan Qaramada Midoobay ka codsaneynaa in ay ka dhabeeyaan cunaqabateyntii xagga hubka ee la saaray Soomaaliya oo ay tillaabo ka qaadaan waddamada mar kasta ku xad gudba xeerkan, sida dawladaha Itoobiya iyo Yemen.

 

Baaq: Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka Ummadda Soomaaliyeed in ay si degdeg ah xilka uga qaadaan, maxkamad Qarana u soo hor taagaan kuwa ku hawlan khayaamada Qaran oo uu ugu horreeyo Col. Cabdullaahi Yuusuf.

 

Talo: Waxaan Ummadda Soomaaliyeed kula talineynaa in ay diyaar u noqdaan difaacidda dadkooda iyo dalkooda, oo ay gumeysteyaal iyo kuwo uu ku adeegto ay doonayaan in ay dulli geliyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this