General Duke Posted August 5, 2008 Jaamacada Muqdisho oo farac ka furatay socdna ay ku sameysay Waxbarshada Somalia Oo Muddadii Burburka habacsanaan ay ku timi. Sidoo kale Dr Badiyow Waxa uu intaasi ku daray in Ay Deegaanada Puntland Faracooda ay ka furteen Ay uga Gol leeyihiin Balaarinta Jaamacada Iyo Faafinta Waxbarashada ay u hayso Umadda si loo helo Dhalin yara Badan oo la jaan qaadi Kara Casriga Waxbarshada. Xafladdan ayaa dadweynahii kasoo qayb galay ku abuurtay hilowgii Soomaalinimo iyo midnimada la higsanayo , sidoo kalena muujisay sida aqoonyahanka Soomaaliyeed ugu heellan yihiin isusoo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee qabyaaladda iyo dagaalladu kala geysey. Wasiirka Waxbarashada Puntland Mahamud Bile Duble Ayaa isna muujiyay Sida uu maamulka Puntland uu ugu faraxsan yahay Furitaanka Jaamacadani Xarunteeda Puntland Isaga oo wasiirku tibaaxay in ay la garab istaagi doonaan Jaamacada taageero kasta oo dhinaca maamulka Uga Soo Baahdaan. Sidoo kale Wasiirka Amniga C/laahi Sacid Samatar Ayaa Isna aan meesha Ka saarin Muhiimada Ay Waxabarashadu u leedahay Amaanka Iyo Kor loo qaado tayada Waxbarasho ee ubudka soo koroya si aysan u dhexbadaalan Rabashadaha Somalia Maasheeyay. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Madaxa jamciyadda Tadaamun C/laahi Shiikh Xasan, Inj. Cabbaas, Beeldaaje Faarax Beeldaaje, Sacdiyo C/semed iyo sidoo dhallinyaro iyo haween dareenkooda ku cabbiray maansooyin iyo buraanbur. Waa markii ugu horeysay Oo Jaamacadani ay Farac Ka furto gobolada Soomaaliyeed ee kale, Waxaana ay Furan tahay Mudd 12 Sano ah waxaana ka qalin jabiyay 8 Dufcadood oo waxbarshada Jaamacadaasi dhamaystay Iyada oo Noqotay Jaamacadda 40aad ee Jaamacadaha Africa ugu tayada fiican. Maxamuud Ciyoon iyo Maxamuud Siciid Salaad / Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 5, 2008 ^This topic is already in the general. And why do you have to post in politic section? web page Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2008 ^^^This politics adeer, close cooperation between our capital and our third city is important. But hey you are probably sad that a good thing is coming to Bossaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites