Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ETHIOPIAN MINISTER AND DELEGATION ARRIVE HARGEISA

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran):- Wafti uu hogaaminayo Wasiirka gaadiidka iyo isgaadhsiinta

Ethiopia ayaa galabta ka soo degay dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

 

Weftigan Ethiopianka oo ka kooban 14-xubnood oo kala socda Wasaaradaha Maaliyada,

hawlaha guud, iyo gaadiidka waxa madaarka ku soo dhaweeyey Wasiirka Hawlaha guud

ee Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed.

 

Wasiirka Hawlaha guud oo aan wax tafaasiil ah ka bixin u jeedada socdaalka

weftigan Ethiopian-ka ah oo aan hore loo sii sheegin ayaa sheegay inay u jeedada

socdaalkoodu salka ku hayso heshiis hore oo ay labada xukuumadood ee Ethiopia iyo

Somaliland ku kala saxeexdeen, waxa uu yidhi “Weftigan oo ka kooban saraakiil ka

socda hay’adaha dawliga ah ee Ethiopia u qaabilsan dhinacyada gaadiidka iyo

isgaadhsiinta iyo kastamada, waxay u yimaadeen mashruucii casriyeynta iyo

horumarinta adeegyada dekeda Berbera”.

 

“Waxa kale oo ay u socdaan Isticmaalka dekeda iyo sidii aynu isaga kaashan

lahayn, fidinta laydhka iyo sidii la isku dhaafsan lahaa macluumaadka kastamada”

ayuu yidhi Siciid Sulub.

 

Socdaalka weftigan Ethiopia ee uu hogaaminayo Wasiirka gaadiidka iyo Isgaadhsiintu

markii ay ka soo degeen Madaarka Hargeysa kamay waramin u jeedada socdaalkooda,

sidoo kale lama sheegin mudada ay joogayaan Somaliland, hasayeeshee waxa la

filayaa inay maalmaha soo socda la kulmaan Madaxweynaha Somaliland

iyo masuuliyiinta kale ee dawlada qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftiga Balaadhan Oo u Hogaaminayo Wasiirka Gadiidka Iyo Isgaadhsiinta Ethiopia oo Socdaal kedis ah ku yimi Caasimada Hargeysa

 

hadhwanaag 2007-07-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Dawlada Federaalka ee Ethiopia Juneydi ayaa socdaal kedis ah maanta gelinkii danbe ku yimi Caasimada Hargeysa.

 

Wefitigan oo ka kooban 14-xubnood waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiinta dawlada. weftigan oo ka kooban Masuuliyiinta, waxay ka kala socdaan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada, Gaadiidka iyo is-gaadhsiinta Ethiopia, wax faah-faahina kamay bixin u jeedada socdaalkooda.

 

Wasiirka Hawlaha guud Iyo Guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa xubnihii weftiga Ethiopian-ka soo dhaweeyey. Ayaa waxa uu sheegay inay u jeedada socdaalkoodu uu la xidhiidho heshiis ay hore u wada galeen somaliland iyo Dawlada Ethiopia, waxaanu yidhi. “Xaga laydhka iyo kastamiska sidii ay labada dawladood isaga kaashan lahaayeen, markaa hawshani waxay daba socotaa hawshii hore ee ay yimaadeen wixii ka fulay iyo wixii danbe ee ay imika dhaqaajin karaan ayey u socdaan Weftigani”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ waxa kale oo ay u socdaan heshiiskii ay labada dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia ee isticmaalka dekeda Berbera”

 

Lama oga mudada ay joogidoonaan weftigani iyo cida ay la kulmi doonaan.

 

Socdaalka weftigan Ethiopianku ku yimi Somaliland ayaa ku soo beegmay mar ay Wasiiro ka tirsan xukuumada somaliland ay socdaal ugu baxeen magaalada Herer ee dalka Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waxa aan Somaliland u imid casriyaynta xeebaha” Wasiirka Gadiidka Ethiopia Juneydi Sado

 

 

Hargeysa(Qaran):- “Waxa aan Somaliland u imid inaan hubiyo mashruuca casriyaynta dekada Barbera iyo sidii labada dawladood uga wada hadli lahaayeen dhismaha jidka isku xidha Magaalada Jig-jiga iyo wajaale” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Gaadiidka Iyo Isgaadhsiinta Itoobiya juneydi Sado oo isaga iyo wfti uu hoggaaminayaa ay maalintii sadexaad booqasho ku joogaan magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka hogaaminaya weftiga Itoobiya waxa uu sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo hirgelinta Heshiisyo labada xukuumadood ee Itoobiya Iyo Somaliland isla saxeexdeen sanadkii 2005-tii.“waxa aan u socdaa xaqiijinta mashaariicdii aan hore uga wada hadalnay”ayuu yidhi Juneydi Sado.

 

“Waxa Dawlada Itoobiya kala hadashay midowga yurub inay Somaliland ka taageeraan dhaqaalaha ku baxaya Biriij-weyn[buundooyin] oo laga dhisayo kala baydh ilaa berbera”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa uu sheegay in Somaliland ay imanayso Shirkad ka shaqaysa horumarinta Xeebaha isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Bisha March ee sanadka 2009-ka waxa Somaliland imanaysa shirkad caalamiya oo wadamada Bariga Afrika ka wada mashruuc la xidhiidha horumarinta xeebaha iyo dekadaha”.

 

Weftiga Itoobiya waxa ay shalay la kulmeen wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Mudane Siciid Sulub Maxamed,waxana maalmaha soo socda la filayaa inay booqdaan dekada Berbara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee Ethiopia soomaali fahamtay; markay Puntland tagaan maraakiib gaashaamaan baan idin siinaynaa bay ku tiraahdaa markay Somaliland tagtana dekedahaan casriyeynaa bay tiraahdaa markay Xamar joogtanna arga-gixisaday la dirirtaa, midwalbaana sidiisu happy ku yahay!

 

Cajaa'ib sheekhow!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Qaran) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa casho-sharaf Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyay weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Ethiopia juneydi Sado oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay maalintii shanaad ay socdaal ku joogaan Somaliland.

 

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa ay isla soo qaadeen sidii loo sii adkayn lahaa Xidhiidhka wax wada qabsi ee labada Dal,Warsaxaafadeed la xidhiidha kulankaas oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada ahna La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca warbaahinta Siciid Cadaani Mooge ayaa u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu casho sharaf caawa ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada, wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta ee Dawladda Ethiopia , Mr. Junedi Saddo, oo isaga iyo weftigiisu ay socdaal hawleed ku yimaadeen Somaliland.

 

Weftigaas oo ka kooban 14 xubnood, intii ay joogeen Somaliland, waxa ay soo booqdeen meelo ay ka mid yihiin dekedda Magaalada Berbera iyo Magaalada Tog-wajaale oo ah xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Killalka Shanaad ee Somalidu degto.

 

Casho Sharaftan waxa lagu soo gunaanaday, wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Dawladda Ethiopia oo saameynayey waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin,

 

1.Iskaashiga ganacsiga ee labada dal iyo dar dar gelinta mashaariic dhawr ah oo labada waddan ay iska kaashanayaan gaar ahaan, dhinaca Waddooyinka Wajaale iyo Kalabaydh, iyo jidka u dhaxeeya Berbera iyo Wajaale iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin horumarinta dhinaca Korontada, weftigu waxa ay si weyn ugu mahad naqeen Madaxweynaha JSL, dawladdiisa iyo shacbigaba sida diirran ee loogu soo dhaweeyay dalka intii ay joogeen.

 

 

Casho sharaftaasi madaxweynuhu uu ku maamuusay weftiga Dawladda Ethiopia, waxa kale oo ka soo qayb galay, dhawr wasiir oo ka tirsan xukuumadda JSL.”

 

Dhinaca kale weftigan oo saaka socdaal ku tagay Magaalada xeebta ah ee Barbera waxa ay booqdeen marsada magaaladaas halkaasi oo uu Weftiga Warbixin la xidhiidha qaabka ay dekadu u shaqeyso ay ka dhagaysteen Maareeyaha dekada Eng Cali Cumar Maxamed [Cali Xoor-xoor].

 

 

Sidoo kale waxa weftiga qado sharaf loogu sameeyay Markab ay Itoobiya leedahay oo taagnaa Dekada dushiisa,kaas oo u rarnaa ganacsade reer Somaliland ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-07-22 (Hadhwanaagnews)

Hargeysa(HWN) Madaxweynaha Somaliland md Daahir Rayaale Kaahin ayaa iyo Wefti ‎balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gadiidka Ethiopia Juneydi Saddo ayaa caawa ‎kulan ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada, kaas oo la isla soo qaaday arrimo badan oo ‎dhowra.‎

Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka ‎Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo isla caawa nuqul ka mid ahi soo gaadhay ‎xafiiska shabakada Wararka ee Magaalada Hargeysa, isaga oo dhameystirana waxa uu u ‎dhignaa sidan:- ‎

 

‎“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ‎casho sharaf caawa ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada, wefti ballaadhan oo uu ‎hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta ee Dawladda Ethiopia , Mr. Junedi ‎Saddo, oo isaga iyo weftigiisu ay socdaal hawleed ku yimaadeen Somaliland.

Weftigaas oo ka kooban 14 xubnood, intii ay joogeen Somaliland, waxa ay soo booqdeen ‎meelo ay ka mid yihiin dekedda Magaalada Berbera iyo Magaalada Tog-wajaale oo ah ‎xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Killalka Shanaad ee Somalidu degto.

Casho Sharaftan waxa lagu soo gunaanaday, wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo ‎Dawladda Ethiopia oo saameynayey waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin,

‎1.Iskaashiga ganacsiga ee labada dal iyo dar dar gelinta mashaariic dhawr ah oo labada ‎waddan ay iska kaashanayaan gaar ahaan, dhinaca Waddooyinka Wajaale iyo Kalabaydh, ‎iyo jidka u dhaxeeya Berbera iyo Wajaale iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin ‎horumarinta dhinaca Korontada, weftigu waxa ay si weyn ugu mahad naqeen ‎Madaxweynaha JSL, dawladdiisa iyo shacbigaba sida diirran ee loogu soo dhaweeyay ‎dalka intii ay joogeen.

Casho sharaftaasi madaxweynuhu uu ku maamuusay weftiga Dawladda Ethiopia, waxa ‎kale oo ka soo qayb galay, dhawr wasiir oo ka tirsan xukuumadda JSL.”‎

 

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]‎

Reporter Hadhwanaag/Hargeysa ‎

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii U Hogaaminayey Wasiirka Gadiidka Iyo Isgaadhsiinta Ethiopia Oo Booqday ‎Dekeda Berbera

 

hadhwanaag 2007-07-22 (Hadhwanaagnews) Berbera(HWN):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Gadiidka iyo Is-gaadhsiinta Ethiopia ‎Mr. Juneydi Sado oo maal mahanba socdaal hawleed ku joogay Somaliland ayaa maanta ‎booqasho ku tagay Magaalada Gobolka Saaxil ee Berbera.‎

 

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Xubno sar sare oo ka tirsan Xafiisyada ‎Gadiidka wadooyinka iyo hawlaha maraakiibta Dalkaasi Ethiopia, Isla markaasina waxa ‎weftiga hor ka cayey Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ‎Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil] iyo ‎Masuuliyiin kale Waxaana la dejiyey aqalka Martida ee magaaladaasi.‎

 

Weftigu Waxay booqdeen Dekeda Berbera iyo xerada Gaadiidka ee dalkaasi Ethiopia.‎

 

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed [Cali Xoor-xoor] ayaa Weftiga ‎War-bixin ku siiyey Xafiiskiisa, waxaanu sharaxaad ka bixiyey Dekeda Berbera iyo ‎nidaamka ay u shaqeyso, baaxadeeda, nidaamkeeda iyo weliba muga badeecadaha ay ‎qaado iyo kuwa dhoofa.‎

 

Mareeyuhu waxa kale oo uu ka waramay heshiiskii ay labada Dawladood ee Ethiopia ‎iyo Somaliland hore u wada-galeen iyo sida ay dhinacooda uga fuliyeen iyo sida ‎dhinacooda diyaarka ugu yihiin inay sii xoojiyaan.‎

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale [Cawil] oo ka mid ahaa Wasiiradii ‎Weftiga u raacay Magaalada Berbera, oo isna halkaasi hadal gaaban ka jeediyey ayaa ‎waxa ka war-bixiyey is-kaashiga labada dhinac iyo sida uu maalinba maalinta ka ‎danbeysa u sii xogeysanayo.‎

 

‎“Xukuumada Somaliland waxay daneynaysa wax wada qabsiga labada dal [somaliland ‎iyo Ethiopia]” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.‎

 

Wasiirka Gadiidka iyo Is-gaadhsiinta Dawlada Ethiopia Juneydi Sado oo isna halkaasi ‎ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu dhinacayadaga ka ‎dhameystirno, wixii ka hadhsanaa Mashruuci Bebrera Codi-dor ee ay dawladayadu ‎‎[Ethiopia] ku isticmaali jirtay Berbera”‎

 

‎“Dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga labada dal waxa fure u ah dayactirka dhameystirka ‎dhismaha wadada isku xidha labada dal ee ku soo af go’ada Magaalada Wajaale” ayuu ‎yidhi Wasiirka Gadiidka iyo Is-gaadhsiinta Ethiopia.‎

 

Mr. Juneydi Sado waxa uu sheegay inay dhinacooda [Ethiopia] ay dhismaheeda ka soo ‎wadaan ilaa iyo Magaalada Herer oo aanu doonaynaa inaanu soo gaadhsiino Magaalada ‎Wajaale ee xuduudku maro, “Dhinaca Somaliland waxa loo baahan yahay in laga bilaabo ‎Hargeysa [Dhismaha wadadaa] lana gaadhsiiyo Magaalada Wajaale, waxaanu ‎doonaynaana inaanu dhinacayagu gacan ka geysano” ayuu yidhi.‎

 

Sidoo kale waxa Weftiga maanta qado sharaf ugu sameeyey Markab ay leeyihiin ‎Dawlada Ethiopia oo wakhtigan ku xidhan Dekeda Berbera, isaga oo sida badeecado ‎ganacsi.‎

 

‎ U jeeda Socdaalka weftigan Ethiopianka ah ayaa la sheegay inuu yahay mid ay dib ugu ‎eegayaan Mashruuci Berbera Codidor ee labada Dawlada ee Somaliland iyo Ethiopia ‎hore ugu kala saxeexdeen inay dawlada Ethiopia u isticmaasho dekeda Berbera iyo inay ‎labada dal isaga kaashan lahaayeenn Isgaadhsiin dhinaca Bada oo ay labada dal wada ‎isticmaali karaan.‎

Maanta gelinkii danbe ayaa weftigu ku soo laabteen Caasimada Hargeysa. ‎

 

 

Weftigan Ethiopianka oo ka kooban 14-xubnood oo kala socda Wasaaradaha Maaliyada, ‎hawlaha guud, iyo gaadiidka Ethiopian-ka.‎

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this