Sign in to follow this  
Jumatatu

The Government Lost................!!

Recommended Posts

Jumatatu   

The motion to bring troops from frontline countries, has been overwhelmingly rejected by the Parliament....

23_1_86.gif

 

War deg deg ah Xildhibanadii diidanaa in la keeno ciidamo Itoobiyaan ah oo ku guleystay cod aqlibiyad ah 150 xildhibaan ayaa u codeeyey in aan ciidamo safka hore ah la keeni karin Soomaaliya gudoomiyaha baarlamaankuna uu ku ansixiyey sidasi ayadoona qolodii laga badiyey ay daglantahy dhoor qofna isbitaalada loo la cararay

 

 

Further news to follow.....Duke and co. eat your heart out

36_2_34.gif36_2_34.gif36_2_34.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Contradictory news and Dayniiles 150 is not believable..

 

 

Dhiig iyo Dhaawac fara badan ayaa ka dhax dhacay

goobtii Baarlamaanka ku shirayay

 

Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka dalbaday in la bilaabo codeynta Xildhibaanada u codeynayo in dalka la keeno ciidamo ka socda IGAD oo Itoobiya ka mid tahay iyo in dalalka safka hore laga reebo codsiga Dowladda KMG a ayaa waxaa meesha rabashado ka bilaabay xubno ka tirsan sida la sheegay taageeriyaasha Cali Maxamed Geeddi, kuwaas oo diiday in la codeeyo.

 

Qaar ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ayaa gudaha soo galay, iyagoo isku wareejiyay ammaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka,waxaa hadda la burburiyay dhamaan kuraastii Baarlamaanka ku shiray, waxaana ka mid ah dadka dhiigga hadda ka socda C/llaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale.

 

Waxaa la isku dagaalay in dalka la keeno Ciidamo Itoobiyaan ah iyo in la joojiyo kuwa laga keenayo dhanka iyo Jaamacadda Carabta,dagaalka ayaa faraha ka baxay,iyadoo Xildhibaan kasta wixii gacantiisa qabanayo gacanta ku qabsaday.

 

Dhamaan wixii kuraas ah oo meesha yaalay ayaa la burburiyay, iyadoo Xildhibaanada dhaawac soo gaaray Isbitaalada Kenya, halka kuwa kale weli dhaawsacooda yaalo bartamaha Hotelka.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

As you know the motion to be debated was the governments and not the oppositions...Should there be AU and Arab league troops...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan ayaa ku dhawaaqay in cod gacan taag kadib Baarlamaanka isku raacay inaan dalka la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti

 

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka wax yar kadib markii goobta Baarlamaanka ku shirayay rabshado ka dhaceen waxaa uu sheegay in Baarlamaanka isku raacay cod gacan taag ah in dalka soomaaliya la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

 

Shariif ayaa sheegay in Cod Gacan taag lagu kala baxay, iyadoo weliba goobta ay yaalan dhaawac fara badan oo Baarlamaanka Soomaalida ka tirsan.

 

Dhanka kale Inj Maxamed Xuseen Caddow ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaalida isku raaceen in dalka soomaaliya la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

 

Si kastaba ha ahaate waxaa muuqata in Baarlamanaka ku kala jabay,iyadoo la sheegayo in Xaalada ay kacsan tahay.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray

- Thursday, March 17, 2005 at 16:59

 

Nairobi: Wararka hadda soo dhacay waxaa uu sheegayaa wariyahayaga Nairobi Iimaan Cali cabdi in fadhigii baarlamaanka la isku feeray.

 

Wariyuhu wuxuu sheegayaa in markii ay soo dhamaatay doodii xildhibaanadii saaka isu qoray inay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinkii baarlamaanku u fariistay ee ahaa in dalka la keeno ciidamo Afrika iyo Carab ah oo dawladu soo hordhigtay baarlamaanka uu gudoomiyaha baarlamaanku Shariif Xasan Shiikh Aaden uu xildhabaanada u akhriyay warqad uu ugu sheegayo in waxa codka loo qaadayo ay tahay kaliya in ciidan ka socda wadamada safka hore dalka la keeno iyo in kale.

 

Markii uu intaas sheegay gudoomiyaha baarlamaanku waxaa kor u kacay sawaxan la isku waydiinayo waxa badalay mooshinkii saaka oo dhan laga doodayay.

 

Dagaal gacanta la isula tagay ayaa markaas hareeyay Hoolka shirka, dhowr qof ayaa dhaawacantay, wali mahayno magacyadooda, markaas ka dib ayaa goobta lagu kalo tagay iyadoo wax codbixin ahi ayan dhicin.

 

La soco faahfaahinta AllPuntland ALLE idankiis.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Earlier Today

 

Xildhibaano soo bandhigay Mooshin labaad taasoo buuq ka abuurtay Baarlamaanka

Nairobi :- Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gudaha hoolka shirarka ee Hotel Grand Regency ayaa sheegay in xubno kamid ah Baarlamaanka ay soo bandhigeen Mooshin labaad oo garab socda Mooshinkii dowlada.

 

Xildhibaanadan oo u badan kuwa kasoo horjeeda Keenista ciidamada Safka hore ayaa sheegay in Mooshinka dowlada Federaalka ay Baarlamaanka soo hordhigtay uu yahay mid si khaldan loo soo qoray ayadoo looga danleeyahay in lagu siro Xildhibaanada, waa say hadalka u dhigeenee.

 

Xildhibaanadan ayaa Mooshinka ku sheegay in la kala qaado ciidamada shisheeye ee ku qoran Mooshinka dowlada, ayagoo markaa sheegay in ay adag tahay in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka dowlada oo aysan ku kala cadeyn ciidamada shisheeye dalalka ay ka kala imaanayaan.

 

Sida ku xusan Mooshinka dowlada soo bandhigtay waxaa lagu sheegay in ay dowlada Ciidamo nabad sugid ka dalbatay Dalalka Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta isla markaana uu Baarlamaanka Ansixiyo ciidamadaasi.

 

 

"....Ma Afrika ayaan diidnaa mise Itoobiya...." ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada oo codsaday in la kala saaro ciidamada lagu sheegay qoraalka dowlada oo ciidamada safka hore si gaar ah looga hadlo.

 

Hasayeeshee Xidhibaanadan ayaa sheegay in ciidamada dowladaha safka hore ee IGAD ay soo hoos geli karaan ciidamada Midowga Afrika ee Mooshinka ku qoran, sidaa daraadeedna aysan suurto gal ahayn in ay codkooda mooshinkaasi siiyaan maadaama aysan u kala cadeyn wadamada.

 

Labada mooshin ee kala ah kan dowlada iyo midka cusub ee Xildhibaanadan soo qoreen ayaa ah kuwo hada is garab socda ayadoo uusan Guddoomiyaha Baarlamaanka weli kala saarin labada kooxood oo ku kala bixi waayey doodihii halkaasi laga soo jeediyey.

 

Kala soco HorseedNet haduu Alle idmo, wixii kusoo kordha kulankan oo hada si toos ah uga socda Hotel Grand Regency Nairobi, Kenya.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Yeah I lost a punch up but this wont stick, so they[opposition] lost their best chance...

 

Lets raise our hands and we count for a new motion and hey presto a magic 150 figure in the middle of a full fight. :D:D Give us a break dude..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

:eek: :eek: :eek: woow that was heavy.

 

but i think that its not over at all, c/geddi and c/yussef with the leaders of east africa are not so dumb to let this be a fatal blow.

 

i am trusing in c/yussef siyaasaddiisa iyo c/geddi caqligiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Mashallah, Niman rag ah waaye. Let those who thought you can just do about anything you want learn a lesson from this. Somalia soomaali baa leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore Waraysi Sh XasanSh Adan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

Shirkii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta ka Furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobay iyadoo looga hadlayay Laba Arimood aa kalla ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo isku jira,

 

 

Iyo Figarad kale oo ahayd inSoomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta Balse aysan Ku Jirin Wadamada Safka Hore ee Soomaaliya Xuuuda lalleh,

 

 

Hadaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh XasanSh Adan ayaa isagu ku dhawaaqay natiijadii isagoo warkiisa ku bilaabay Sidan

 

 

156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore,

 

 

55 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo aanlakalla Saarin

 

 

dhinaca kale 6 Xidhibaan ayaa iyagu ka aamusay Labada Figaradood kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa Hareeyay Buuq gacan ka hadal dhaliyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Inta badan xildhibaanada baarlamaanka oo u codeeyey in aanan dalka la keenin ciidamo safka hore(Gacan ka hadal qaraar oo ka dhex-dhacay gudaha baarlamaanka)

20040921203700parliament2.jpg

 

Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta hotel-ka Grand regency ee magaalada Nairobi kulan xasaasi ah isugu yimid, iyadoo kulankani ay xildhibaanadu uga doodayeen mooshin ku saabsan dalabka ciidamada shisheeye ee ay soo jeedisay xukuumadda federaalka, waxaana kulan-kan oo saaka qabsoomidiisa uu shaki hareeyey markii dambe isugu yimid xildhibaano gaaraya 217, waxaana xildhibaanada la siiyey min 3 daqiiqo oo ay ku soo gudbiyaan aaraa’dooda, iyadoo dooda wejigeeda hore ay ka qeybqaateen 113 xildhibaan oo u badnaa kuwa ka soo horjeeday in ciidamo kuwa safka hore la keeno Soomaaliya.

 

Shir guddoonka baarlamaanka ayaa markii ay dhageysteen dooda xildhibaanadii saaka is qoray waxey soo jeediyeen in cod gacan taag ah loo qaado mooshinka ciidamada shisheeye, iyadoo markii guddoomiyuhu sheegay in ay gacanta taagaan xildhibaanada diidan ciidamada safka hore ay natiijadu u dhacday sidatan:

 

 

· 156 Xildhibaan waxey soo jeediyeen in la keeno ciidamo ka socda Midowga Afrika & J/Carabta oo aysan ku jirin ciidamada dowladaha safa hore (Soomaaliya deriska la ah)

 

· 55 Xildhibaan oo u codeeyey in aanan ciidamada loo kala saarin saf hore & saf dambe

 

· 6 Xildhibaan oo ka aamusay.

 

 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markii uu ku dhawaaqay natiijadii codeynta waxaa ka dhacay hoolkii uu shirku ka dhacayey gacan ka hadal u dhexeeyey xubnaha taageersan ciidamada & xubnaha ka soo horjeeda oo ka bilowday aflagaado, iyadoo qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka oo ay ka mid ahaayeen Macalin Jiis, Cusmaan Geeddi & C/kaafi ay soo gaareen dhaawacyo, loolana cararay isbitaalka, waxaana markii natiijada codeynta lagu dhawaaqayey goob joog ka ahaa kulankaasi ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo la sheegay in isaguna uu goobta ka dhaqaaqay markii xildhibaanadu ay aqlabiyad badan ku diideen ciidamada dowladaha safka hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this