Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Ciidamadii daraawishta Puntland ee Sanaag oo gaaray Buuraha Calmadow [Daawo Sawirada)

Recommended Posts

Ciidamada Puntland oo sheegay in ay fursad siinayaan waan waanta Issimada Sanaag

Badhan(HR Media):- Ciidamada Dowlada Puntland ayaa baneeyey goobo ay horey ugu sugnaayeen oo kamid ah deegaanka Buuraha Calmadow ee gobalka Sanaag, kadib markii ay sidaa ka codsadeen issimada iyo odayaasha gobalka Sanaag.

 

Tilaabadan ayaa ah tii ugu danbeysay oo lagu doonayo in si nabad ah lagu siidaayo reer kasoo jeeda dalka Germany oo ay afduub ugu heystaan buuraha Calmadow kooxo hubeysan oo ah burcad badeed Soomaaliyeed oo reerkaasi kasoo qafaashay bada.

 

Kooxdan iyo ciidamada Puntland ee ku hareeraysnaa ayaa waxaa waan waan ka dhex waday odayaasha iyo cuqaasha gobalka Sanaag, oo isku dayay in si nabad ah lagu dhameeyo arrintan.

 

Dowlada Puntland ayaa ayadu dhinaceeda si weyn u diidan in wax lacago madax furasho ah lasiiyo kooxahan hubeysan ee afduubka ku heysta dadka ajnabiga ah, waxayna horey halkaasi ugu dirtay ciidamo badan oo ku hareeraysnaa goobta dadkaasi lagu haysto.

 

Odayaasha gobalka ayaa ka codsaday in ciidamada Puntland ay dib uga baxaan goobihii ay joogeen isla markaana ayagu keeni doonaan dadkaasi ajaanibta ah oo ay halkaasi kasoo siideyn doonaan, waa sida uu Horseed Media u sheegay mid kamid ah saraakiisha Puntland oo ku sugan gobalka Sanaag.

 

Hadaba waxaa hada lagu wadaa in maalinimada beri ah ee Sabtida ay wax natiijo ah kasoo baxaan dhinaca odayaasha iyo in ay keenaan dakdii wax afduubay, ayadoo aysan weynayn raja laga qabo in si nabad ah lagu siidaayo dadkaasi la heysto.

 

Ciidamada Puntland oo weli ku sugan goobo aan ka fogeyn buuraha dadkan ajaanibta ah lagu heysto ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin hadii aysan waan waanta ku guuleysan odayaasha iyo issimada gobalka.

 

Maalin kahor ayey Issimada gobalka Sanaag baaq kasoo saareen arrinta afduubka ayagoo ugu baaqay kooxaha afduubka ku heysta dadkan in ay si sharuud la’aan ah ku soo daayaan dadka ay heystaan.

 

Kooxda wax afduubtay ayaa ayagu dhinacooda codsaday in laga dulqaado ciidamada Puntland ee ku hareeraysnaa, ayadoo hada la khafiifiyey ciidamadii halkaasi joogay si fursad kama danbeys ah loo siiyo in si nabad ah loo soo daayo dadka ajaanibta ah ee u dhashay dalka Jarmalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soo siideyntii Jarmalka lagu heysto Sanaag oo lagu fashilay

Laas Qoray(HR Media):- Waxaa weli lagu heystaa Buuraha Calmadow ee gobalka Sanaag labo qofood oo u dhashay dalka Jarmalka oo ahaa dalxiisayaal laga soo qabsaday Gacanka Cadan.

 

Dadkan ay buuraha Calmadow ku heystaan kooxo burcad Badeed ah oo kasoo kala jeeda gobalada Sanaag iyo Nugaal ayaa hada heerkii ugu xumaa mareysa, ayadoo mid kamid ah dadkaasi afduubka lagu heysto xaaladiisa caafimaad aad looga dayrinayo.

 

Ninka u dhashay dalka Germany ayaa la sheegay inuu qabo cudurka sonkorowga isla markaana ay ka dhamaatay daawadii u isku duri jiray, arrintaasi oo ay walaac weyn ka muujiyeen ehelada dadkaasi la heysto.

 

Odayaasha Dhaqanka iyo Issimada gobalka Sanaag ayaa horey uga codsaday maamulka Puntland in ay ciidamadooda ka dulqaadaan maleeshiyooyinka afduubka ku heysata dadka ajnabiga ah si markaasi jawi nabadeed ah lagu siidaayo dadkaan, issimadu ayaa dhinacooda balan qaaday in ay dhameenayaan arrintan maalinimadii shalay oo ku beegnayd Sabti 5ta bisha July.

 

Illaa iyo hada burcad badeeda dadkan heysta ayaan ogolaan in ay siidaayaan labadan qof ayagoo codsanaya lacag ku dhaw qofkiiba 1 million oo dollarka Maraykanka ah, taasoo isu geyn labada qof madax furashada laga rabo ay tahay 2 Million oo dollar.

 

Macada tilaabada ay ciidamada Puntland hada qaadi doonaan ayadoo wadahadalkii aan wax natiijo ah laga helin dadaalkii waan waanta salka ku heysay oo ay odayaasha wadeen hada u eg yahay mid fashilay.

 

Kooxda Burcad badeeda ah ayaa la sheegay in ay ku biireen dhalinyaro hubeysan oo deegaanka kasoo jeeda, kuwaasi oo hada raba in ay dhamaantood wax ka helaan hadii lacag madax furasho ah la bixiyo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this