Jacaylbaro Posted August 3, 2007 hadhwanaag 2007-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Taliyihii Xabsiga Mandheera iyo Ku-xigeenkiisii, Muuse Abokor Qorsheel iyo Cabdi Xasan Bakeyr la sheegay in Xilkii laga qaaday maalintii shalay, isla markaana loo soo dhaadhiciyey Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee Magaalada Hargeysa. Sida tibaxayaan warar lagu kal-soon yahay oo ku dhow-dhow Taliska guud ee Ciidanka Asluubta ayaa sheegay inay xilka qaadistan saraakiishan ay ka danbeysay, kadib markii ay Xukuumada Madaxweyne Rayaale ka biyo diiday Wufuud isugu jirtay Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo reer Burco ahi oo ay saraakiishani u ogolaadeen inay arkaan Siyaasiyiinta Urur Qaran ee Maalintii Todobaad ku xidhan Jeelka Mandheera. Xilka qaadista Saraakiishan ayaa la sheegay inay Xukuumadu sabab uga dhigtay inay yihiin kuwo u dabacsan Maxaabiista ay ku hayaan Jeelka, iyo dadka booqashada ugu imanaya iyada oo ay jiraan culeys ay Xukuummadu u saartay Siyaasiyiinta Urur Qaran ee xidhan, kuwaas oo dadka eheladooda ah iyo asaxaabtooda ee booqanayey ku xidhay inay ogolaansho Maxkamadeed u qaataan marka ay doonayaan inay xabsiga ku booqdaan, taas oo carqabad ku ah dadka uga imanaya Siyaasiyiinta gobolada Bariga ka xiga Degmada ee uu ku yaalo Jeelka Mandheera. Inkasta oo aan si cad shaaca looga qaadin Xilka qaadista Taliyaasha Xabsiga Mandheera, isla markaana lama oga sababta dhabta ah ee keentayb xilka qaadistooda ah, basle sida ay ilo xogagaali tibaaxeen ayaa sheegaya inay dad meel fog fog ka yimi u ogolaadeen inay arkaan Siyaasiyiinta Ururka Qaran ee rumaanka loogu hayo Xabsiga Mandheera. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 3, 2007 SDWO (Hargeisa 03/08/07) Taliyahii Xabsiga Mandheera Muuse Abokor Qoorsheel iyo ku xigeenkiisii Cabdi Xasan Bakeyr ayaa la sheegay in maalintii shalay ee Khamiistii xilkii xabsiga mandheera laga qaaday isla markaana loo soo dhaadhiciyey xarunta taliska guud ee ciidamada Asluubta ee magaalada Hargeysa. Warar xogagaal ah oo ku dhowdhow taliska guud ee ciidamada Asluubta ayaa sheegay in xilka qaadista saraakiishani ay ka dambaysay kadib markii ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka cadhootay wufuud iskugu jirtay siyaasiyiin iyo madax dhaqameedyo reer Burco ahi oo ay saraakiishani u ogoladeen inay arkaan siyaasiyiinta ururka Qaran ee xabsiga Mandheera muddo todobaad ah ku xidhan. Xil ka qaadistan saraakiishaan ayaa la sheegay in xukuumadu sabab uga dhigtay inay yihiin kuwo u debecsan maxaabista ay ku hayaan jeelka iyo dadak booqashada ugu imanaya, iyadoo ay jiraan culays ay xukuumaddu si gaar ah u saartay siyaasiyiinta ururka Qaran ee xabsiga Mandheera ku jira, kuwaas oo ay dadka eheladooda iyo asaxaabtooda ah ee booqanaya ku xidhay inay ogolaansho maxkamadadeed u qaataan marka ay doonayaan inay inay xabsiga ku booqdaan. Taas oo caqabad ku ah dadka ugu imanaya siyaasiyiinta gobolada bari ka xiga deegaanada uu ku yaal xabsiga mandheera. Ilaa hada xil ka qaadida taliyayaasha ayaan si rasmi ah aan shaaca looga qaadin. Dhinaca kale Mujaahidiintii SNM ayaa xukuumada ku cambaareeyay xadhigga siyaasiyiinta Qaran. Mujaahidiinta SNM oo kulan isugu yimid shalay ayaa waxa ka soo qaybgalay dumar badan oo raggoodii ku shahiideen dibu xoreyntii Somaliland iyo hooyooyin ay inamadii ay dhaleen ku shahiideen dagaalkii lala galay taliskii afweyne. Kulankan oo ka dhacay xarunta Maqaamka Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa waxa ay mujaahidiintu kaga hadleen xadhiga masuuliyiinta ururka Qaran , waxa kale oo ay sheegeen tacadiga ay xukuumaddu u gaysato shacbiga reer Somaliland ee manta u baahan wax qabad iyo dibu dhis. Waxaana ugu horeyn halkaa ka hadlay Muj. C/risaaq Maxamuud Kaarshe (Dheg-Jar) Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi waxaynu u soo dagaalannay dimuqraadiyad, xoriytul qawl iyo horumar inay bulshadeenu gaadho. Manta waxa muuqata intii laga soo dagaalmay intuba inay maant koow yahiin oo 1982kii dib loogu soo noqday. Guled Cabdi Sheekhaash Hargeisa SDWO News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites