General Duke Posted September 15, 2007 DF oo ka hadashey Asmara 15 Sep 15, 2007 - 4:27:52 AM Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta Dolwada KMG ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inay wadaan abaabulo xoogan oo lid ku ah isbaheysiga kooxaha mucaaradka ku ah DF ku soo dhiseen dalka Eritrea. Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa yiri “Habeen iyo Dharaar waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu hortagi laheyn isbaheysiga sharka ah ee lagu soo dhisay Asmara, kaasoo lagu doonayo in lagu burburiyo ammanka Somalia iyo geedi socodka nabadda”. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka ay taabacsan tahay siyaasada dowladiisa, isla markaana adduunka oo dhan ku wargaliyeen qorshaha diban daabyada ay ku jirto ee Asmara kasoo baxay. “Xubnahan anaga nagu sheegi jiray inaan gacan ka helno gaalada, iyagaaba la ogyahay inay taageerto Yahuuda, isla markaana shirka Asmara ka dhacay qarashka ugu badan ayay bixisay dowlada Israel” ayuu yiri Madoobe Nuunoow Waxa uu sheegay in shirkasi ay ka qeyb galeen kooxo addunka oo dhan uu radsanayo oo Argagaxiso ah, isla markaana ay ka qeyb galeen ragii doonayay inay burburiyaan dowlada KMG ah. Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray mas’uulkaan dhinaca warfaafinta u qaabilsan DF ayaa kusoo beegmaya xilli xalay Asmara lagu soo gaba gabeeyay shirkii kooxaha mucaardka uga socdey. Cabdi Fatax Axmad,GO Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 15, 2007 Muqdisho: Dowladda KMG ah oo sheegtay in tallaabo laga qaadi doono xubnaha ka qeybgalay shirka Asmara ee ku soo laabanaya dalka 15. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaatay in tallaabo cad oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono xubnaha ka qeybgalay shirkii Maxkamadihii Islaamiga, kooxda la magac baxay baarlamaanka xorta iyo qurbo joogta Soomaaliyeed ay ku yeesheen magaalada Asmara ee dalka Erateriya. Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in aysan suurtagal aheyn in cagta ay soo dhigaan gudaha dalka xubnaha ka qeybgalay shirkii Asmara ee looga shirayey in dalka xasilooni daro looga abuuro, taasoo uu sheegay in aysan dhici doonin oo aysan ku guuleysan doonin kooxahaasi buu yiri hadafkooda ku aadan in dalka laga abuuro nabadgelyo xumo. Madoobe Nuunow ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo ka qeyb gashay shirka Asmara hadii ay cagta soo dhigto gudaha dalka Soomaaliye, wuxuuna wasiirka uu sheegay in dhulka iyo cirka ciidamo la socda ay dowladda diyaarisay. Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa diyaar garow ugu jirto la socodka kooxaha dib ugu soo laabanaya dalka ee ka qeybgalay shirka Asmara, iyadoo ciidamo dhar cad ah la diyaariyay oo la dhigay garoomada diyaaradaha ee dalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites