Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MAXAMED X. IBRAHIM CIGAAL

Recommended Posts

u2d200753447fimages1250uu2.png

 

 

hadhwanaag 2007-05-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Maanta oo ay bisha May tahay 3 May ayaa waxay ku beegan tahay sanad-guuradii 5-aad ee ka soo wareegtay geeridii ku timi madaxweynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal alle ha u naxariistee. Oo ahaa madaxweynihii labaad ee Somaliland mudadii ay xoriyada dib ula soo noqotay 18 May 1991-kii, isaga oo xilka madaxweynanimo kala wareegay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyey Marxuum C/raxmaan Axmed Cali [C/raxmaan Tuur] sanadii 1993-kii.kadib markii shirweyne Beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorama oo lagu soo doortay Marxuum Cigaal inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland.

Marxuum Cigal waxa uu talada dalka hayey muddo gaadheysa toban sanadood, mudadaas oo lagu tilmaamo inuu dalka ka asaasay haykal dawladnimo ee maanta dalka Somaliland ka jira.

Waxa kale oo lagu xasuusta Marxuum Cigal diyaarinta hanaanka dimuqraadinimo ee xisbiyada badan ee dhidibada u taagay xisbiga talada haya ee UDUB iyo weliba nabadeynta iyo hubka dhigista beelaha Somaliland oo ay ilaa wakhtigan kaga duwan tahay dawlkii hore la isgu odhan jiray Soomaaliya.

Marxuum Cigal ayaa xanuun la soo dersay awgeed waxa loo qaaday dabayaaqadii bishii April ee sanadkii 2002 koonfur Afrika magaalada Pretoria, halkaas oo uu ku geeriyooday bishii 3 May 2002, waxaana 6 May 2002 lagu asaasay magaalada Berbera, iyada oo ay aaskiisa ka soo qeyb galeen boqolaal kun oo dadweynaha reer Somaliland ah iyo wadamada aynu jaar ahba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this