General Duke Posted October 9, 2006 Baydhabop : Ciidamadii dawladda oo soo baneeyay deegaanka Buurhaba, Baydhabana ku soo wajahan. Monday, October 09, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Baydhabo (AllPuntland)- Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ka soo baxay magaalada Buurhaba oo ay saaka gacanta ku dhigeen. Ciidamada Dawladda oo aan la kulmin waxa iska caabin iyo dagaal ah ayaa magaalada uga soo kicitimay dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamada xukuumadda Soomaaliya ay ku kala wajahan yihiin magaalada Baydhabo iyo deegaanka Daynuunaay. Illaa iyo hadda lama shaacin sabab ta ka danbaysa arrintaasi iyada oo ay degaanka Buurhakaba dib u soo galeen ciidamadii horay ugu sugnaa oo dagaal la`aan uga baxay magaalada. Arrintani ayaa waxa ay ku soo begmaysaa iyada oo dhowaan ay shir jara`id magaalada Muqdisho ku qabteen madaxda maxkamadaha halkaasi oo ay kaga dhawaaqeen in ay qaadayaan dagaal adag. M. J. Koronto AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites